Farmaajo” In xiligan arrimo siyaasadeed leysku xirro dalka mugdi ayeey u horseedi doontaa

by admin | Sunday, Oct 4, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumada Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xariga xarunta Telleefishinka Universal, iyo labada mas’uul ee TV-ga, kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbeen Qarannimada.

Isaga oo la hadllayay mid ka mid ah idaacada maxaliga ah ee Muqdisho, ayuu sheegay in wax laga xumaado tahay in 25 sanno kadib lafarmaajo caburiyo warbaahinta, gaar ahaan waxaa uu arrin xad-gudub ah ku tilmaamay in gudaha loo gallo xarunta Tv-ga kaddib shaqo ka joojin lagu sameeyo.

“Runtii waa arrin aad looga xumaado, inta la galo Xafiiskii Telefishinka Universal la xiro, waliba labada mas’uul ee Telefishinka ka tirsan ay labo cisho ay xiran yihiin, ma ahan in dowladdu caburiso warbaahinta”ayuu yiri Mr Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn dad xilligan loo xiro arrimo siyaasadeed, isla markaana uu dalka u horseedi karto mugdi, waxaana uu xusay in Madaxda dowladda ay iyagaba saxaafada adeegsadaan.

“Ma ahan in arrimo siyaasadeed dad loo xiro, wuxuuna dalka u horseedi karaa mugdi, Madaxweynaha laftigiisu Universal iyo Idaacadaha kale wuu u yeertaa si uu hadalkiisa ugu mariyo shacabka”ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Ugu danbeyntii habeen hore ayeey aheyd markii Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay xireen Xafiiskii Telefishinka Universal ee Muqdisho, waxaana arrimaha lagu heysto Telefishinku la sheegay inay tahay dood ka baxday todobaadkii hore oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baralamaanka, waxaana ay sheegeen in dalku uu gacan shisheeye wali ku jiro.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!