Gaari ay la socdeen ciidamada dowladda oo lagu rasaaseeyay bartamaha magaalada Kismaayo

by Somali | Saturday, Feb 2, 2013

Kismaay1Kismaayo : HN :  Wararka laga hellayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in rag ka tirsan xooggga Raaskanbooni rasaas culus ku fureen gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda oo mararayay bartamaha magaalada Kismaayo.

Ugu yaraan inta la og-yahay rasaastaas waxaa ku dhintay mid ka mid ah ciidamada dowladda ee la socday gaariga rasaasta lagu furay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee  ku sugan Kismaayo.

‘’Qofka dhintay waxaa uu la socday gaari marayay bartamaha magaalada Kismaayo, waxaana uu ka tirsan yahay ciidamada dowladda,’’ ayuu yiri Aadan Ibraahim Dheere.

Lama garanayo ilaa iyo xiligan sababta keentay in xoogagga Raaskanbooni rasaasta ku furaan gaariga ay wateen ciidamada dowladda, waxaana markii danbe xaalada dhax galay oo dajiyay saraakiil ka tirsan labada dhinac.

Marka la eego ciidamada Raaskanbooni iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka mid ah xoogagga gacanta ku haya amniga magaalada Kismaayo, ayaa ah kuwa aan siyaasad ahaan isku wanaagsaneyn.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!