Faqriga & Abaaraha sidee looga baxaa? WQ; Axmad Maxamad Rooble

by admin | Monday, Jan 16, 2017

“Dal Faqri ah Ma jiree Dowlad Faqri ah ayaa jirta”

Arrimo ay ka mid yihiin yareynta faqriga iyo horumarka ayaa si aad ah u soo caan baxay dagaalkii labaad ee dunida kadib. Dunida oo dhan gaar ahaan galbeedka waxeey utabaabusheysteen isuna diyaariyeen ka guurida nolosha faqriga ah iyo u guurid horumar dhinac walba ah oo waxaa biloowday isbadalo badan. Iyadoo ay hore u jirtay kacdoonkii warshadaha ayaa hadana waxaa loo jeeystay ka miro dhalinto riyooyin badan oo maanka dadyowgaa kacay ku tiilay waxbadan. Koboca dhaqaale ee galbeedka ka hirgalay waa hore ayaa keenay in sinaan la’aan xaga dhaqaalaha ah. Weeydiimo badan ayaa mudan in la is weeydiiyo sida Faqriga ma arin dhaqaale baa tusaale lacag la’aan mise waa wax intaa ka weyn oo ka qoto dheer? Dunida ma tahay meel sinaanta  ku badan tahay mise ku yar tahay? Horumarka la hiigsanayo ma kan ka jira galbeedka? Saameyn intee l’ eg ayey ku leedahay isku furanka aduunka ku yimid {Globalization}? Hey’adaha dunida sida IMF & World Bank ma ku guuldareysteen dadka faqriga ah? Iyo kuwo kale.

Soomaaliya ma dal faqri ah baa? Faqrise muxuu yahay. Faqriga waa yaraanta ama waayida baahida aasaasiga ee bani’aadmiga leeyahay sida biyo, cuno, dhar, hooy, caafimaad iyo waxbarasho.  Intaa aan kor kusoo sheegnay hadii lagu fiiriyo dadka Soomaaliyeed waxaa soo baxeeysa in barkeen yihiin ama ka badan dad faqri ah.  Hadaba faqriga kuma koobna kaliya Soomaaliya ee waa mid ka mid ah dhacdooyinka caadiga ah ee dunida ka jira oo waxaa uu faqri ka jiraa dalal iyo dadyoow badan oo xoog iyo xeelad badanba leh sida Shiinaha, Hindiya iyo Brazil iyo qaar kale. Faqriga wuxuu ka mid yahay dhacdooyinka taariikhiga ah ee dunida taariikhdeeda ku xusan. Hadii dalalkaan ay ka jirtay faqri maanta waxbadan ay ka baxeen maxeey tahay jawaabta. Jawaabtu waa Horumar. Horumarku waa isbadal bulsho dhanka fekerka ah iyo soo kordhin aragtiyo, shaqooyin iyo waxsoosaar keeni kara isbadal ku dhaca heerka nolosha bulshada sida koboc dhaqaale, aqoon, waxsoosaarid, caafimaad iyo guulo kale. Aragtida habka uu u shaqeeyo hanaan dhaqaaleedka aduunka ayaa Immanuel Wallerstein oo ah taariikhyahan u dhashay mareykan, cilmiga bulshada yaqaan sidoo kalena ah saynisyahan arrimaha bulshada ah ayaa wuxuu uu ku doodaa in baahidda hanaan dhaqaale ee capitalismka uu awoodo badan siiyay reer galbeedka si gaar ah dhanka dhaqaalaha laga soo bilaabo qarnigii 16aad ilaa maanta in abuurtay hanaan dhaqaale saddex nooc ah oo kale ah 1) Kuwo sarre xag dhaqaale oo mushaarkoodu sareeyo,  farsamooyinka tiknolajiyada iyo farsamooyinka beeraha & waxsoosaarkoodu yahay mid aad u sareeyo. 2) Waxaa soo labeeyo Kooxda labaad oo ah oo meel dhexaad uu yahay dhaqaalahoodu, noloshooda isla markaana waxsoosaarkoodu yahay mid degen oo meel dhexaad ah Waxaa tusaale ahaan ka mid ah dalalka Dhaqanka waxsoosaarka warshadaha ku cusub yihiin. 3) Qaarka sadexaad waa isku dar labada dhinac ah oo waa kuwo meelaha qaar ku sareeyo, dhinaca kalana dhexdhexaad ka ah ama hooseeya. Waxaa ku xiran fekrado & calaamado badan sida Degenaasho siyaasadeed, Farsamo dowladeed miisaaman iyo mucaarad mideysan oo thaqafi ah. Calaamada horumarka aadanaha (HDI) waxaa ka mid ah noolaashaha nolol caafimaad leh oo dheer, Helida aqoon, awood u lahaashaha baahida aasaasiga ah sida hoy, hu, iyo cunno, Nabad ama xasilooni dhinacyo badan leh sida shaqada, cunno ama inuu dambi gelin lagana gelin iyo ugu dambeyntii helida sinaan ama cadaalad xaga shaqada, waxbarashada iyo ka qeyb galka siyaasada. Abaaraha ayaa calaamad sida xidiga oo kale u ah mid uga dhex muuqata faqriga ka jira dalka. Waxaana in badan taariikhda dalka iyo dadka ka dhex muuqata in abaaruhu soo laabteen in badan waxaa mudan in halkaan la keeno weeydiinta ah maxaa ugu wacan abaarahan kusoo noq-noqday dalka soomaaliya ?  Wax xiriir ahna maka dhexeeyaa aqriga iyo abaaraha? Bal Maxaa sababay abaaraha?

