Feysal Cali Waraabe” Soomaaliland lamaga maamulo Itoobiya

by wadani | Monday, Oct 3, 2016

Hargeysa : HN :–Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dowlada Ethiopia aysan maamulin Somaliland islamarkaana aysan faragelin arimaha siyaasada Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay xaflad lagu daahfurayay jaamacad laga leeyahay dalka Ethiopia oo laga furay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland lagu xantaa inta badan in laga maamulo dalka Ethiopia, sida uu sheegay.

Siyaasiyiin badan ayuu ku tilmaamay iney aaminsan yihiin in Somaliland awaamiirteeda badankood laga soo saaraa dalka Ethiopia, balse taasi ay been tahay.

Wuxuu amaanay Faysal waxbarashada Ethiopia ay siiso dhalinyarada ku nool deegaanada Somaliland, isagoo jaamacada laga furay Hargeysa ku sheegay horumar kale oo la gaaray.

“ Siyaasiyiin ayaa markay  Ethiopia diidan yihiin waxay yidhaahdaan  Somaliland waxa maamusho Ethiopia, nama maamusho”ayuu yiri Faysal Cali,  Wuxuuna intaa raaciyay in Ethiopia ay la wadaagaan xuduud dheer oo gaaraya illaa 400 Km, xiriirka ay wadaagaanna uu yahay mid saaxiibtinimo.

Dhinaca klae Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Ethiopia kaliya markii hore uu kaga imaan jiray qaadka, balse haatan ay muuqataa in dhanka waxbarashadana ay kaga imaaneyso.

” Awal hore Ethiopia  waxa nooga iman jiray  qaadka oo kaliya balse maanta haddii ay waxbarasho ka imanayso waa arrin wanaagsna oo qaadka wax hal million ku dhaw ayaa maalinkasta lacag ahaan u taga Ethiopia  “.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!