Gabaygii 11aad “Sabaan Tegay” ee Silsilada Sallaamaley‏

by admin | Saturday, Apr 21, 2012

Gabaygii 11aad “Sabaan Tegay” ee Silsilada Sallaamaley

Waxaan idiin soo gudbineynaa Gabey kamida Silsiladdi Sallaamaley ee Sare u qaadka iyo Sahanka u aheyd Arimaha siyaasadeed ee ka dhex taagan wakhti xaaligan lagu jiro iyo wakhtiyadii lasoo mareyba Labada Dhinac ee Somalia iyo Somaliland. Markaa Waa gabeygii la magic baxey “SABAAN-TAGEY” iyo Murtida ku duuggan …ka Bogasho wacan :

SABAAN-TAGEY

1. Indhawaydba siinlayda gabay, Waanigaan sarine

2. Masamaynin maansooyinkaan, Saamigow helaye

3. Ragbaa ereyga seegseega oo, Lagu saluugaaye

4. Surinkiisa goortaan maree, Siidhigaw qaato

5. Sahal dhagaha waw furi jireen, Uunku subaxaase

6. Markaasaan sifaa gabayga iyo, Ararta siiyaaye

7. Maraqii sidkii waanka furay, Soohan iyo xiise

8. Sallax Maandhow gaawaha Ogow, culiddu waa soore

9. Sadrigaaga hoosiyo kuhay, Maanka sabadiisa

10. Waa sawd abwaan iyo xigmade, Sumad hallooyeelo.

11. Adiibkii sallaamalay furee, Siinka kahigaadshay

12. Sidduhuu uxidhay iyo warkuu, Qalayay uu saafay

13. Sallaankuu ubaxay uulahaa, Yaanalaga siiban

14. Ragbaa sibibixoodoo kadhacay, Sare uraaciiye

15. Dadkalaan cagtaba saarinuu, Saydhiyoo qubaye

16. Dadna waxay saqaafkii tageen, Ugu sarreeyiiye

17. Dadna waxay sabbeeyeen badaan, Samo kulaabnayne

18. Suugaantu waa Aalad sugi, Sawrka maanta ahe

19. Silaax laba-afla-ah bay utahay, Kii sameeyaba’e

20. Ninba wuxuu sancaa buu gadaal, Saraca goostaaye

21. Hadduu saban colaadeed dhacoo, Nabadu seeraarto

22. Siigada warmaa lagaba’shoo, Samayda loo raadsho

23. Ama siliska qorigiyo rasaas, Sacabka loo qaado

24. Aarmigii ninkaan sidan cabdoow, Laga sadroonaaye

25. Rag hadduu isaseega oo gar culus, Xaalku subax gaadho

26. Intaan sabada geedkiyo latagin, Wadarta loo saaray

27. Inaad adi iskaa waxu saxdaa, Waa sifii dhaqane

28. Haddii uu sahwiyo oo golaa, Inanku soo gaadhoo

29. Gari laba masimatee , Markay xaajo kala saarto

30. Madashuu saqiir yahey misana, Laga sadroonaane

31. Saajic iyo nin raga oon kabiqin, Daallin inu saaro

32. Ceeb inuu kuseexdana kajecel, Dhiig lasabanaayo

33. Saahid nina sujuuddii kutaal, Sugaya tawxiidka

34. Salawaadka Eebiyo cilmiga, Magane siidaynin

35. Ninka saatir kama yaabe yidhi, Eesidaw sheegay

36. Soomal-haadka aakhiro markay, Noloshu suulayso

37. Saalix camalka mooyee markaan, Saman ladhiibaynin

38. Sareeyaha kolkaa lahortagaa, Laga sadroonaane

39. Dafiraadu waacudur silloon, Aan la saadiqine

40. Gunnimada sifaatkeeda bay, Ugu sarraysaaye

41. Surmiga iyo abaartii dhacee, Sabigu ooyaayay

42. Innagoo usiman oo dhacdadu, Uunka wada saaqday

43. Land-too saamigeedii kabogan, Oonna saranseertay

44. Insaaniyaddu waa sagal gu’iyo, Suurad qurux wayne

45. Saciimkeenu waa tuu damqaday, Sidaad ogaydeene

46. Sanaadiiqta waatuu, Uraray maalintii silice

47. Silmi-jooge iyo kii holcaa, Ma ay sinnaadaane

48. Samir yeesha iyagaan hormarin, Weedha nagu siiye

49. Suugaanta aabaha afkiyo, Suubanihi raacye

50. Salaadiintu waa tay safteen, Suuqa xamareede

51. Soomaalinimadaa wadiyo, Waa sokeeyaha’e

52. Ruux saaciday ma uujirin markaad, Siinka galinaysid

53. Nabsi lamahe saadshee, Runtii waa safiihnimo’e

54. Soomaali waynoo midoo, Calan salaamaysa

55. Sabankaa khariidada kuyaal, Oo midnimo seesa

56. San-ku-neefle muu iga jeclayn, Saaxiyoo qudhiye

57. Hayeeshee ragbaan sababihii, Saatir garansiine

58. Sinaantiin ninkii diida ee, Samada uun fiirsha

59. Adna inaad sarayntii aqbali, Waanay soconayne

60. Sadbursiyo anaa talinayay, Samo ku waayeene

61. Sansaan qaran mamuuqdiyo cabdoow, Duul wax saxayaaye

62. Tijaabada waxaad soo martaa, Lagu sargooyaaye

63. Ninba siduu danbiday buu irkaday, Aradka soomaale

64. Nasri oo ilaah soo rogiyo, si uun hajoogtaaye

65. Inaan xamar saboodhaa haddeer, Waa sabaan tagaye!!

Waxaa Tiriyey

Abwaan MUSTAFE XASAN NUUR

FG: Fadlan Silsilad suugaaneed ka Siinleeyda ah ee Sallaamaley haddii ay jiraan talo iyo tusaaleiyo toosin iyo haddii aad doonayso inaad ka qayb qaadatoba waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:-

1.Xasan Faarax Abiib(Xasandaaci) daaci77@hotmail.com

2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!