Gaasow: Marxuum Malleeshiyo laguma maamuuso! WQ: Bashiir M. Xersi

by Yahye | Saturday, Feb 8, 2014

Alla ninku aqooldaranaa ama dilanaa! Alla umaddu ayaandaranaa! Mudane Gaas horjoogaha Maamulka Bari ee Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed ayaa wuxuu Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kala soo dagay ciidamo uu watay oo ku labbisan Tuutihii Ciidan, kuna habaysan qoryo, si uu uga qaybgalo aaska Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen. Weydiinta baa ah, sidee ku dhacday in Gaas laga oggolaado inuu Magaalada Militeri la yimaad? Sidee looga aqbalay in uu ciidan kala soo dago diyaaradda? Waxay warcelintu noqotay inaan lala soconayn, la ogayn, lana filayn, oo waliba ay aad ula yaabeen madaxdii soo dhaweyntiisa ku hawllahayd, oo uu Ra’iisul Wasaare Sammigi C/wali ka mid ahaa.

Magaalada Muqdisho waxaa hore u yimid madaxda dunida qaar ka mid ah, oo ay ugu horreeyeen Pan Ki Mon, Xogyaha guud ee Qaramada Midooobay, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Erdogan, oo ba maalmahan la filayo inuu soo gaaro Xamar. Bal u fiirsada haddaad ku aragteen ASKAR qoryo sidata iyo ciidan tuute ku labbisan, aan ka ahayn kuwa sugaya ammaanka! Dawladnimo ma ahan madax baan ahay iyo waan taliyaa, ee waxay u baahan tahay in lala yimaad dhaqankeeda, hiddeheeda, tusmadeeda iyo aqoosheeda.Gaas Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa dalka yimid, Wasiirka Arrimaha dibadda dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga, wufuud ka kala socotay waddamo ay ka mid yihiin: Norway, Holland, Faransiiska, Biljam, Shiine, Hindiya, Maraykanka, Carab oo dalal dhawr ah ay ka kala yimaameen. Intaa magaalada Xamar wafdi caddaan iyo madaw isugu jira ayaa labada gallin isku dhaafaya Garoonka, qaarnna hoteellada iyo deegaanno ayey ba ka deggan yihiin magaalada, haddaba wali ma aragteen mid ka ka mid ah oo askar iyo ciidan la yimid?.

Ku darso, mudanihii xilka uga horreeyey Gaas maamulka Bari Mudane Faroole ayaa markii Xasan loo caleema saarey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed, wuxuu Mudane Faroole damcay inuu magaalada la yimaad ciidan (ASKAR) u gaar, taa oo uu ka diiday Sheeq Shariif oo markaa ahaa Madaxeynaha DKMG. Midda kale, Mudane Gaas, maanta Xamar ugumo horrayso, oo wuxuu ka soo noqday Wasiir, Ra’iisul Wasaare iyo Xildhibaan, haddaba waxa maalintaa u diidayey inuu ciidankan u baahdo, ee maanta keenay yaa macnayn kara? Dabcan inuu deegaan madax ka yahay, ayana tahay inuu ilaalo gaar ah yeehso kama hadal, oo waa hubaal, ee ilaalada ayaaba dharcad noqon karta, kuna hubaysan bistoolada iyo qoryo yaryar oo jaakadaha ku hoos jira, sida dunida dhan ka jirta, balse, in lala yimaad hub muuqda, sidii in la dhigayo filim oo kale, aniga igama degin.

Tan kale, haddii la yiraa horjooge beeleed walba ee Xamar imaanaya ama deegaan kale tagaya ha la yimaad ASKAR qoryo ku hubaysan, maxay ka dhigan tahay? Sidaa dawlad ma lagu noqdaa mise lagu gaaraa maamul wadaag, inta aan la gaarin maamul wanaag? Tan kale, saw ma habboona in la kala garto ilaalo iyo ciidan ama askar waxay ku kala duwan yihiin?. Baahida ciidan ee Gaas gashay ee aan galin madaxdii kale ee Xamar timid waxay na tusaysaa sida dadka qaar aysan ugu bislayn dawladnimo, marka laga reebo beelaysiga iyo sedbrsiga.

Saddax mid inuu yeelo isagay jirtay oo la gudbooneed, midna uusan ka yeelin oo kala ah:

1-Inuu ILAALO dharcad ah oo Bistooladahooda iyo qorya fudfudud oo yaryar hoos ku wata la yimaad.

