Farmaajo” dowladda waa in ay la timaadaa siyaasad degan si loo xaqiijiyo ammniga

by admin | Monday, Feb 23, 2015

Muqdisho : HN :–Max’ed C/llaahi Farmaajo ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadllayay weeraradii ismiidaminta ahaa Jimcihii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in taa ay ugu wacan tahay siyaasada Soomaliya ee xiligan oo ah mid aan degeneyn.

Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa kula taliyay dowladda inay sameyso siyaasad deggen, taasoo uu sheegay in ay saldhig u noqon karto amaanka oo hagaaga, wuxuuna xusay in dowladda looga baahan yahay inay kasbato kalsoonida shacabkeeda oo uu ku sheegay inay yihiin gun-dhigga howl walba oo ay qabanayso.

“Runtii qaraxyadii Muqdisho ka dhacay waxay ahaayeen musiibo aad u weyn oo ay ka naxeen Soomaalidu meel walba oo ay joogaanMohamed_Farmaajo_Somali_Former_PM, waxaana oran karaa waa mid ku timid habcsanaan dhinaca sirdoonka ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Mudane Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa intaas ku daray in xukuumaddu ay dhowr jeer sheegtay inay sugayso amniga guud ee dalka, balse waxaa taas ka wanaagsan in ay xoogga saarto sidii lagu heli lahaa siyaasad deggen.

“Dowladdu dhowr jeer ay ku cel-celisay inay muhiimadda koowaad siinayso inay amniga sugayso, haddii aysan siyaasaddu deggenaynna amni deggen lama helayo; waxaanan oran lahaa waxay ahayd in dowladdu xoogga saarto sidii lagu heli lahaa siyaasad deggen iyo in ay kalsoonida shacabkeeda soo ceshato,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, ra’iisul waasarihii hore ee Soomaaliya wuxuu xusay in la ururiyo sirdoon aad u xooggan oo howlaha looga baahan yahay kasoo bixi kara… waxaa kaloo loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay ka dhexeyso wada-shaqeyn wanaagsan.

“Dadka dhagar-qabayaasha ah waa inay shacabku la socodsiiyaan dowladdooda si ay uga hor-tagto dhibaatooyinka ay geysanayso Al-shabaab… nabadsugidana waxaa looga baahan yahay inay la socdaan kooxahaas is-gaarsiintooda iyo dhaq-dhaqaaqooda si ay uga falka ay damacsan yihiin uga hortagto. Macnaheeduna waa in laga shaqeeyo sidii shacabka looga difaaci lahaa dhagartooda,” ayuu Farmaajo ku hadalkiisa ku daray.

Farmaajo oo ka hadllayay sidda looga hortagi karo qaraxyada ayaa sheegay “Waxaa lagu baajin karaa in shacabka la dareensiiyo kalsooni oo aysan shaki ka qabin dowladdooda… sidoo kalena dowladdu ay muujiso inay shacakeeda u adeegayso.”

Ugu danbeyntii Farmaajo wuxuu sheegay in loo baahan yahay in siyaasadda dalka la dajiyo marka hore, kaddibna laga shaqeeyo sugidda amniga, isagoo ku cel-celiyay in kooxda Al-shabaab dhibaatooyinka ay geysanayaan mar walba laga hor-tago.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!