Gabar dishay aabaheed kadib markii ninkeeda iyo aabahed is galeen, dhacdo xanuun badan

by Yahye | Thursday, Oct 11, 2012 | 458 views

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa ka dhacday maalmihii lasoo dhaafay arin ama dhacdo naxdin leh oo dadkii dhagaystay oo dhan ay lafajaceen.

Runtii dhacdadaan ayaa dhagafaar ku noqotay dadka, iyadoo lala yaabay dhulka ay ka dhacday iyo sida ay udhacday.
Sacuudiga ayaa waxaa maalin kasta ka dhaca dhacdooyin mucjiso ah oo dadka ku reebta cibra qaadasho iyo waayo aragnimo.

Qisadan ayaa dhex martay Aabe iyo gabadhiisa, iyadoo uu warinayo wiil dhacdadan sadex ku noqonaya.

Aabe ayaa gabadhiisa maalinkasta u kaxeeya iskuulka, gabadhaas oo ah qaangaar ama teen age waxa loo yaqaan, aabaha ayaa kaxeeya maalinkasta kana soo celiya iskuulka.

Ilaa yaraanteeda ayuu joogteeyay arintaas, maaalintii dambe ayaa waxaa soo wacday haweenaydii maamulaha ka ahayd iskuulka waxayna ku tiri ‘’gabadhaada 7 maalmod oo is xigta maysan imaan iskuulka ee side wax ujiraan’’, aabaha ayaa layaabay hadalka waalida ah ee kasoo yeeray haweenayda maamulada ka aha iskuulka wuxuuna ugu jawaabay ‘’waxan umalaynaya aabe kale ayad igu khaladay’’, markaas ayey usheegtay inay telafoonka isaga ula soo qasaday magaciisa oo dhamatiran iyo gabadhiisa magaceeda usheegtay, markaas ayuu aabihii layaabay hadalkeeda wuxuuna soo xasuustay sida uu ugayn jiray maalinkasta ugana soo qaadi jiray iskuulkaas.

Markaas ayuu usheegay haweenaydii maamuladda ahayd raali galina ka bixiyay hadalkii yaraa ee gafka ahaa ee uu kula hadlay, telafoonkiina wuu dhigay.

Markii ay timid gabadhiisa ayey labada dhaban ka shumisay waxna muusan waydiin, wuxuu sugay subaxda xigta si uu u kala cadaysto artinkaas.

Maalintii dambe ayuu subaxdii qaaday oo iskuulkii geeyay, markii ay gaariga ka degtay ayuu iska dhigay nin tagay oo gaarigiisa lakala fireeyay markaas ayuu ku dhuuntay darbi laabkiisa.

Muxuu Arkay Aabihii?

Wuxuu arkay gabadhiisa oo faraxsan oo sii galaysa iskuulki markii ay albaabka ku qarsoontay oo ay is tiri aabahaa wuu tagay ayey soo laabatay iyadoo qoslaysa waxayna ud haqaaday gaari agtaagnaa iskuulka albaabkiisa.

Markaas ayey gaarigii gashay waxaana gaariga watay wiil iyada la lood ah ama lafac ah, aabihii wuu xanaaqay wajigiisana wuu is badalay wuxuuna go’aan ku gaaray inu soo ogaada sheekadaas salkeeda.

Aabihii baabuurkiisa ayuu ka daba qaatay wiilkii ka xaystay gabadhiisa, mudo markuu daba socday oo odayguna isla hadal bilaabay ayuu wiilkii wuxuu socodkiisa kusoo gabagabeeyay guri uu leeyahay reerkooda oo 2 biyaano ah ama 2 dabaq ah, wiilkii gaarigiisa wuxuu ku baakin gareeyay guriga iridiisa ,wuxuuna kala soo dagay gabadhii oo qoslaysa markaas ayey waxay u dheereeyeen ama u ordeen guriga aabaha ayaa markaas is waydiiyay kun su’aalood.

Aabihii in mudo ah ayuu ku sugnaa banaanka guriga isagoo ku ishaafalateeyay inuu tago iyo inuu soo afjaro qisadan gaaban ee ku dheeraatay, cabaar markii uu banaanka joogay ayuu go’aan ku gaaray inuu gudaha galo oo gabadhiisa soo kaxaysto.

Aabihii ayaa guriga daaradiisa soo dhaafay, kadibna wuxuu usoo gudbay gurigii ay ku jireen ama qolkii ay ku jireen markii uu gargaraacay ayaa waxaa ka furay wiilkii.

Hadana Aabihii Muxuu Arkay Mar Labaad?

Aabihii wuxuu lakulmay aragti xanuun badan wuxuu arkay wiilkii oo guntan ama dhexda ku xiran shukumaan ama towel iyo gabadhiisa oo hurada sariir isla markaan qaar qaawan, markaas ayuu aabihii dulqaadan waayey wuxuuna xoog uso galay gurigii kadibna wuxuu dagaal ama feer ku bilaabay wiilkii, waxaana bilowday dagaal culus.

Wiilkii wuxuu dhulka dhigay aabihii, odayguna tabar mahayn oo da’ ayuu ahaa, waxaa layaabka lahayd dadkuna ay la fajaceen ayaa ahayd, Aaway gabadhii?

Gabadhii ayaa markay aragtay wiilkii iyo aabaheed inay is galeen ama is dagaalayaan ayey waxay toos u aaday jikada ama kushiinka waxayna soo qaadatay mindi waxay soo aaday goobta uu dagaalku kasocdo.

Akhriste kasta wuxuu ku fakaraya in mindidii lagu dhiftay wiilka balse arintaas madhicin oo gabadhii siday usoo socotay waxay mindidii ku dhifatay aabaheed oo dhulka yaal iyadoo kaga dhifatay ama ka galisay wadnaha waxayna bilowday inay xoog kusoo saarto wadnahiisa, wiilkii ayaa marna yaaba marna hawsha laqabta gabadha ay jacaylka wadaagaan.

Markii ay gabadhu si xaasidnimo kujirto usoo saartay wadnaha aabaheed ayey wiilkii ku amartay inuu jar jaro hilibka oo dhan wiilkii ayaa isagoo baqsan lana yaaban tasrufaadka gabadha yar ee waalida ah wuxuu isaguna lawadaagay xumaanta gabadha ay is jecelyihiin, wuxuuna usoo faystay mindidii wuxuuna bilaabay inu hilibkia jar jaro, markii uu dhameeyay jar jarida hilibka waxay ku gureen maro usamaysan sidii jawaankii, balse intaysan ku gurin ayaa gabadhu waxay kula talisay in uu hilibka uguro dhanka muqsusha qubayska halkaasna uu kusoo dhaqo si dhiiga uusan u dareerin oo lasoo raacin.

Markii ladhameeyay ku guridii hilbka ee jawaankii marada ahaa ayaa waxaa lagilayay gaariga dabadiisa waxaana loo qaaday magaalada banaankeeda, intaas oo dhan ayaa waxaa talada iyo fikrada keenayay gabadha aabaheed qalatay.

Markii lagaaray magaalada banaankeeda waxaa loo qoday god waana lagu duugay, wiilkii wuxuu keenay gabadhii gurigeeda isagoo ka yaaban tasarufaadka gabadhan qariibka ah.

Markii guriga uu keenay ayey gabadhii uhadashay si dahsho ama layaab leh iyadoo hadalka ku biloday Aabahay aaway? Muxuu iigu imaan waayey? Markasta wuu soo daahayaa, Saacad inka badan baan sugayey? Waxaa isoo qaaday wiilkaan aan walaalaha nahay ee aan isku galaaska nahay.

Reerkii ayaan ogayn xaalada uu ku sugan yahay aabaha waxayna ku dhaheen waxaa laga yaabaa inu meel kusoo daahay hawshiisaa badane, gabadhii waxay sii macsalaaamaysay wiilkii waxayna isku dayday inay qalbiga udajiso waxayna ku tiri ‘’ha ubixin waxaas hana ka walwalin, waa caadi’’.

Wiilkii wuu ka soo tagay gabadhii wuxuuna is waydiinayey su’aalo badan oo kusaabsan jariimada iyo dambiga wayn ee uu galay, wiilkii wuxuu go’aan ku gaaray inuusan ku noqon gabadhii waxaas samaysay wuxuuna ka sheekeeyay qisadan aan kuso gaba gabaynay halkaan.

Arintaan ayaa dambi wayn oo alle laga galay ah dambigaas oo ah in naf binu aadam oo waalid ah hadana sidaas bashica ah ama foosha xun loo galay.

Gabadhii aabaheed dishay ayaa wakhti aan fogayn lakulmi doonta inkaar rabi iyo nabsi aysan ka soo waaqsan, iyadoo qofkasta binu aadam ah la amray inuu adeeco waalidkiisa uusan caasin waxaana fure looga dhigay jana oo la’aantooda ama caasintooda aan lagu galin.

Qisadan ayaan ka soo xiganahay warbahinta carbeed ee qora layaabka dunida carabta.

W/Q: Maxamuud Axmed (Xaydar).

Like it? Share it!