Feysal Cali Waraabe oo Siilaanyo 24 saac u qabtay, hadii kale hab beeleed dib loogu noqon doono

by admin | Monday, May 11, 2015

Hargeysa ; HN;- Gudoomiyaha  xisbiga Ucud faysal Cali Waraabe ayaa isagoo careysan wuxuu ka hadlay waqti kordhinta golaha guurtidu u sameeyeen xukuumada Siilaanyo.

Feysal ayaa yiri Siilaanyo wuxuu heystaa ilaa barri wafdiga reer Yurub aay ka imaanayaan Hargeysa hadii uu diidi waayo goáanka golaha guurtida waxaan dib loogu noqon doonaa hab beeleedkii lagu aas aasay Somaliland.

Waxaa ina saaran waajibaad in wadanka aanu badbaadino maxaa yeelay waxaa dhinacyada laga soo abaabulayaa qorshooyin lidi ku ah jiritaanka Somaliland, isagoona sheegay in Muqdisho, Garowe iyo Galkacyaba laga abaabulayo shirqoolo lidi ku ah jiritaanka Somaliland

Mar uu ka hadlay golaha guurtida ayuu ku sheegay in aanay jirin cid aay matalaan, iyagoona si dhaxaltooyo ah meesha ku jooga, C/raxmaan Cirro ayuu kula taliyey inuu ama gudoomiyaha golaha wakiilada ahaado ama gudoomiyaha xisbiga mucaaradka, taariiqda kama dhicin shaqsi gudoomiye xisbi mucaarad sheeganaya hadana maamulkii uu mucaaradka ku ahaa uu baarlamaankooda gudoomiye ka ah.

Feysal ayaa sidoo kale wacad ku maray in dowlad cusub aay dhisi doono hadii madaxwaynaha Somaaliland mudane Siilaayo uu san digreeto uu ku diidayo ka soo saarin muddo kordhin ay golaha guurtada  ugu sameeyeen madaxweynaha iyo  ku xigeenkiisa doorashadana dhici doonto 2016.

Mudooyinka ayaa waxaa Soomaliland ka socda is qabqabsi xagga siyaasadda iyo murano badan oo ugu dambeyn maanta xisbiyada mucaaradka oo mudaaharaad nabadgelyo wato isugo soo baxaan si ay u muujiyaan dareenkooda, xukuumaddana ka soo horjeesatay xirxirtayna qaar ka mid ah madaxda xisbiyada iyo shacab farabadan oo ka qeybqaadanaayay dibad baxa.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!