Gabay “Hibo”‏ WA: Safiyo Aw Axmed Xaaji (Dhalkheyr)

by Yahye | Sunday, Apr 1, 2012

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu Salaanta islaamka kabacdi waxaan halkan ka salaamayaa shaqaalaha shabakada caalamiga ah  ee Hiiraannet.com iyo dhamaan akhristayaasha sharafta badan ee ku taxan iyo waliba dhamaan soomaali wayn meelkasta oo ay dunida ka joogaan. Salaan kabacdi waxaan caawa jeclaystay inaan halkan kusoo gudbiyo tix gaaban oo gabay ah taasoo magaceedu yahay Hibo sida magaceeda ka muuqata aadna ka dhadhansan doontaa miraha waxaan tixdan u hibeeyay una hanneeyay Hooyadeey macaan oo aan u boholyoobay arageeda baahi culusna ii hayso. 

1: Hal yaroo Illaah igu galaday iguna gaar yeelay
2: Heensaha murtida ee Rabbigu hibada ii siiyay
3: Hadalkayga caawaba hadaan hilinka qaadsiiyo
4: Hamigaygu siduu doonayana qoro higaadeeda
5:Hibashada xusuustiyo hadaan sheego hadafkayga
6: Hooyadeey hadaan hibada gabay haatan ugu deeqo
7: Hawraarta maansada hadaan Hodon u xambaarsho
8: Haatufkaa hawada meerayiyo haadka u wakiisho
9: Hor Illaahay way mudan tahaye Hanad usii dhiibo
10:Hal-abuurka geeraarka iyo hawshan may tabinin?
11: Huqda iyo dhibkaan qabo tolow mayga helin caawa?

12: Hooyadeey hadaaqayga iyo hadalkan gaarsiiya
13: Hodaniyo haloo dhiibo Hanad hana gudoonsiiyo
14: Hayaaydiyo warkaan duubayana hala dhagaysiiyo
15: Hoheey Hooyo waan luudayaa hadiyo gooraale
16: Hiihda iga baxaysiyo oohintay darisku hiifaane
17: Halka aan u jeediyo marbaan hoyga dhumiyaaye
18: Habow baan intaas ahay sidii ruux habaar qaba’e
19: Haamadaa i maqanoo qalbigu way halwanayaaye
20: Hami baa i saanyaday sidaan kaaga haajiraye
21: Habeenkii ma seexdoo hurdada waan hinqanayaaye
22: Hamuuniyo haraad baa i helay waana heernahaye
23: Hungurigii ka go’ayoo xataa heenkii waan jaraye
24: Halkii ugu dambaysay naftuna haatan socotaaye
25: Hadii aanan Hooyooy ku arag waan hoyanayaaye

26: Halyar baan kusoo koobayaa hadal dhamaantiise
27: Haboonoow dalkeenii inaan horumar gaarsiiyo
28: Hayaankana kasoo laabto oo Holand kasoo guuro
29: Hagarli’ina kugu haysto baan laabta ku hayaaye
30: Halka aad ku nooshiyo inaan hoyga kula jiifo
31: Hareertaada aan soo dagoo Hooyo kula joogo
32: Habeeniyo dharaar fiirsadaa halacda muuqaaga
33: Haruurkiyo bariiskiyo inaan hilibka kuu keeno
34: Haraciyo inaan hoos darmada Hooyo kuu fidiyo
35: Haruub caano kugu siiyo baan haybiyaa waliye
36: Hiilliyaan ka tuugaye inuu hawshan fududeeyo
37: Hilinkana ku toosiyo ducada Hooyo igu caawi

38: Ha,da kalena Hooyooy ducaan ku huwinayaaye
39: Hawlaha aduunyada Illaah kuguma haaraamo
40: Hiiliye ku nabad yeel intaad Hooyo nala joogto
41: Halka aad ku nooshahay abiid holac la waydaari
42: Hamigaaga yeelyoo Rabbigu hoodo kugu siiyay
43: Haraad kuma asiiboo intaa hirriyo laac daawo
44: Hoos qabow ku nooloow abiid haracna ii seexo
45: Horwayntiyo haleelada dhashana hayso abidkaaga
46: Haruub buuxa hareertaa la yeel hadiyo jeeraale
47: Hamuuniyo dhibaatona ha’arag hana macaluulin
48: Hanti lama huraaniyo Rabigu hodanti kuu dhiibyay
49: Hiilliyaan ka tuugaye Illaah haybad kugu heeryay

50: Ha,da kalena heer soo socdiyo halako ii laaban
51: Haydaaro geerida dambiyo malaga heeryaysan
52: Hadii aan cabiro hoyashadiyo Hooyo go,idaada
53: Horayntaadu haantoolay iyo hibasho weeyaane
54: Hadaad socoto hoog iima harin waana hurayaaye
55: Harka galay inaan ooyayana waa hal iga jeeban
56: Halbawlaa i go’ayoo hubaal haamadeey jabiye
57: Huqdiyo ololka hiirtaanyadaan hiihda gurayaaye

58: Halse aan la saygaynin baan Hooyo sugayaaye
59: Hadaad iga horaysoo Rabbigu gooyo hadafkiisa
60: Hayaankeeda aakhiro Illaah hawsha kuu sahalye
61: Ha gafinoo su,aalaha qabriga hadalka kuu toosi
62: Harkiisiyo carshiga ku hantisii hiilna kuu fidiye
63: Halka ugu saraysiyo firdaws hoyga ugu fiican
64: Haku geeyo Eebuhu ducaan soo hurgufayaaye
65: Hoobaanta mirheeda guro hana ku maamuuso

66: Halaceeda haawiya ha’arag hana ku dhaafsiiyo
67: Hana mudan jaxiimiyo jidkii jabal cadaabeedka
68: Hanfideeda holaciyo kulayl Hooyo kuma gaadho
69: Hana galin halaageeda baas Hiiliyoow magane
70: Hilibkaaga laga dhawryayoo lagu halmaansiiyay
71: Hadiyo goor ikhlaaskiyo iqraa soo aqrinayaaye
72: Hoobeeyda ducadaan intaas soo hurgufayaaye
73: Halkaanaan kasoo tirinayaa hibo quraankiiye
74: Ha aqbalo hakuu yeelo oo hana ku deeqsiiyo
75: Hiiliyuhu hakuu qaado oo hana kusoo gaadho

Aamiin aamiin aamiin

Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhelkheyr”
Email: dhalkheyr@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!