Gaari ay leeyihiin ciidammada AMISOM oo dad shacab ah ku dilay degmada Buula-burte

by admin | Monday, Nov 2, 2015

Buula-burte : HN :–Qof dumar ah ayaa geeriyootay saddex kale oo haween ahna dhaawacyo culus ayaa soo gaaray, kaddib markii uu dul maray gaari ay lahaayeen ciidammada howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Duqa degmada Bula burde Cismaan Geedi ayaa sheegay shilka uu u dhacay si kadis ah, kaddib markii gaari oo ka yimid dhinaca garoonka diyaaradaha degmada uu meel dhaw ka arkay haweenka oo wadda socday, hasse ahaatee uu awoodi waayay wadaha gaariga in uu ka qabto.

2015112635820507435123066Gaari_Ciidamada_Jabuuti_Hiiraan_660Waxaa uu sheegay in haweenka dhaawacmay xaaladooda aad u liidato, islamarkaana sheegeen saraakiisha ciidammada Jabuuti in ay u qaadayaa magaalada Muqdisho si halkaa loogu daweeyo.

Dhinacdadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo sidan oo kale gadiidka ciidmmada AMISOM ay leeyihiin uu waxyeello u geystaan dad shacab ah guud ahaan gobolka Hiiraan.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!