Firinbi iyo Soomaaliyeey toostooy kadib bari maxaa xigi doona [Kulanka baarlamaanka]

by admin | Sunday, Nov 23, 2014

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa Jimcihii aynu soo dhaafnay sheegay in maalinta Isniinta ah oo ku beegan Bari mudanayaasha baarlamaanka loo qeybin doono mooshinkak ka dhanka ah RW Cabdwali, isaga oo ku hanjabay in aan loo dul-qaadan doonin fowdo iyo buuq danbe.

Laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaa wali sii xoogeysanaya meeshii ugu sareysayna gaaray khilaafka ka dhax jira mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee iska soo horjeeda, kuwaa oo labo fadhi oo hore ka dhigay xarunta baarlamaanka” Meel ay caruur ku ciideysaneyso oo firibkiga ayaa is qabsaday Mar kalana, golihii tiyaartarka oo waxaa laga qaaday heesta caanka ah ee ”Soomaaliyeey Toostooy”

Mudanayaasha ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah RW Cabdwali oo maalmihii ugu danbeeyayba kulamo ku lahaa hoteelladaxildhib Muqdisho ayaa wacad ku maray in aysan ka leexan doonin mowqifkoodii hore, islamarkaana ka hor iman doonaan haddii baarlamaanka la hor keeno mooshin ay ku sheegeen in uu yahay sharci darro lagana soo abaabulay  madaxtooyada.

Lakiin su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxaa maalinta bari ah u qorsheysan in ay xildhibaannadaas la soo shirtagaan Firinbi iyo Soomaaliyeey Toostooy kaddib, dad badan ayaa is leh toloow mudanayaasha baarlamaanka ee taageersan ra’iisal wasaaraha ma Digrin doonaan, haddiise ay taa dhacdo maxaa talllaabo ah oo u qorsheysan guddoomiyaha baarlamaanka” Berri ayaan u wadda joognaa waxa dhaca.”

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!