Gaas oo la kulmay qaar ka mid ah safiirada beesha caalamka

by wadani | Saturday, Dec 10, 2016

Nairobi : HN :-Qormo Press” Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee daka Kenya ayaa halkaa kulan kula yeeshay safaaradaha dowladdaha dalalka Jarmalka, Maraykanka iyo Talyaaniga.

Kulankan uu Gaas la qaatay safiiradaasi ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira doorashda Soomaaliya, mashaariicaha horumarineed ee ay dalalkaasi ka wadaan Puntland iyo abaaraha baaxadda leh ee ka jira Puntland.

Madaxweynaha ayaa safiirada ku amaanay shaqada iyo dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan inay ka qayb qataan horumarinta Soomaaliya gaar ahan maamulka Puntland, sidoo kale waxa uu madaxweynu uga mahad celiyey safiirada iyo dawladahoodaba sida ay ugu heelan yihiin inay ka cawiyaan arimaha amaanka guud ahaan Soomaliya iyo gaar ahaan Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu uga warbixiyay safiirada xalaadda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona sheegay in abaartan ka jirta Puntland ay tahay tii ugu darnayd ee abid soo marta Soomaaliya wax yeelona u geysatey dad iyo duunyoba, islamarkaana loobahan yahay in gacan laga geysto gurmadka loo fidinayo dadka ay baaruhu saameeyeen.

Ugu danbayn Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ku bogaadiyey kuna ammaanay ciidamada Putland guusha ay ka gadheen dagaalkii ay argagixisada kula galeen degmada Qandala ee gobolka Bari iyagoo gacan ka helaya shacabka iyo Dawlada Puntland.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!