Sababaha Ugu Wacan Abaaraha & Xiriirka Faqriga

Sababahu ugu wacan dhibaatadan abaarta waa kuwo badan oo isdul yaal yaal hadana waxaa loo kala qaadi karaa afar umuurood in ay yihiih waxyaabaha dhaliyay abaaraha soo laablaabta ee ku dhaca geeska afrika gaar ahaan soomaaliya waxeyna kala yihiin sababahaas kuwan soo socda :

  • Dowlad iyo Hogaan wanaagsan la’aan

“ Ragii madaxda ka xumaato  waa,  marin habaabaaye “

Dowlad iyo hogaan la’aanta inagu dhacday waxey sababtay in  dalkii uu agoomoobo , in dadkii soomaaliyeed gaajo , cadaalad daro , caloolyoow , iyo uurkutaalooyin badan lasoo deristo ama ha noqoto abaar , gaajo , masuqmasuq , macluul iwm intaa iyo in ka badan waxaa loo aaneeyaa in ay sabab u tahay hogaan xumida iyo dowlad la’aanta ku habsatay umada soomaaliyeed iyo jahwareerka soo foodsaaray . Maantadan wuxuu dalku la’yahay hogaamiye dhab ah oo xalaal ah oo dunida kala hadla baaxada iyo sida wax looga qaban karo abaarta , gaajada , iyo maamul u helida dalka iyo dadka . Hogaamiyaha waa badbaadshe , bishaanshe , isku tole , waa howl wadeen , waa balanqaad la iskula xisaabtami doono aduun iyo aakhiro  .

  • Isbedelka cimilada (Global warming) iyo dabargoynta dhirta ( Desertification )  .

Sare u kaca Isbedelka cimilada dunida oo in badan laga hadlay , shirar badana laga qabtay ayaa la yiraahdaa waa u sabab waxyaabo farabadan oo abaartu , iyo gaajadu ay ka mid yihiin . Isbedelka cimilada ayaa dhaliya abaarta iyo xaalufka dhulka masiibooyinkaa oo iyagana dhaliyo cuno iyo biyo yaraan kama dambeystiina dadka ku qasabta in ay ka hayaamaan deegaankooda waxaa arinkaan lagu xalin karaa in la badiyo isticmaalka tamarta qoraxda iyo biyaha , iyo in yareeyo qiica wershadaha (Air pollution ) dhanka kale marka aad fiirisid taariikhda dadka soomaalida roobku wuxuu ahaa mid aad ugu yar oo suugaanta iyo sheekada soomaalida kama marna hadalka Roobka , roob la’aanta , abaarta iyo Aaranka .

Waxaa sidoo kale wax laga naxo ah in dabargoyn ba’an ay inoo dheertay oo lagu haayo dhirtii quruxda badneyd ee uu dalka laga iyadoo loo adeegsanayo in wax lagu karsado ama la dhiifiyo si looga ganacsado  dhuxul ahaan taa oo marka aad fiirisid 4 – 8 sano ka hor ay maanta aad uga daran tahay oo xaalufintii ay sii badatay wax dowlad la yiraahdo oo ka celinayaana aysan jirin halka dunidana award la isku siiyo sidii dhirta loo beeri lahaa oo dunida cagaar ama doog looga dhigi lahaa .

  • Faragelinta  Joogtada ah ee USA , Ethiopia iyo dowladaha tabarta daran ee soomaalida

Faragelinta dowlada mareykanka iyo itoobiya ee aan leeleexadka laheyn ayaa u sabab ah in soomaaliya ay yeelan weydo dowlad awood leh oo danaheeda taqaan dadkeedana badbaadsata soo gelitaankii ciidamada itoobiya iyo faragelintii dheereed ayaa aas aas u ah in dalka iyo dadka noqdaan kuwo u nugul abaar iyo gaajo meel faragelin iyo colaadin intaa iyo in ka badan lagu haayana ma aha meel ay xanaano taal .   Mashruuca biya xireenta ay itoobiya ka wado dalkeeda wuxuu isna saameyn ku yeelan karayaa  biyo yarida dalkeena.

  • Hormar la’aan , iskaashi caalami la’aan & Dagaalo.

Hormarla’aan:  waxaa loo la jeedaa marka la waayo fursado shaqo , caafimaad , biyo nadiif ah oo la cabo , cuno , aqoon iyo hooy marka shaqsi intaa oo horumar ah uu waayo waxaa imaaneeysa in qofkaa ama dadkaa ay ku jiraan xaalad gaajo ah  .

