Feysal Cali Waraabe oo sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Cali Khaliif loogu biiri lahaa Somaliland

by admin | Wednesday, Oct 22, 2014

Hargeysa : HN :–Siyaasiga Faysal Cali Waraabe ahna guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in ay ku dadalayaan siddii Soomaaliland loogu soo biirin lahaa madaxweynaha maamulka Khatumo State Cali Khaliif Galeyr.

“Cali Khaliif waa inan-kayagii waa aqoon-yahankeeni waan la hadlayna anniga la hadlaya madaxweynaha la hadlaya,hadda ka horna waan is aragnay,annagu waxan jacel-nahay qof walba oo reer Soomaaliland ah la haaajiyo,Soomaaliland la’aanti ma soconayso isagana la’aanteen ma soconayso,waana la hadlayna”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayay sababta ilaa hadda ay Soomaaliland jawaabta uga bixin la’dahay baaqi Galayr.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxaa uu si cad u sheegay in shaqi ahaantiisa uu ka shaqeynayo sidii ay u wada-hadli lahaayeenFaysal-Cali-Waraabe Soomaaliland iyo madaxweynaha Khaatumo.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlla inta badan xaaladda Soomaaliland ayaa xaqiijiyay muhiimada uu maamulka u leeyahay aqoon-yahanka Galayr,waxuuna tilmaamay inuu billaabi doono sidii uu madaxweynaha Khaatumo uga mid noqon lahaa Soomaaliland.

Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay ka gosteen Soomaaliya,balse gobollada SSC oo ay ku muransan-yihiin Puntland iyo Soomaaliland waxaa uu sheegay Faysal Cali inay ka tirsan-yihiin Soomaaliland taasna ay ku qasbayso inay la hadlaan Cali Khaliif .

Madaxweynaha maamulka Khaatumo,Cali Khaliif Galayr ayaa horay ugu baaqay Soomaaliland in wada-hadallo lugu dhammeeyo muranka xadduudka,waxuuna tilmaamay gobollada Khaatumo inaysan ku biiri doonan Soomaaliland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!