Farmaajo” waxaan la yaabay tiro badnaanta gollaha wasiirrada cusub

by admin | Sunday, Feb 8, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo oo la hadllayay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in xubnaha gollaha wasiirrada cusub ee dhawaan uu soo dhisay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo garanayo in badan oo ka mid ah, kuwaa oo sidda uu hadalka u dhigay karti iyo aqoon intaba u leh gudashada waajibaadka loo idmaday.

”Annaga waxaan garanayaan shaqsiyaad ay ka mid yihiin” C/raxmaan Caynte, C/qaadir Sh. Cali Diini, Sahro Maxamed Cali Samatar, Xagaa, C/rashiid Xiddig, Maxamed Xasan Aadan iyo Daa’uud C/raxmaan, dhamaan waa dad aqoonyahanno ah oo kasoo bixi kara howlihii ay garanayeenna loo magacaabay oo leh karti iyo aqoon ku filan oo ay ku gudan karaan howsha loo xilsaaray,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in shaqsiyaadka kale ee xukuumada ku jira ee uusan magacyadooda soo qaadin intooda badan uusan aqoon u201498635457531996915641Image151 laheyn, laakiin uu ka rajeynayo mid walba oo ka mid ah in uu ka soo dhalaalo howsha loo idmaday.

Hasse ahaatee Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tirada xubnaha gollaha wasiirrada cusub oo sidda uu hadalka u dhigay ah mid laga badbadiyay.

“Arrintan sida weyn la isku weydiinayo waa tiro-badnimada wasiirrada lasoo magacaabay, waxaana qabaan in bishiiba ay ku bixi karto nus malyuun dollar, taasoo aanu dalku xamili karin,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn in mushaarka ciidamada dowladda aysan qaadan, marka uusan garan karin halka lacagta ku baxaysa golahan wasiirrada halka laga keeni karo.
Waxaa uu sheegay in la magacaabi karay haddii loo baahdo xubno golle wasiiro oo intan ka tiro yar kana tayo badan, isaga oo dhinaca kalana xildhibaannada baarlamaanka fariin u dirray.

“Baarlamaanka horay ayuu talo u siiyay, mar aan hor-tagay waxaan u sheegay inaysan kala dooran laba qof, balse ay kala doortaan burburin-qaran iyo badbaado-qaran.”

Isagoo sharraxayay badbaado-qaran iyo burburis-qaran ayuu sheegay inuu burbur-qaran yahay inay jirto siyaasad aan daganayn oo dalal shisheeye ay soo farageliyaan dalka oo ay maamullo u dhisaan, ciidanka aan daryeelka ay u baahan yihiin loo dhameystirin iyo in barlmaanka iyo xukuumaddu ay kala qaybsan yihiin.

“Hadda baarlamaanka waxaan kula talinayaa inay badbaadiyaan xilalkiinna, maadaama ay qabaan shaki ah inaysan soo laabanayn 2016-ka, aniguna waxaan qabaa inay iyagu sii joogaan, intii la keeni lahaa kuwo la qaldi karo oo aan khibrad lahayn. Baarlamaankuna waa haya’adda keliya ee xalaasha ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!