2-Inuu ku kalsoonaado ciidanka dawladdu u xilsaarto sugidda ammaankiisa, oo uuba yaqaan qaarkood. Laga yaabee in la helayo kuwii shalay waardiyey jiray, markii uu Wasiirka ama Ra’iisur Wasaaraha ahaa.

3-Inuu Ciidanka AMISOM aamino, oo uu iyaga kaga dambeeyo in ammaankiisa ay sugaan, hadduu dawladda saluugsanaa.

Dhaqankan WAALLIDA ah oo kale, waxaa mar ku kacay hoggaamiyihii la daldalay ee Mucammar Al Qaddafi, ee xukumi jiray Libya, mar uu damcay inuu xadka Waddanka Nayjeeriya uga soo tallaabo ciidamo fara badan oo uu watay iyo askar, oo lagu yiri: “haddaad rabto inaad soo gasho ammaankaaga anagaa sugayna, haddii kale iska laabo!” sidaana uu ku laabtay.

Run ahaan in kasta oo aan qofna ka warqabin in Mudane Gaas uu la iman doono ilaalo caynkan ah (CIIDAN HUBAYSAN) haddana, dawladdu si deganaan iyo bisayl ku jiro ayey u maaraysay, oo maalintii hore waa loo daayey inay diyaaradda ka soo degaan, balse, maalintii dambe ee aasku jiray ayaa loo diiday, oo lagu amray inaysan soo gali marna garoonka.

Tan la yaabka ah waa; Garoonku ma ahan Garoon ciidan, oo waxaa dhooban Shicib isugu jira shaqaale, dhoofayaal iyo soo dagayaal, qaarkood aysan waligood isha saarin dad hub caynkaa ah ku hubaysan, waxay filin ka fiirsadeen ma ahane, haddaa, dadkaa argagaxa gali kara intee la eg yahay?.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya; Mudane Gaas ma wuxuu doonayey in loo diido, oo ciidanka ALPHA iyo AMISON ay hub ka dhigis ku sameeyaan, meeshaana uu caro diyaaradda kula noqdo, xasaasiyad iyo xumaanna uu ku abuuro beesha uu madaxa u yahay? Mise kaba sii darane, wuxuu rabay inuu wiilasha yaryar ee la socda naftooda halligo-dhaqankeeda waa lee yehee- oo dhaawac iyo dhimasho ka dhacdo goobta, hadhawna ku calaalo: inagoo marti ah, oo meydka adeerkeen u nimi ayaa la ina laayey, meeshaana uu xasaasiyad qabyaaladeed oo abuuristeeda iyo ku shaqeeysigadeeda uu aad ugu fiican yahay uu ka shido? Ujeedkiisii qalloocnaa waxaa ka reysey dowladda oo waxaas oo dhan iskala sarreeysey, xooggana saartey in aaska marxuumka mudnaan gaar la siiyo, oo aan lagu dul murmin.

Waxaa wax laga xumaado ah in xarun aas mayd ka socdo in malleeshiyo aan loo baahnayn lala yimaado, oo waliba liddi ku ah codsiga marxuumku ku dalbaday in lagu garab aaso Marxuum Aadan Cadde oo ay isla soo shaqeeyeen waa C/risaaq Xaaji Xuseene. Maamuuskii maydka dhami inay noqoto faytan iyo muruq muujin aan meelna lagu gaarayn waa liidnaan. Malaha Gaas wuxuu rabaa inuu hadda barto Gaangaystarrnimada ay ka tanaasuleen qabqablayaashii iyo dagaal-oogayashii isaga ka horreeyey. U fiirso, ma kula tahay in Gaas oo mooryaan isaga ka amar qaadata haysta inuu waxyaabaha qaar ka sarriigan lahaa? Ninka maydka xushmayn maayey, wax walba ka filo.

Midda aanan garan, waa waxa kallifi kara in Wariye (Yuusuf Garaad) magac leh uu isla sawiro Malleeshiyo uu wato hoggaamiye beeleed? Waan jeclaan lahaa qofkii garanaya inuu arrintan noo dhiraandhirsho. Inuu ka qaybgalay Sabtii Garoowe waaba garannay oo ay ku wehliyeen Baadiyow iyo Geeddi, maxaa yeelay halkaa ugu yaraan bulsho iyo waxaa isugu timid dad badane, askari ilaalinaya nin faciis ah waxa uu iskula sawiro anigu ma garan, oo hadduu isaga isla soo sawiro waaba loo qaateen sidii uu Garoowaba ugu tagay. Qaar kale oo leh Gaas ha lagu daydo ayaan arkay, oo maxaa looda daydaan? Bal adba.

