Gabaygii Sallaamaley Silsilad cusub oo Siinleey oo u dhaxaysa Somalia iyo Somaliland

by admin | Monday, Mar 26, 2012

Silsiladdan Sallaamaley waa silsilad kulminaysa Hal-abuurka  soomaaliyeed oo bilaabantay  sanadkan 2012 iyada oo la gaadhay  waqtigii  lagu turxaan-bixin lahaa   dhacdooyinkii hore  uga dhacay dalka iyo ismaandhaafka labada Gobol ee Somalia iyo Somaliland.  

Silsiladan waa ka reeban tahay Beel magaceeda,  waxaa ka reeban Aflagaado qaawan, waxaa ka reeban  wax abuuri kara colaad iyo nacayb  hor leh.  waa silsilad  garnaqsiya oo ay isku weydaarsanayaan  labada  gobol , sidoo kale way u furan tahay  Shanta Soomaaliyeed Hal-abuurkooda. waxaan ka codsanaynaa ka-qeyb-galayaasha inay dhawraan asluub-Suugaaneedkii Soomaalida lagu yaqaanney,  inay Dhawraan Dhigaalka iyo higaada iyo miisaanka maansada , Inay dhawraan  diinta, dhaqanka, iyo Jiritaanka  Afka soomaaliga  , inay Dhawraan  habdhaca iyo hanaanka Gabayga, Silsiladan maaha Jiifto waa Gabay ama Gabayo,  sidaa awgeed shaqsi kasta oo ka qayb qaadanayaa  wuxuu kaga qayb qaadan karaa Gabay ahaan waana  u furantahay. Waxaa kale oo mudan in la xuso in gabey kasta oo lagagasoo qeyb galayo silsiladdan yeesho Magac ugaara.  Fadlan  waxaad la xidhiidhi kartaa  Abwaanka Silsiladan Furay  Xasan Abiib Faarax(Xasandaaci).  Gabayga  Ugu horeeyay Silsiladan Sallaamaley  waxaa la yidhaahdaa (Sallaamaley), kaas oo ay silsiladdu ka wadato magaca ‘‘Salllaamaley‘‘.  Gabaygaasna  Waa kan ee Bogasho wacan:-
 
Gabay  Sallaamaley:-
 
Sa’da gabeyga waayadan ma marin, surimadeediiye
Saxar bayga saarna wax badan, siinley curinteede
Sabankii yimaadaba ragbaa, sooha maansada’e
Salal laguma gaadhiyo hadaaq, saacad iyo leyle
Sawir iyo dhigaal iyo qoraal, barasho seeskeeda
waa midaan sinnama loo heleyn, lana sal-gaadheyne  
Sahay looma qaatoo dhul dheer , looma saahide’e
Ninka Eebba siiyaa iska leh , kana sal-guureyne
Balaan saxo sallaamaley ragbaan saaka dirayaaye
Balaan saacideystoon ka dayo , saanad iyo taako
Balaan soodh afweyn iyo labaxo seefo ololaaya
Balaan sahan dhanbaal-wade u diro, gole siyaaseedkan
 
Sooyaalka taariikhda iyo sabannadii dhaafey    
Somaliland soo martee saaka laga noolyey
kala saafi maayee balaan saro jawaabteyda.

Inta suluf colaadeed lagaley, seymo iyo hoogle
Inta saban abaareed la marey , aadamuhu seydhmey
Inta saan-cadaaliyo kufaar , saafey hilibkooda
Inta silic u beyhooftayee gaajo saxariirtey
Inta saaqiddee barashadii kaba sagsaageysa
Inta saraca beeraha  ka tagey , sabadi uu yaalley
Inta siigo doortee surmigu , saacad qudha laayey
Intaasoo sareediyo ladnaan , laabta samirsiiyey
Saxansaxo udgoon badan intaa, sugayey neecowda
Nabad ay kuseexdaan intaa, sacab garaacaayey
Dhaqaaluhu inuu sarakaciyo, sicirka xooluuba
Isagoo sucuudigan carbeed, sare u dhaafaaya
Sayladaha adduunkoo dhan tago, siine iyo ruushba
In saliidda loo soo  qodiyo, sugayey baatroolka
Isagoon siyaadiyo ka rabin , saami qaraweynba
In sufuudha guudkiisa taal , kaga sal-guureyso
waa siyaasad dooree , hadduu ururku saayeeli
Intaasoo su’aalood haddaad, naga jawaab siiso
Sacab iyo mushxarad baan kusiin , saaka iyo leylba
Suuqyada hargeysiyo burciyo, saylac iyo hawdba
Safaf baan kusoo bixi anoo, ubax kusaaraaya
Salli iyo darmaan kuu sallixi, kuguna sooryeyne
Salaan iyo kalgacalbaan sadriga, kuugu sidayaaye
Saan-qaadka aad yeelataan sugi dharaartaada .  

Waxaa Tiriyey
Xasan Abiib  Faarax(Xasandaaci).  
Daaci77@hotmail.com
 
Fiiro Gaara ah:- Hadaad doonaysid inaad silsiladdan ka qayb qaadato fadlan la xidhiidh Cabdiraxiin Hilowle Galayr & Xasan Abiib  Faarax si aad u hesho macluumaad kugu filan  loona kaydiyo  Gabayga aad soo gudbiso

Galayr1977@hotmail.com
Daaci77@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!