Feysal Cali Waraabe”waa soo dhaweynayaan hishiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Soomaaliland

by admin | Monday, Dec 22, 2014

Hargeysa : HN :– Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Soomaaliya Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo hishiiskii maalintii shalay ay ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo madaxweynaha Soomaaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid uu soo dhoweynayo, isla markaana uu rajeynayo inuu meel maro.

“Heshiiska waa soo dhoweyneynaa aad iyo aad, waxaa jecel nahay inuu heshiiska meel mar uu noqdo, wax alla wixii lagu heshiiyay la hirgeliyo, waxaa u hambaleynayaa Madaxweynaha Jabuuti oo qaatay waajibaadkiisa xaqa ah”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe

Mar uu ka hadlayay gaabiska ku yimid wada hadalada ayuu tilmaamay in dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayFaysal-Cali-Waraabe caga jiid ahaayeen, aanay markii hore wada hadalada kaga fiicnaayeen dowladdii Sheekh Shariif hogaaminayay, balse haatan ay muuqato in wada hadala la dar dar geliyo inay diyaar u yihiin.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay wax sahal aheyn in go’aan laga gaaro arrinta ku aadan in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale ama in Soomaaliya ka sii mid ahaadaan, taasoo uu xusay inay u baahan tahay waqti dheer.

“Arrinta u dambeysa ee ah mala kala tagaa ama mala isku darsadaa waqtigeeda lama gaarin marka hore waxaa haboon in la dhiso kalsooni, la is barto, xiriirka wanaagsanaado, in jawigaas horta in la suura geliyo, marka dambena la gaaro wax ma wada yeelan karnaa mise waa is macsalaameynaa waana wadada lagu socdaa”ayuu yiri Feysal cali Waraabe oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Wada hadalada u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa muddo sanad ah hakad ku jiray, iyadoo dowladda Soomaaliya dhinaceeda uu gaabiska ka jiray, maadaama khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiray.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!