Gabar Mareykan ah Ixsaan loo sameeyay ku Muslimtay!!

by Yahye | Friday, Oct 19, 2012

Waxaan dhagaheena ku cusbeyn inaan maqalno Maalin walbaa in ay Dad soo Islaamaan maadama uu Islaamku yahay Diin nolosha Insaanka aad ula jaanqaada xili walba iyo meel kastaba ha joogee, waxaan ugu badan Dadka soo Muslima Dadka Asal ahaan kasoo jeeda Umadaha loo yaqaan Ahlu-Kitaabka Yuhuuda iyo Nasaarada.

Sababaha keenaya inay Muslimaana waaa inay nolosha ay ku jiraan ka waayeen Daganaan iyo Raxmad ayagoo qaarkood yihiin Dad Maal iyo Magacba Dunida ku leh, qaarna ay dhibaatooyin xaga nolosha ah heysatay oo ay xal u heli kari waayeen.

Natalia waa 20jir una Dhalatay Wadanka Mareykanka, Asal ahaan waa Yuhuud walow ay ka dhalatay qoys aan wax Diin ah aaminsaneyn taasoo ka dhigtay midaan aan aaminsaneyn Diin oo dhanba, Natalia waxa ay ku nooleed Nolol aad u adag waxa uuna Aabaheed ka dalban jiray inay lacago iska bixiso hadii ay doonayso inay la noolaato.

Malin maalmaha ka mid ah ayuu Aabeed ku carooday eryayna markii uu ka waayay dhaqaale uu ka doonayay Gabadhiisa, taasoo ku qasabtay Gabdhii inay iska baroorato maadama aysan heyn Xoolo Aabaheed siiso Aabihiina uusoo Eryay.

Natalia oo meel jidka isaga barooraneysa ayaa waxaa soo maray laba Wiil oo Muslimiin ah aadna uga naxay muragada heysata Gabadha, ayagoo weydiiyay dhibaatada heysata iyo duruufta ay la barooraneyso.

Natalia waxa ay u sheegtay in uu Aabaheed soo eryay maadama aysan heynin lacago uu Aabaheed ka doonayay si ay ula noolaato oo ay wax uga daganaato gurigiisa, taasoo la yaab ku noqotay Wiilashii Muslimiinta ahaa.

Feysal Al-Bishi 21 jir ah oo ahaa labada wiil midkood dhacdadaana soo warinayay ayaa yiri: waxaan Gabadhii u sheegnay inuusan Diinka Islaamka Gabadhaha noloshooda inay kasbadaan dusha ka saarin, balse uu Raga ku waajibiyay inay Dumarka Masruufaan hadii ay Caruur amaba Xaas  tahay.

Ixsaanka ay sameeyeen Feysal Al-Bishi iyo Saaxiibkiis iyo faahfaahinytoooda ku saabsan habka Islaamku u damaanad qaaday Nolosha Dumarka ayay Natalia aad ula yaabtay waxayna go’aansatay inay Muslim noqoto.

Feysal Albishi ayaa yiri: {Natalia markii ay Muslimtay ayay Aabaheed u sheegtay inay Muslim noqotay ayuu ugu jawaabay: wax uga galay Diinta ay qaadatay inaysan jirin laakiin uu asagu doonayo kaliya maal uu danihiisa ku fushado sida ay sheegtay Gabadhiisa Natalia.

Dhacdadaan waxaa soo daabacay Joornaalka loo yaqaan Alsharq Cadadkiisii 299 ee soo baxay 28/09/2012 kaasoo sheegay inuu ka soo xigtay bog uu Feysal ku qoray arintaan asagoo Feysal ugu baaqay Muslimiinta inay gacan siiyaan Natalia.


W/Q: Sh/Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!