Fasaxii baarlamaanka oo dib loo dhigay shaqooyin culus oo yaalla awgeed

by admin | Saturday, Jan 17, 2015

Muqdisho : HN :–Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in dib loo dhigay xiritaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka oo lagu waday in 22-ka bishan la soo xiro.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Baarlamaanka uu ogolaaday muddo 14-cisho ah in Ra’iisul Wasaare Cumar640x480xJawaari-Maxamed1.jpg.pagespeed.ic.DWtEDlSSHi Cabdirashiid uu ku soo magacaabo Xukuumad cusub, kadib markii uu la noqday Xukuumadii 12-kii bishan uu soo magacaabay.

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay in kalfadhiga shanaad la soo xiri doono 5-ta Bisha febraayo, isla markaana muddo kordhin loo sameeyay Ra’iisul Wasaaraha, si uu Xukuumad u soo dhiso, una hor-keeno Baarlamaanka mudadaas.

“22-ka bishan oo aheyd in la soo xiro kalfadhigii shanaad dib ayaa loo dhigay, 5 bisha Febraayo ayaa la soo xiri doonaa, maxaa yeelay Ra’iisul Wasaaraha 14 cisho ayuu codsaday in la siiyo, sidaas hadii mudadaas uu ku horkeeno kadib waa laga doodayaa, marka waxaa kordhinay fadhiga Baarlamaanka oo la soo xiri doono 5-ta bishan”ayuu yiri Prof. Jawaari.

Ra’iisul waasaraha Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad kale, isagoo sheegay inuu kala tashan doono dhismaha wasiirada cusub, madaxda dalka iyo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!