Farxaan Xidig oo looga adkaaday doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socta Muqdisho

by wadani | Saturday, Dec 10, 2016

Muqdisho : HN :- Doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa looga guuleystay Fanaanka caan ah ee Farxaan Xidig,kaasi oo tartan adag kala kulmay Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ahaa xildhibaanada Waqtigoodo dhamaaday.

Farxaan Xidig ayaa helay  6-cod,halka Xildhibaanka guuleystay uu helay 45 cod, waxaana Farxaan Xidig uu ka mid yahay fanaanniinta Soomaaliyeed ee sidda weyn loo jecel yahay.

Ugu danbeyntii, doorashada ayaa wali socota waxaa saacad kasta hamigiisa weynaya siyaasi damacsan inuu ka mid noqdo Xildhibaanada soo socda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!