“Inta kalaba garannaye

Yuusuf ina Garaadiyo

Baadiyow maxaa gubay

Dad la ganay sidoodii

Horta maxay la guuxaan

Hoos ula Gunuusaan?.”

Maajo 2012-dii ayaan maqaal la yiraa: Gardarrada Gaas oo laga wada gilgishay! ka qoray, halaha caay, aflagaaddo iyo afxumo  isoo gaartay sheegid ma lahan. Maalintaa Mudane Gaas wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaare, waxa igu qasbay inaan maqaalka qorana waxay ahayd dhaqammo aanan u bogin iyo dhaliillo ii muuqday oo aan laga aamusi karin. Halkan ka daawo kala hadalkiisa

Maqaalkaa waxaan ku billaabay sidan; “Murti ayaa dhahaysa: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin ayaa taga” mid kale waxay leedahay: “Nimaan qaybin jirin hadduu qaybiyo, nimaan qadi jirin ayaa qada” mid kale ayaa oranaysa, dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay ahayd: “…………Muuse waa kaa!”.

Maanta mar kale ayaan ugu celinayaa, oo ay waliba uga sii habboon tahay, maxaa yeelay maanta beeshiisa ayuu madax u yahay, oo magac Soomaali iyo muunad sawrac midna dhaami maayee. Haddana, “PUNTLAND MAALIN WALBA AALKOLIISTAY GUURSATAA!” isaga Gaas ah ayaa laga hayaa. Maanta isaga ayey hoostaal, ee bal aan wada qiimaynno waxa uu soo ahaa iyo waxa uu hadda yahay, aniga oon marna dhinac u dhaafayn wixii uu dhahay ama sameeyey. Halkan ka daawo kala hadalkiisa

-Mudane Gaas intii uu Wasiirka koowaad ahaa, March 2012kii wuxuu is hortaagay in la aqoonsado Maamulka Khaatumo State, oo warqad uu ku saxiixnaa loogu diiday maamulkaa in la aqoonsado. Nasiib wanaag, Madaxweyne Shariif ayaa markii dambe ku guulaystay in Khaatumo State loo aqoonsado maamul ka tirsan maamullada hoostaga dawladda.

-Mudane Gaas, isaga iyo Mudane Faroole oo mar ahaa madaxa maamulka Bari ayaa isku dayey inay boobaan Xildhibaannada Baarlamaanka ka soo galaya reer Khaatumo. Horraantii bishii August 2012kii ayaa lagu kala dareeray shirk ka dhacay Nayroobi, oo mar labaad Madaxweyne Shariif is hortaagay hunguri weynanka Faroole iyo Gaas ay ku doonayeen inay jeebka ku ritaanka soo xulidda Xildhibaanno beel Soomaaliyeed leedahay, oo aysan ka dhalan masuulna ka ahayn, oo dhalasho ahaan la siman, balse, kaliya mar maamul la wadaagtay, ka dibna ka tashatay.

-Mudane, Gaas faragalinta soo xulidda Xildhibaannada intaa kuma simin, ee wuxuu u gudbay beelo kale, Abaan duulliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Dhagabadan ayaa markii Gen. Dhagabadan ka warhelay soddon askar ah oo loo qaadayo tababar, uusan isagu waxba ka ogayn, loona qaadi rabay waddanka Jabuuti, uu ishortaagay, isagoo loo sheegay in mudane Gaas ogaa. Waaba iga su’aale, mudane ciidan si gaar u tababaranaya, oo waliba waddo sharci darro ah u maraya, masuul ma noqon katraa? Malaha maanta oo kale ayuu u dhigaashan rabay askartaa!

Gen. Dhagabadan meesha ay isku qabteen Gaas taa kaliya ma ahan, ee waxay isku maandhaafeen qaabka loo soo xulayo odayada beesha uu ka soo jeedo Gen. Dhagabdan, oo mudane Gaas soo faragaliyey. Bal aqriste, qas ka weyn miyaad haysaa, in mudane Gaas uu faraha la galo, beel uusan u dhalan, qaabka loo xulayo odayadooda?.

