Gabayga 10aad:” Sidigtii Maandeeq”Ee Silsiladii Sallaamaley‏

by admin | Saturday, Apr 14, 2012

Gabayga 10aad:” Sidigtii Maandeeq”Ee Silsiladii Sallaamaley

“Sidigtii Maandeeq” waa Gabaygii tobnaad  ee Silsilada Sallaamaley

Tixdan waxay jawaab u tahy tix hore oo uu tiriyay Abwaanka silsiladan furay, ee Abwaan Xasan  Faarax, tixdaas oo magaceedu ahaa “Sallaamaley” oo ka mid ahayd siinlayda Cusub  ayaa Abwaanku wuxuu kaga hadalay dhibaatadii ay dadaka reer Somaliland  ama soo mareen iyo maanta halka ay marayaan, runtii waa arrin wanaagsan, balse, waxaan anugu isaga ku dhaliilay ayaa ahayd in uu Abwaanku wada taabto dhibaatadii ku dhacday dhammaan umadda Soomaliyed. Tixdan magaceeda waxaa layiraahda ” Sidigtii Maandeeq” hadaba tixdiina waa sidan, ee ka bogashowacan.

 

1.  Nimanyohow markaan saahideen, seexdo gurigayga

2.  Oon saani uga jeesto ayaa ,sahan bilaawdaaye

3.  Nimanbaa sa`deedii murtida ,saakay noo furay

4.  Siinkeeda waa taa la qoray, magacna loo saarye

5.  Soomaaliyoo idil ayaa loo ,sal dhigayaaye

6.  Balaan sadarradeedi dhex galo ,oon sax u higaadsho

7.  Xasanoow Silsilaad furtiyo , siinka Curintiisa

8.  Ee soomaaliland tiri ayaan ,sowt ka leeyahaye

9.  Ha yeeshee su’aal baan rabaa ,in aan ku siiyaaye

10.             Sallaamalaydan aad tirisay eed, saaftay miraheeda

11.             Ee saban xumaadkii la maray ,aadan wada seemin

12.             Sarbeebteeda hoosiyo magaran ,suldhabaalaha e

 

13.             Ma nin saxaya baad tahay wixii ,seegay marinkooda

14.             Mase seef afwayn baad ku jari ,seedihyo jiirka?. 

15.             Ma soomaalibad jeceshihiyo, siman walaalowga

16.             Mase seera gaariyo dadkoo, soodin lagu oodo?

17.             Ma saf gooniyaad tahay ragbaan ,seegin tuu rabo

18.             Mase seedka labadaada garab ,saaran guradiisa?.

 

19.             Anigoon saluugayn dadkaa ,sugay wanaaggood

20.             Sabadoodi nabaddaa ka dhigay, saxal ka dheeraday

21.             Soomaaliland sheegtay ee ,saartay calankooda

22.             In aan kala sifeeyaan rabaa ,sax u ogaadaaye

23.             Sammaanteena kii jecel iyo innaan, siman walaalowno

24.             Iyo kii sir nala doonayee ,solaya jiirkeena.

25.             Haddii labo sokeeye ah mar uun ,seefi kala gaadho

26.             Oo ay kala socdaalaan sacabka ,looma sii tumo e

27.             Samahooda yaa laga talshaa ,waa siday tahaye

28.             Haddiise aad si gooniya mid uun,  sabadi taagnaato

29.             Isa seegte kii kale dhibtuna ,wayska sii socone

30.             Ha sar gooynin xaajada adoon ,sugin ujeedkeda!

 

31.             Sabankii xumaadee dadkoo ,idilba saameeyay

32.             Ee soomaali gabigeed ka dhigay,surin colaadeedka

33.             Waxa sabi yar aabihi la dilayuu, ilmada sayray

34.             Ee salalka taahii ka baxay ,seexa kari waayay

35.             Waxa sowjo iyo say isqaba ,seefta lagu boobay

36.             Ee aan sinnaba loo arxamin  ,soodh magaydada

37.             Waxa salow abaareed darted, gaajo saranseeray

38.             Oo saamihii cunaayee ,soorti kale waayay

39.             Waxa socodka aydii ku lumay ,bahalku sooryeysaty

40.             Oon saakay maydkood la sugin, noloshu waa saade.

 

41.             Intaasoo sabaaban iyo sabaan, silic ku noolatay

42.             Oon wali sallaankii la helin ,saanta cagahooda

43.             Haddaad sabada Caynaba Togdheer ,Saylac iyo Awdal

44.             Iyo Saaxil qura aad ku tiri ,seegtay marinkeede

45.             Soomaalinimo yaa la rabay, inaad u saartaaye

46.             Saxalkiyo dhibtoodaan lahaa, way sanqinayaane.

 

47.             Sooyaalka aad sheegtay iyo ,suganta taariikda

48.             Iyo saancaddaadlaha dadkii, saafay hilbkooda

49.             Soomaali idlkeedba way ,sahayanaayeene

50.             Ninna saxalki uu maray dartii, subag ma diideene

51.             Walina sidigti Maanteeq ayaan ,wada sugaynaaye

52.             Sina ugama quusane marbay ,seetaduu qabane.

 

53.             Marbuu calanki seegseegi helay, samada taagnaane

54.             Marbaa sacabka loo tumi midnimo ,sey ahaataba

55.             Seeraha cadaawaha marbaa ,sidaha loo goyne

56.             Marbaa sabiga iyo waalidkii ,samo ku noolaane

57.             Sabiix iyo marbay wada sinaan ,idilba soomaale

58.             Saxarlaay Hargaysiyo marbay ,Xamar siraadnaanne

59.             Sinta Harar marbaan ugu sed tiring, sidigta Maadeeqe

60.             Marbaan subax liskeedii Jigjiga ,sayladaha gayne

61.             Salaxlay Wajeer iyo anoon ,Gaarisana seegin

62.             Sinjigeen oo idil halkuu ,magacu saameeyo

63.             In aan soodin qura yeelanaan ,sahanku joogaaye

64.             Adiguna in aad nala sugtaan, saadiq leeyahaye

65.             Ha saluugin  soomaalinimaan  ,soo sidaa waliye

 

Hal abauurkii

Yaxye Xaashi Maxamd
geesilove@hotmail.com

Afeef:

Gabaygan cida si gooniya ulama jeedo, balse, sida argatidaydu tahay ayaan ku cabiray, wixii dhaliil ah iyo sixitaan waxaan u ahay Diyaar Mahadsanidiin

Sharaxa erayada : Xasan =Abwaan Xasan Faarax Abiib(xasandaaci)

 Sabiix  = waa cali saxiib  jabuuri.

 

FG: Haddaad doonayso inaad ka qayb  qaadato Silsiladan cusub ee Sallaamaley

Waxaad kala xidhiidhi kartaa waxii faahfaahina  ee khuseeya silsiladan  Bashir M . Hersi, & C/Raxiim H.Galayr  brdiraac@hotmail.com  & galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!