Farmaajo” khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha waa la fillayay

by admin | Thursday, Nov 27, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadllay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, ayaa sheegay in khilaafkaasi uu ahaa mid horeyba loo filayay.

“Khilaafka waa wax laga xumaado xilligan inuu yimaado,balse waxaan idin sheegaya khilafka waa mid horay loo filin karay marka la’eegoFarmaajoks qabka shaqo ee ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha,”ayuu yiri Farmaajo oo horay u ahaa ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd.

Waxaa uu sheegay in xilligaan dowladda Xasan Sheekh mudada u hartay inaysan dalka waxba ka qaban karin, islamarkaana Soomaalida ay luminayaan 4-tii sano ee lasiiyay.

Hiigsiga 2016 ayuu sheegay in aanu marnaba socon doonin, sababtoo ah dowladda madaxdeeda ayaa khilaaf meeshii ugu xumeyd xilligaan haysta, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay haddii hadda uu ka baxo meesha Cabdiweli Sheekh Axmed in Soomaalida ay sii xaqiijin doonaan in aan la gaari doonin hiigsiga 2016-ka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!