Hadduu garan waayey mudane Gaas inuusan galin meel aan loo dirsan, iskuna qaadin meel aan u qummanayn, ayaa waxaa si toos ah ugu jawaabay Gen. Dhagabadan oo yiri: “Ma waxaad tahay Kaabbo Qabiil Soomaliyed, mise Ra’isal Wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaaladda ku Qalinjabiyay!” oraahdaa mid ka agdhawna waxaa horay u yiri Nabaddoon Xaad, isu gayn waxay muujin, inuusan shaqadii loo igmaday ku maqnayn.

-Mudane Gaas, wuxuu  “isbaarayste” [Isbaaro dhigte] ku tilmaamay qof walba oo dood, dacwo iyo digniin ka keenta DALTUURKII la hirgalshay. Mudane Gaas isagoo VOA-da waraysi siinaya ayuu yiri: “Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qoraayo!” Hubaal in dadkii duray DALTUURKIINII qabyo qoraalka ah 100% ay garanayeen waxa ay ku durayeen, sababta ay u durayaan, qodobka ay ku durayaan, sida ay u durayaan iyo ujeedka ay u durayaan, ee armuu mudane Gaas isagu garanayn waxa uu ku hadlayo (difaacayo)? Waa iga weydiin kaliya, qof walba siduu doono yuu u qaadan karaa.

-Mudane Gaas, wuxuu booqasho Xabashiyeed ku tagay Beledweyn. Saacado hadday Xabashidu u xogwarrameen, dabcan meeshana ha ka saarin maamulka Dooxada Shabeelle, ayuu Muqdisho ku soo laabtay, la yaabku wuxuu ahaa maerkuu waraysi uu BBC-da siiyey uu ku dafiray inay wax maamul ah ka jiraan Beledweyn, isla waraysiga ayuu kala hadlay, mar wuxuu leeyahay way na soo dhaweeyeen, marna wuxuu dafirayaa in maamul jiro, isuma kay qaban.

-Mudane Gaas, intii uu ku jiray tartanka  doorashada Bari ee uu ku guulaystay markii dambe, wuxuu meelo badan ka caddeeyey kana sheegay: “in Reer Khaatumo la xumeeyey, xaqna ay u leeyihiinn inay isaga baxaan Puntland, maamul u gaar ahna samaystaan!” isweydiinta baa ah, yaa xumeeyey reer Khaatumo ma isaga oo marna aqoonsiga ka hor istaagay, marna xildhibaannadoodii u soo jeestay inuu jeebka Faroole kula hubsado, mise qof kale? Arki doonnee habka uu ula dhaqmo dadka deegaankaa iyo rabitaankooda ku aaddan inay maamul u gaar ah yeeshaan, tan kali kuma ahan, oo waa mid sugaysa isla Maamulka Waqooyi, ee uu hoggaansho Siilaanyo. Way fiicnaan lahayd inuu caqligu shaqeeyo, garashada la adeegsado, goobaynta iyagaa billaabee, haddii laga gobolaystay maxaa guhaadda keenay? Maxaa wiil Soomaali u go’ayaa? Maxaa hooyo Soomaali u gablami? Maxaa afo Soomaali Asay gambo u qaadi? Dadku waa xidid, xigaalo, walaalo, daris iyo ood wadaage, miyeysan habboonayn, inaan la kala dilin?.

-Mudane Gaas, wuxuu magacaabay Gole Fulin ka kooban 47-Wasiir, oo dabcan uu ku soo daray Wasiirro uu sheegay inay haybwadaag la yihiin beesha, oo aan la aqoon waxa ay ku soo kordhin doonaan iyo sida ay ula falgali doonaan xifaaltanka jira iyo xarigjiidka hoose ee u dhexeeya isla beelihii dhistay maamulka, oo qaarkood gadoodsan yihiin, qaarna kaba goosteen. Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed oo dhan golohooda fulin waa 55-Wasiir, oo waliba dadku aad ula yaabeen tira badnidooda. Shiinaha iyo Hindiya oo dadkoodu ka badan yihiin 2-Billion waxaa ka Wasiirro badan Golaha Gaas!  Ma kula tahay inay beeshu is deeqsii waysay wax ku fillaa karay Soomaali oo dhan?.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!