Gabay :Ku cidloonay dunidee Alloow caymi taladeena,, Abwaan yaxye xaashi‏. WA. Yaxye Xashi

by Yahye | Monday, Feb 6, 2012

Gabaygan magaciisa waxaa layiraahda: “ Ku cidloonay dunidee Alloow caymi taladeena,,

waxan curiyay 24.12.2011. Markii ay soo baxday in shirkii wadatashiga Somaalida ee magaalada Garoowe ka socday laysku qabsaday Innaga intaan ha nala siiyo iyo Innaga intaan ha nala siiyo, ayaan Aniga oo aad ula yaabay marxaladda xasaasiga ah ee ay ku suganyiihin dhammaan umadda Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo sida wali 20 sano ka dib ay isugu haystaan wax qaybsigii ayaan tixdan ka sameeyay, tixdiina waa sidan ee ka bogasho wacan.

Gabay caynki waa taan ka tagay caynadduu yahaye

Cindigayga waa taan ka jaray cududda tiisaaye

Waa tii cidlada aan u baxay ciirsi li’idaaye

Waa taan Ciyoowgiyo la dagay caallihii Goraye

Mar haddiise ay ceelalyadi gaali celin wayday

Oo ay biyihi calow noqdeen waa cadiban wayne

In aan curiyo waa gare Rabboow maanta igu caawi

Cajabeey cajiibey caadbaa hooray kaligiiye

Dhul aan ceel lahaynbaa ciddii loo sahmiyayaaye
Waxaa caynka loo suray cidlaan cidi ku noolayne
Coomaaduhuba ay kaga tageen cudur daraaddiiye

 

Cashadii la joogaba naflahu ay ka cararaaye

Ciilow wayeey miyaan la arag ceebtan nagu raagtay?

Cishriinkii ka badan tiradu waa cadadiyo dheeraade

Candhooleydi way cirib go’een roobna muu curane

Caruutii cagtii way gabeen caato socodkiiye

Cududdoodi way wiiqantoo waa cidiyo seede

Caynkeena oo kale ma jiro caalamkoo idile

 

Cakuyeey miyeeynaan mar uun caadi noqonaynin?.

Miyeeynaan Anaa caan ah iyo curad illaawaynin

Miyeeynaan cadkaygii ninbaa cunay illaawaynin

Miyeeynaan hadadan lay codayn caro illaawaynin

Miyeeynaan canbaaraynta iyo cudur illaawaynin

Miyeeynaan cagta aan marino iyo cudud illaawaynin

Caloolyoobayeey taasi waa cirib go’eenniiye

Waa caado aan harin dadkuna ay ku caraaraane

 

Waa caynad gaaroon dunida uga cidloonnaaye

Waa ha cayshin hana caadi noqon caada la ciyaare

Waa casiiska Eebahay dartii ha u cibaadaysan

Waa caasi noqo oo Ilaah cafis ha waydiisan

Cimrigeen go’yeey yaa mar uun ceelkan naga saara!

Yaa cuyuubantaan naga baxshoo caadi naga yeela

Yaa colkiyo dagaalka aan harayn nagala ceebooda

 

Yaa caqliga nasiiyoo talada curiya oo sheega

Yaa wixii nakala celinhayiyo cadawaga googooya

Yaa waan cadibanee mar uun calanka noo taaga

Cibataye Allahayoow ka saar cudurkan naafeeyay

Allahayoow colbaa na gala tagay curisti maandeeqe

Alhayoow markay curatay oon culanay geedkeedi

 

Oon caaneheedii lahayn caba macaankooda

Cagtaa nala ka saaree ma jiro ruux na caawiyaye

Car hadday lahaayeen ma dhamin waan ka caagnahaye

Ku cidloonay dunidee Alloow caymi taladeena.

Alloow coodki waa naga madhee gaajo naga caymi

Alloow coomir soconaaya iyo caydh hana yeelin

Alloow caad ma muuqdee daruur curata noo jooji

 

Alloow cawski waa dabar go’ee cirfki soo muuji

Alloow caynaddeenii luntaye ciribta noo toosi

Ku cugtaye Allahayoow Adigu calaf hanoo diidin.

Allahayoow canaantaada iyo caro hanoo qaadin

Allahayoow cadaadbtaada iyo naarta naga caymi

Allahayoow ciqaabtaada iyo caallir naga baaji

Allahayoow cafiyo saamax yaan caawa kaa barinay

Allahayoow cuqdadi way xuntee caafi gudaheena

Ku cuskaday Alllahayoow Adaa caadilo jiraye.

 

Waa hal-abuurkii

Yaxye Xaashi maxamed

asad75love@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!