Farmaajo oo ka digay in ay dhismaan maamul gobolleedyo ka awood badan dowladda dhexe

by admin | Thursday, Apr 9, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa isaga oo jooga dalka Mareykanka sheegay in uu baqdin weyn ka qabo in ay dhismaan sidda uu hadalka u dhigay maamul gobolleedyo ka awood badan dowladda dhexe, madaama ay jirto fara-galin toos ah oo ay dowladdaha dariska ah ku leeyihiin dhismaha maamulada gobollada.

Isaga oo la hadllayay warbaahinta gudaha ayuu sheegay Farmaajo in maamulka gobollada dhexe uu markii hore ku billowday si wanaagsan, isla markaana la rabo in la taageero sida uu ku billowday.

“Ma ahan in dowlado shisheeye ay fara-geliyaan dhismaha maamulkaas, waa in dowladda Somalia lagu taageero sida wax u wadaan. farmaajoMarkii ay kulan gaar ah yeesheen oday-dhaqameedyada waxbay soo saareen, dib u heshiisiin ayay sameeyaan, haddiise dano kale dabada laga riixayo colaad ayay abuuri kartaa,” ayuu yiri RW-hiii hore ee Somalia.

Waxaa uu intaa ku darray in wax wanaagsan ay tahay in maamulo la sameeyo dadkuna ay is-maamulaan, balse wuxuu ka digay in federaalka uu noqdo sidii maamullo ka xoog badan dowladda dhexe, isla markaana dano shisheeye fuliya.

“Haddii federaalisim-ka lagu heshiiyo, ma ahan in dowladda dhexe aysan awood lahayn, federaalka waa inuu noqdaa sida kuwa dalalka Mareykanka, Canada iyo Itoobiya oo kale oo ay dowladaha dhexe awoodd leeyihiin. Balse Federal ay dowlado dhisteen haduu yahay oo dano shisheeye oofinya, taas dan uma ahn Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Farmaajo oo intaa raaciyay in loo baahan yahay in ciidammo guud oo Qaranka leeyahay iyo kuwo si gaar ah u leeyihiin maamullada gobollada dalka.

Hadalka Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa imanaya xilli uu madaxweynaha Somalia ku dhawaaqay in shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somalia lagu qaban doono Cadaado, kaddib muran muddo dheer ka taagna goobta lagu qabn doono shirkan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!