Gabaygii 15aad “Salal ” ee Silsilada Sallaamaley

by Yahye | Thursday, May 3, 2012

Gabaygii 15aad  “Salal ” ee  Silsilada Sallaamaley

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu; salaanta islaamka dabadeed waxaan halkan ka salaamayaa 

Guud ahaan umada Soomaaliyeed meelkastoo ay aduunka ka joogaanba, gaar ahaana waxaan salaamayaa abwaan

Xasan Faarax (Xasan-daaci) oo ah abwaanka alkumay silsilada siinlayda ah ee “Sallaamaley” iyo waliba dhamaan 

abwaanadii ka qayb qaatay. Waxaan aniguna jeclahay inaan soo gudbiyo tix gabay ah oo aan kaga qayb galayo

silsilada, waxaana tixdani la yiraahdaa “Salal” waana tixdii 14 naad oo silsilada Sallaamaley.

1: Sabanadan ma’tirin gabayadii, saafiga ahaaye
2: Saaxiibayaal waayadaan, waan ka saahidaye
3: Seeraan ku oodoo mudaba, saa umaan dayine
4: Sallaamaley[1] inan soo galana,saaka maan rabine
5: Hadba aniga oo seexday baad, igu salwaysaane
6: Salalaye hadaba yaan ragow, sawdku idin jiidhin
7: Saaka dhaley [2]suntii ay sidaan, saaqmey idilkeeye
8: Sadrigaa i kacayoo waxbaa, igu sumbaaxyeeyey
9: Seedahey damqadayoo tixdaa, saaftey hilibkiiye
10: Siirigey Farxiya[3] yeerisaa, kiciyey suugaane
11: Suurkeey afuuftaan markaba, soo dhacyeey idhiye
12: Seeftaan galkii kala baxoo, suug’na waan ridiye
13: Salalaye hadaba yaan ragow, sawdku idin jiidhin

14: Afartaa sarbeebtii horiyo, seeto furidii dheh
15: Afar kalena siday ila tahaan, soo gudbinayaaye

16: Sallaamaley sidaan doonayey, caawa socotaaye
17: Safkaygii wataa saacidoo, saartay calankiiye
18: Sadexiyo tobnaad saa’id baa, sadaradii dheere
19: Saadaalin dabadeed markaan, tixaha suureeyey
20: Sadex dhaafi maayaan ragii, surinka waydaartey
21: Sidoodii badnayd waakuwaa, raacay suluxiiye
22: Soomaali doon bay noqdeen, reer Sallaamaleye
23: Sabadiyo dhulkii suu yaheey, wada sifeeyeene
24: Soomaali kala socon mayaan, sawdka loo badiye
25: Sina looma kala guurayoo, sees quraan nahaye
26: Seeruhu hal weeyaan sugoo, soocid dhici mayso
27: Soohdinteena lama qaybin karo, saare qalinkiiye
28: Sikastoo la yeelana walaal, saa ku go,i maysid
29: Soomaalilaaneey warkani, sahal hakuu deeqo
30: Sawraceena oo mida wallaan, seero loo xidhane
31: Sinjiguna mid weeyoo sinaba, iiga socon maysid
32: Sodohiyo dumaashaa la yahay, seedi iyo eedo
33: Sokeeyiyo xigaal baynu nahay, saaka iyo caawa
34: Saadambe iyo saakuun illaa, sabanka soo aadan
35: Sidataasha dheeriyo illaa, suurka laga yeersho
36: Soomaali waa mide warhooy, saa hala ogaado
37: Sina looma kala maarmayee, saa hala ogaado

38: Siinkuna bal yuu ila sidbane, waa sakalayaaye
39: Sutigana ducaan uga dhigee, saxa bal aamiinta
40: Saadiyo[4] bal Faataxada sugan, salliga raacsiiya 
41: Suubane rasuulkii salima, Saadir barakeeyey>>>(C,S,W)
42: Soomaalilaand samaha yaal, saa’id laga yeelye
43: Sanaagiyo dalkaygii sarena, saxal ha waydaarto
44: Sinaheeda Boosaaso siman, nabad haloo seexdo
45: Sinujiifna[5] soofkayga dhalay, hayska suluxleeyo
46: Sabarada Nugaaleed xornimo, sulub[6] ha’ii daaqdo
47: Sooliyo illaa Mudug Alloow, samo ku feeraari

48: Soonaha baraawiyo dhankaa, suugu halakeeyey
49: Siliciyo dhibkaa koonfureed, Saadir ha qaboojo
50: Sixiriyo inkaar baa heshee, sidatan haw dhaamo
51: Sulufkiyo dagaalada qabiil, saanadiyo qiiqa
52: Sacabadaanu dhiganee Rabow, saaka naga jooji
53: Soomaaliyoo suluxdayoo, saaxi wada keentay
54: Sadrigoodu wada xaaran yahay, saafi laga yeelay
55: Calankii samaalena[7] la suray, lana salaamaayo
56: Sabi iyo sirqaba faraxsanoo, sacab garaacaaya
57: Saacaan xagaagiyo samada, laga saxiix Eebe
58: Sahlanoo sajalan nooga yeel, saaka gudaheeda
59: Sakhiroo amuuraha dhamaan, maanta wada suubi
60: Sacabadaanu dhiganee Allow, sidatan noo doori! 

Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhalkheyr”
Email: dhalkheyr@hotmail.com

Erey bixin iyo afeef:
waxaan sharixi doonaa erayada intaan suntay oo nambarada saarey wixii iga hoos baxay ama aan ka ilduufana 
waxaa kolay u jooga oo israacinaya Abwaanada iyo akhyaarta kale ee golaha silsilada.

1- “Sallaamaley” waa magaca silsilada 
2- “Saaka dhaley” waa gabaygii 13 naad ee silsilada Sallaamaley
3- Farxiya Xuseen Cumar waa Abwaanadii curisey gabayga 13 naad oo magaciisu ahaa “Saaka dhalay”
4- “Saad” waa suuratu saad 
5- “Sinujiif” waa magaalo magaceed
6- “Sulub” waa hal magaceed/neef geela magacii
7-“Samaale” Calankeenii Buluuga ahaa oo shanta xidigood lahaa

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!