Francois Hollande ” dowladda Faransiiska diyaar uma ah dagaal diimeed

by admin | Sunday, Jan 18, 2015

Paris : -HN :– Francois Hollande  madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa sheegay in uusan marnaba aqbalayn in ay argagaxisada dabin ugu dhacaan oo dalkiisa uu faraha la galo dagaal diimeed.

Madaxweynaha ayaa hadalka ka jeediyay dibad-baxyo ka dhanka ah Faransiiska ay ka socdaan dalal badan oo dunida Islaamka ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Soomaaliya, Yemen, Niger, Pakistan iyo dalka Nigeria oo ay ka dagaalanto kooxda Boko Haram.

Dibad-baxyadii ugu ballaaran ayaa waxay ka dhacayaan Niger oo lagu gubay toddobo kaniisad lagu gubay, iyadoo Francois2015118635571608062300106Francois_Hollande Hollande uu sheegay in Faransiisku weligiiba uu ahaa dal calmaani ah oo u furan diimaha oo dhan.

“Shacabka France oo dhan waxaan ugu baaqayaa inay midoobaan oo ay ku dheggenaadaan mabaa’diida dalkooda,” ayuu yiri madaxweynaha France Francois Hollande.

Bannaan-baxyada ka dhacay caasimadda dalka Nigeria ee Niamey ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid maal intaba, iyadoo dadka dibad-baxyada dhigaya ay dab qabad-siiyeen kaniisado; isla markaana jeex-jeexay nuqullo ka mid ah bayballadii yaallay.

Mudaaharaadayaasha ayaa arrintaasi uga jawaabaya daabacaadda sawirro uu wargeyska Charlie Hebdo ku afla-gaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH), taas oo saameyn xooggan ku yeelatay dunida Islaamka ah oo dhan.

Baadari lagu magacaabo Zakaria Jadi oo kaniisaddiisa la gubay ayaa BBC-da u sheegay in waxba aan looga tagin meesha; isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatooyinka.

Dhanka kale, dibadbaxayaal ka careysan afla-gaadeynta Nebigeenna NNKH ayaa iyaguna shalay dibadbax weyn ka dhigay Muqdisho, iyagoo uga digay dalalka reer galbeedka inay kuwa falalkaas oo kale sameynaya iska qabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Caalamka Islaamka ayaa si isku mid ah uga carootay afla-gaadadii uu Nebi Muxamed (NNKH) u geystay Wargeyska Charlie Hebdo kaasoo ay weerareen laba wiil oo walaalo ah, ayna ku dileen 12-qof oo ay ku jiraan siddeed suxufi oo ka howlgalayay wargeyskaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!