Iskaashi caalami la’aan ( lack of international cooperation ):      Iskaashi la’aan xaga la dagaalamida abaaraha iyo gaajada  ayaa iyaadana u sabab ah in abaaruhu ay sii darsadaan balse waxaa muhiim ah in dunida iyo soomaalida caqliga u saaxiibka ah ay iska kaashadaan sidii arintaan xal loogu heli lahaa iyadoo loo marayo dhabaha saxda ah waxaana jira wadama farabadan oo heegan soomaali u ah sida Turkey oo raisulwasaarahoodii iyo madaxdoodii ay ka dhiidhiyeen arintaa naxdinta leh ee dalkeenii ka dhacday gurmad dad dag ah inala soo gaaray dadka dhibaateeysan ee soomaalida ah balse waxaa dunida iyo soomaalida la gudboon in la iska kaashado hergelinta dowlad wanaag (good governance ) iyo la dagaalanka faqriga (poverty reduction)  labadaba si qaran iyo si caalami ahba .

Faqriga iyo dagaalada (Poverty and Wars):

Iyaguna waxey sababaan abaaraha iyo macluusha oo marka aad fiirisid dalalka qaar sida japan iyo canada kuma maqleysid waxaa ka jira gaajo ama abaaro oo waxaa u sabab ah dagaalada iyo faqriga oo aad ugu yar halka dalalka qaar sida afrika iyo Asia ay aad ugu badan tahay abaarta , dagaalada , fatahaadaha iyo dhul-gariirka oo dhamaan ah musiibooyin dabiici ah qaarkoodna bani’aadmiga keenay.

Guudmar: Faqriga & Soomaaliya

Waxaad maleeysaa dal in ku dhow 25 sano oo rubuc qarni ah dowlad la’aan ahaa sida uu noqon karo. Faqrigu wuxuu si badan oo kala duwan uga jiraa dalka balse waxaad mahadleh Alle’ ka sokoow dadka oo aan ku baraarugsaneyn amaba ogeyn sidaaso kalana aanan shareeysan. Dalkeena Soomaaliya wuxuu ka mid yahay 5ta dal ee dunida ugu faqrisan. Waxaa sidoo kale Soomaaliya ka mid tahay dalalka ugu musuqa badan aduunka.

Waxaan qeybo badan oo dalka ka mid ahi ka jirin adeegyada bulsho u baahan tahay oo aad u badan sida Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga iyo xaqqa uu shaqsiga ku leeyahay dalkiisa sida helida ka difaacida cadow, ilaalin sharafkiisa iyo qaar kale oo badan oo qofku ka helo  dalkiisa.

Hababka  Faqriga loo yareeyo

In ku dhow 25tii sano ee ugu dambeeyay Waxaa dalal badan oo dunida ku yaal geliyeen cilmi baarid iyo farsamooyin badan si loogu guuleysto yareynta ama ka taqalusida faqriga oo si baahsan saameyn ugu yeeshay dalalkaa. Waxaa dalalkaa ka mid ah Hindiya, Shiinaha iyo Braazil inkastoo wax badan oo natiijooyin ah ay markii hore kasoo bixin hadana waxaa in muddo ah kadib la arkay guulo iyadoo la kaashanayay farsamooyin ay ka mid yihiin kaalmooyinka laga helo hey’ada caalamiga ah iyo dalalka waaweyn. Waxaa sidoo kale farsamooyinka la adeegsaday ka mid ah gargaarka/kaalmada horumarineed ee isla hey’ada bixiyaan. Dhaliilo badan ayey dhaliyaan meelaha qaar oo dunida ah sida ay ku doodo dambisa moyo oo dhaqaale yahanad Zambian ah. Dambisa moyo buugeeda Dead aid waxeey ku doodeeysaa in gargaarka dibada uu dhaawac weyn oo meelo badan ah u geysto dalalka la siiyo deeqaha aan xadka laheyn ee gala Afrika guud ahaan. Kaalmooyinka noocaan ah waxeey keenaan ku tiirsanaan, Waxey dhiirigeliyaan masuqmaasuqa ugu dambeyntiina raajisaa jiritaanka dowlad xumida iyo faqriga, Ka hortagtaa koboca dhaqaale ee Afrika guud ahaan .  Baanka Grameen ee dalka Bangladesh oo uu aasaasay Maxamad yuunis oo dhaqaale yahay ah bilad sharafna ku guuleystay wuxuu la yimid aqoon iyo farsamo deemo lagu siinayo isla markaana hormarinaya dadka faqriga ah. Fekradaha Yareynta faqriga waa badan yihiin waxaana kaga hadli doonaa Maqaalo kale. Ku saabsan Qoraaga:                                                                       

 Axmad Maxamad Rooble MBA, Med.

Axmad Waa Qoraa, Cilmibaare ku mashquula Waxka Qorida iyo Baarida Aqoonta Dhinacyadeeda kala duwan Gaar ahaan Ganacsiga, Dhaqaalaha, Horumarka, Siyaasada & Arrimaha Bulshada. Waxa uu qoray Buug Yaraha ah; “Soomaaliya: Jiheynta Taariikhda, Dhaqanka & Dowladnimda”.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah