Gabar ka tirsaneyd shaqaalaha baarlamaanka oo goor dhaw lagu toogtay Muqdisho

by admin | Saturday, Aug 15, 2015

Muqdisho : HN :– Rag dhalinyarro ah oo ku hubeysnaa  bastoolado ayaa toogasho ku dillay gabar sidda la sRaxmaheegay ka tirsaneyd shaqaallaha baarlamaanka Soomaaliya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana wararku sheegayaan in ragii dilka geystay durbaba goobta isaga baxsadeen.

Gabadha toogashada lagu dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Raxma Max’ed C/qaadir, waxaana ay ka mid aheyd howl-wadeennada baarlamaanka Soomaaliya.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa markiiba tagay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee degmada Wadajir, hasse ahaatee kuma aysan guuleysan ciidammada in ay gacanta ku dhigaan kooxihii toogashada geystay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!