Gabay “Shanta shubatay dhiigayga”‏ WA: Safiyo Aw Axmed Xaaji (Dhalkheyr)

by Yahye | Thursday, Feb 2, 2012

Salaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu:

Salaanta islaamka kabacdi waxaa mahad iska leh eebe mutaabaco iyo ku dayashona nabigiisa muxamed c.s.w- Intaas kabacdi waxaan salaamayaa bahda shaqaalaha shabakada HiiraanNet iyo guud ahaan soomaliyoo dhan meelkastoo ay joogaan

Intaas kabacdi waxaan jeclaystay inaan halkaan kusoo gudbiyo gabay gaaban oo aan u bixiyay “Shanta shubatay dhiigayga” kaasoo aan ku tilmaamayo qolyo aan aaminsanahay inay dhiigaygii cabeen oo dhuuqeen ayna iyagu naftaydii qabaan oo ay i dooxeen akhris wanaagsan insha allaah.

Shib waataan ka iri waayadaan sheekadii gabaye
Shaamareerka waataan ku jiray shamis ayaantaane
Shalow baan ka dhacayoo lugtaa iga shakaalnayde
Shanshadaan ka jabayoo mudaan jiifay shamisay,e
Shuush baygu dhacayoo qalbigaa shiili ku abaaday
Shaki baan ku raagoo naftaa sheeko la fogaatay
Shacbigayga waxa haysta baan sheeda ka arkaayey
Shabeelkaa cunayaan beryahan shiishka ku hayaaye
Shirqoolkaa naloo dhigay ayaa ciilku igu shuuqay
Shafka waxaan ku haystoo inbadan sheelo hadalkayga
Shibanaantii diidaye hadaan shiinka ka higaadsho
Shaxdiisii hadaan maanta furay waan sharaxayaaye
Shiribkayga maansada hadaan shirakan soo taago
Shulahaan dhigaayaa shamsooy sheeko igu raagtay
Shanta shubatay dhiigayga baan sheegayaa galabta

Shakhsigaw horeeyaan ku furin shiinka maansada,e
Shabakadaha aan soo dhigoo sheego sirahooda
Shaaca aan ka qaadee dadyahow sheekadaan tabiya
Shariifkoo shirqool ii wadiyo sheeko dhalanteeda
Shanta qaaradood iga iibsadoo shilimo doonaaya
Shanshadana intuu iga jabshaa sheeda iga eega
Shaqo aniga iga yeeshayoo shaaha igu raadsha
Shaani barafle igu dhuuqayoo shiixu ka idlaaday
Shuuradiisa baasoo ayana dhaamay sharafkayga
Sheegatada xildhibaanka jaan shirarka ceebeeye
Shakhsiyaad hunguri uu wadoo tuuray sharafkiiba
Shiixlaawayaashaan intaas gadaya shaadhkooda

Shilkahaa itoobiya wadooy igu shabaaxayso
Shacabkayga ku xasuuqdayoo shidaya ruuxayga
Shinsanaaya aanooyin hore shaahid waa marage
Shiishkana intaa igu haysa oo sheegta nabad beena
Shuf ka dhigi dadkaygoo intaa igu shidaysa baaruuda
Shoodhaheeda kenyoo iyana shabaqa ii daadin
Shuftadaa yugaandhayska oo shiilay hilabkayga
Shayaadiinta AU da oo igu shuraakowday
Shamisay waxaa igaga daran sheekha beenta ahe
Shaalkiyo cimaamadaha iyo shiikh isku ekaynta
Shaadirkiyo hagoogtaa sirta ah sheeko bakistaanka
Shaararkii islaamkoo la qabo iyo shubida dhiigeena
Shabakaduhu sida ay qoreen sharax akhbaareedka

Al-shabaab shayaadiin weeyahoo shacabku soo sheegye
Shuyuukhdiina waa noo qireen oo shuufe dhaqankooda
Sharka ay wadaaniyo waxay sheegtaan kala dheere
Shirqool maato laysiyo shuftay shaqo ka yeesheene
Shahaaday ku sheegaan intay shacab xasuuqaane
Sheekh qoorta laga gooyo bay shareer u qaataane
Shaybkoo la laayay dheheen waa lagu shihiidaaye
Shabaabkoo la dabargooyo bay jano ku sheegeene
Shiikh iyo shariif waa la qiray sheeko xumadooda
Sharka cawduye dadyahow shabaab shiico kaba liite

Shabeelooyinkii way gubeen oo qarax ku shiileene
Shacab miino loo dhigo ayay sharaf ku raadshaane
Shisheeyaa nasoo diray ayay shirib ku qaadaane
Shuqul aan la garan bay wadaan iyo shiico ficilkeede
Shanta qaaradood lagala yaab duulkan shaqadooda
Sheeda ruux ka eegoon shib oran shamis lasoo waaye
Shaahid baana ceebeeyayoo shaacyay khabarkoodu
Sharka cawduye dadyahow shabaab shiico kaba liite

Sheekaduna yay ila shalwane waan shakalayaaye
Sharxayoo cadeeyaye hadaan sheego fikirkayga
Shanta dhiiga iga shubatayee shiishay hilibkayga
Shuraakada i kala qabsatoo igu shamuumaysa
Shuuqsanaysa dhuuxayga oo shiilan haragayga
Shanshadana intay iga jabsheen shiribka dheelaaya
Shalowgana intay iga rideen sheeda iga daawan
Shabaqana intay ii dhigteen igu xiray shaaga
Sheeladana intay igu xabsiday jeelka igu shiiday
Shakalkana intay igu xidheen igu dulsheekaysan
Shaahidow adaan kaa baryee shuuqi quwadooda

Shuuradooda baabi,i alloow AU shirarkeeda
Shirqoolkooda iga samata bixi iyo shabaqa lay daadshay
Shilkahay ridaayaan alloow uu shiido madaxdooda
Shiishkay gamaayaan alloow shafka kaga weeci
Sharaftooda eebow dullee oo shaaci dhagartooda
Shacabkayga eebow midnimo sheeda uga muuji
Shaydaanka naga qabo alloow shaafi baa tahaye
Sharaftoodii soo celi alloow shacabka soomaali
Shucuurtoodu ay soo kacdaa shaharkan aan joogno
Shamso noo iftiintaa raboow shifo na deeqsiisa
Shucaaceeda waaberi alloow shibis walaalowdo
Shalaanboodna nabad iiga yeel shacabku baashaalo
Shabeelada dhan eeboow marqura shumac kasoo nuuri
Sheekhiyo burciyo awdal aan shirib ku dhaanteeyo

Shacbigayga boosaaso alloow aan sheeko la wadaago
Shidaalkay qodaayaan alloow aan kula shuraakoobo
Shaybkayga daayacan alloow uu sharaf ku noolaado
Shabbadaha qaxaayana alloow shuushku ka dulguuro
Shuyuukhdayda eeboow ka qabo cadowga shiishaaya
Shabaabkayga alloow soo hadee shaafi baa tahaye
Shilaabona alloow aan ka mudo calan shantii gees leh
Shujaac aan baqayn ay kacaan oo sharafta nooleeya
Shanta dhinacee soomaaliyeed ay dibu shurakowdo
Shuushkana ka saaroo alloow dib isugu shaafi. aamiin

Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhalkheyr”
Email: dhalkheyr@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!