Gabay “Fiicnaanta AABE” WA: Safiyo Aw Axmed Xaaji (Dhalkheyr)

by admin | Friday, Feb 24, 2012

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu; Salaanta islaamka kabacdi waxaa mahad iska leh Illaahaygii noo sakhiray technolgiyadan aan

ka faa,idaysanayno, mutaabaco iyo kudayashona nabi Muxamed c,s,w ayaa mudan. Intaas kabacdi waxaan salaamayaa shaqaalaha shabakada caalamiga ah
ee Hiiraannet.net iyo dhamaan inta akhrisata oo ku taxan iyo waliba guud ahaan soomaali meelkasta oo ay ku sugan yihiin. Intaas ka gadaalna waxaan
jeclaystay caawa inaan halkaan kasoo gudbiyo tix gaaban oo gabay ah oo la yiraahdo “Fiicnaanta AABE” taasoo aan u curiyay uguna talogalay guud ahaan
aabayaasha islaamka ah ee dunida guudkeeda joog, iyo kuwii geeriyooday ee dhintay intaba. Gaar ahaana waxaa tixdan curinteeda igu kalifay codsi iiga
yimid gabar la yiraahdo Faadumo oo aanu asxaab nahay taasoo aan hadiyad uga dhigay oo aan codsigeedii kaga jawaabay gabaygan.

1: Fa, da gabayga waataan ka tagay oo fasaxay waayo
2: Faalihiisa waanigaan inbadan saarin farahayga
3: Faruuryahayga waataan ka xiray faalo bixintiisa
4: Fursadiisa waanigii ka baxay faadumoy shiribka
5: Fagaarahana waataan beryahan kaba fogaanaayey
6: Fiinbaase igu ciday markaloo waan fatahayaaye
7: Filinkiisa aan maanta furo waan farshaxamayne
8: Fariin muhima baan doonayaa inaan faniinshaaye
9: Farsamada Allaan doonayaa inaan ku faaleeyo
10: Fiicnaanta aabaan rabaa inaan ku faah-faahsho

11: Afartaa farsamadii murtida furashadeedii dheh
12: Fiicnaanta aabiyo wuxuu galo fogaanteed dheh

13: Falanqaynta waayaha hadaan fiirshay nolosheena
14: Faadirow Illaahay markuu samada faandheeyey
15: Fidiyoo dhulkaan uumayoo falagga aas-aasay
16: Fiicanow aabeheen aadan uu dhoobo ka faleegay
17: Filsan hooyadeen xaawana uu feedha ka dilaacshay
18: Farsamiyo xikmuu doonayee faham ujeedkayga
19: Far-kaliyana fool ma,ay dhaqdee faham ujeedkayga
20: Fiicanoow hadaan aabe jirin hooyo finish weeye
21: Faadumiyo farduus lama dhaleen fowsi iyo naasir
22: Faaraxiyo farxaan lama korsheen faysal iyo hoodo
23: Fahadiyo farxiyo maba jireen faandhe iyo baashi
24: Fir la raaco maynaan heleen ficilka haybteena
25: Faraciyo tafiirteena wacan laguma faaneene

26: Afartaa farsamadii murtida furashadeedii dheh
27: Fiicnaanta aabiyo wuxuu galo fogaanteed dheh

28: Fariintayda aan gaabiyoon furinta xayndaabo
29: Faadumoy fursada iga luntoo faadir iga qaaday
30: Fiicnaanta aabiyo wuxuu galo fogaanteeda!!!
31: Fagaaraha ciyaartiyo wuxuu farax na deeqsiiyay
32: Fangaraynta maalkiyo wuxuu faramo dhiibaayey
33: Faciis wuxuu inoo tuugayoo fiidkii shaqo raadshay
34: Feeraha wuxuu nooga jabay oo falayay ciideena
35: Falanqaynta xoogsiga wuxuu faarad ka xamaalay
36: Fatahaada beesada wuxuu farasyo noo iibshay
37: Firshada wuxuu na geeyoo intaa gadayay footballka

