Gabar u afduubneyd burcad badeed oo lagu soo bandhigay Cadaado

by wadani | Sunday, Oct 30, 2016

Cadaado : HN :- Mas’uuliyiinta maamul gobolleedka Galmudug ayaa magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ku soo bandhigay gabar u dhalatay dalka Kenya oo xalay ay ka soo furteen kooxo burcad badeed ah oo heystay ku dhawaad  labo sanadood.

Loise  Weru oo ah gabadha Kenyaan ah ee la soo furtay ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si arxan darro ah, oo xitaa aysan hellin biyo ay cabto xilliyada qaar.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Max’ed Xaanshi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa xili ay la joogtay haweeneyda la soo furtay, ayaa sheegay in ka maamul ahaan dadaal dheeraad ah u galleen  siddii burcada looga soo badbaadin lahaa kooxihii heystay.

Siddan oo kale, horay ciidammada Galmudug waxaa ay u soo furteen nin Kenyaan ah oo lala qafaashay gabdhan, waxaana saraakiishu ay sheegeen in ay ku dadaali lahaayeen siddii ay burcad badeed uga sii deyn lahaayeen dhamaan dadka ku qafaalan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!