38: Fiigsane agoonkaas mar-qura mawdku kala foofay
39: Filanwaagu kuu gaaray baa faadumoy garane
40: Firaashkii adoogiis midkuu fiidka ku cidloobay
41: Fajarkana la aasoo qabriga fiirshay baa garane
42: Faataxo midkuu soo baroo fiil u dhigay aabe
43: Fajri,iyo furqaan kuu bariyo fiqiga diinteena
44: Faadiriyo wasaafaat midkuu fiid u marinaayay
45: Faariskaa sunaha uu faroo ficilka khayraad leh
46: Fahmad badanahaas baa yaqaan aabe faraxiise
47: Fiicnaanta aabiyo wuxuu galo fogaanteeda!!!
48: Faralkiyo salaadii midkaan fulinin baa mooge
49: Faasiq diinta laga fayday baa seegay ficilkaase
50: Filanwaa midkuu qaaday baan fulin xaqiisiiye
51: Fajaciyo habaar ruux qabaan fidinin qawlkiise
52: Firdaws ruuxa seegaan aqoon aabe faraxiise

53: Afartaa farsamadii murtida furashadeedii dheh
54: Fiicnaanta aabiyo wuxuu galo fogaanteed dheh

55: Fariintayda aan gaabiyoon furinta xayndaabo
56: Fursadaa ninkii haysta oon aabe laga foofsan
57: Falaartiisa mawdkii ku dhicin kana fiyow maanta
58: Fiixdiyo xanuunkii tacsidu kaysan faro saarin
59: Fiicanoow adoogiisna uu fiidka la caweeyo
60: Fajarkiina soo wada kacaan faamilkoo nabada
61: Fariin baan u dirayaa inuu fuliyo howshaane
62: Faadumoy bal gaadhsii adaa fidin karee huuno

63: Fursad weeye ducadiisu ee fakashadeed diida
64: Faraqyada haloo dhigo warhooy faatxada aabe
65: Faxti iyo watiin kala haroo farxad ugu deeqa
67: Fajaciyo abiid caasinimo faarax haku dhiiran
68: Fu,aadoow warhooy aabihiin fuliya qawlkiisa
69: Ficilkiisa raacoo marqura yuusan idin fiirin
70: Faruuryaha hasoo marin mayoo faysal ka ilaali
71: Farxiyaay dhakaagaa ducada faraqa soo hoorso
72: Faadumoy warkaa iga qoroo fiddi walaashiisa

73: Fariin kale agoonkii Illaah uu fursadan dhaafshay
74: Fiicanow adoogiisna uu aakhiro u foofshay
75: Faadumaay hadii aan u diro ugana faa,iideeyo
76: Faataxada waa inuu maroo fiidkii u duceeyo
77: Fajarkiyo salaadiina uu Faadirka u tuugo
79: Faxanaha inuu uga baryaa nolosha tii fiican
80: Furihii janada waa inuu Faatax u su,aalo
81: Firdawsana u waydiiyo Faxane waa EEBE
82: Faral weeye ee dhalinyaroy fuliya howshaasi

83: Afartaa farsamadii murtida furashadeedii dheh
84: Fiicnaanta aabiyo wuxuu galo fogaanteed dheh

85: Fariintayda aan gaabiyoon furinta xayndaabo
86: Fiicanoow adoogayna aan Faxanahaw tuugo
87: Feerihiisa EEbow cadaab uusan kala fiiqan
88: Fiixdeeda jahanama Alloow aysan faro saarin
89: Fahansii su,aalaha qabriga ooy u fufudaato
90: Ficilkiisii iyo camaladii farxad ku guddoomi
91:Falkiisiyo wanaagii Alloow faraj ugu doori
92: Firdaws uu u baasoo Alloow fiito ugu yeedhi
93: Faaniyo shahaadona usii furaha khayraadka
94: Fagaarihii qiyaamaha Alloow fashil ka ilaali
95: Fayskiisa nuuriyo Alloow faynuus ka iftiimi
96: Farxadiyo gudoonsii kitaab aanu filanaynin
97: Faa,iz guul heliyo uu noqdaa ehelka fiic-fiican
98: Facoodii asxaabtiyo Alloow faaris laga yeelo
99: Firaashkii janaadiyo Rabow fowqa sare seexi
100: Faaruuqiyo rasuulkiina uu fiidka la caweeyo

           Aamiin aamiin aamiin

Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji (Dhalkheyr)
Email: dhalkheyr@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!