Gabaygii 16aad “Saliilyo” ee Silsilada Sallaamaley‏

by admin | Monday, May 7, 2012

Gabaygani waa kii labaad ee aan kaga qeyb gelayo Silsilada Siinleeyda  ee Sallaamaley aniga ooh ore u tiriyey  Gabaygii ahaa

“Saara Calankeena” weli waxba iskama bedelin mawqifkaygii

Waxaan  markaan sharaxayaa in  haddii shalay la saluugay qaab dowladeedkii hore la keenay  hadda  farsamo cusub oo nin weliba deegaankiisa iyo baradiisa xor u yahay uuna  cidna u daba fadhiisanayn hadda Gabaygii waxaa la yiraa (Saliilyo) waa mid ka mid ah Silsiladda Salaamaleey waana Tix ka tarjumeysa Nidaamka Cusub ee lagu dhaqmi doono waxeey Ummadda ugu Bishaareeyneeysaa isbeddelka cusub kaas oo mudan in laga faa’iideysto Dadkana loo sheego in nidaamki hore iyo kan isku mid aheyn.

 

GABAYGII SALIILYO

 

1.Murtidii saxneyd ee aheyd,Saara Calankeena

2.Hadduu Khadar saluugee kategay,Saamax inuu qaato

3.Samirkii la faray uu ka dhigay,Sirid lahaaneedshay

4.Waloow aanu seedaha kajarin,Xidid sokeeyaadka

5.Sas inuu ka qabo sheegay oon,Meelna kaba seegin

6.Soo dhaweynta Somaliland,Siriq in loo qoolay

7.Oo siddi Sagaartii la rabo,Shabaq in loo soohdo

8.In sadiibo loo soo sitoo,Miciyo loo saaftay

9.Lixdankii siddiisii markale,Loo sasabanaayo

10.Sangaraafihii gaaray iyo,Suugi lagu boobay

11.Sokeeyihi islaayee wax badan,Seeftu marineeysay

12.Oon wada saxriirnoo kulliba,Suurku nagu yeeray

13.Inkastooy siyaasadi xumayd,Sebenba meeljoogtay

14.Inkastooy naseegtoonan garan,Saaqidnimadeena

15.Waxa soo socdaa noogadaran,Saan isleeyahaye

16.Inaan kala safnaanoo arlada,Soohdin kala yeelo

17.Waa sidda Sanaawigu rabiyo,Saancadaalaha e

18.Ilaa suur ka yeerana midaa,Waaba sugayaane

19.Waa Sacab timaleh taa Ineey,suurageliyaane

20.Ha shareysan Somaaliweyn,Waa sal aan go’ine

 

21.Afartaa siddii seeymo roob,Samada soo saaran

22.Saxansaxo udgoon badan Arlada,Saani ugu baahshay

23.Oon siigo boor iyo la socon,Cudur la saadaalshay

24.Oo saan rabniyo noogu da’ay,Suxulya dheeraada

25.Xaayoow siddii sii murtida,Meysu dabasaaray

26.Sidi Xeeyle Cumar lagu yaqiin,Salabka moowqaatay

27.Afar kalena waa soo sidaa,Samac haloo yeesho

 

28.Ismaseegto iyo waxaanu nahay,Suulya farihiise

29.Sambabkiyo wadnaha wada socdoo,Neefta isa siiya

30.Waa kuwa eey suurtoobi karin,Kalana soocmeyne

31.Inaguna siddoodoo kalaan,Isku sameysneeyne

32.Simbiriiraxadi hore haddii,Lagu saliilyooday

33.Ooy sacabka wada buuxsadeen,Niman saraakiila

34.Ood saxiix waraaqaha dhulkale,Ugu socdaaleeysay

35.Waxaan soo sidnana aadogeyn,Sidda layeelaayo

36.Federaalku suu yahay haddaan,Sifaha kuu sheego

37.Waa siddeed iyo tobanka gobol,Ineey sinaadaane

38.Saldhigaaga adigaa katalin,Xeerarna u suubsan

39.Sanka taabadkii iyo majiro,Saamki ololaayay

40.Barasaabka soo baxi adaa,Sowdka bixinaaya

41.Saldhigyada Bileyskiyo adaa,Suuqyada canshuuran

42.Sindikuhu hadduu kaa xunyahay,Sii kac oranaaya

43.Waa siddaa ujeedada larabo,Inaan sameeynaaye

44.Kala sixasho mooyee majiro,Cudur nasaameeyay

45.Siddi baan walaalihi u nahay,Magaca Soomaale

46.Suuldhabaalahaa leysku garan,Sawirya muuqaale

47.Yaan saarasaaruhu ku badan,Sabada aad joogto

48.Yaan sabigu naga maqal xumaan,Sal iyo baar gaarta

 

49.Afartaasi siinleeyda gabay,Saab ma uga yeelay

50.Intaan xeero soor aan ku shubay,Subag ku iidaamay

51.Oon caano suusaca ku daray,Sixintu heehaabto

52.Oon siddeed iyo toban fandhaal,Saani uga taagay

53.Qofwalbaa sidduu rabo inuu,Suxulka miigeysto

54.Sacabaduna eey wada qoyaan,Saacad iyo leylba

55.Oo sooryo noo wada ahoo,Leysna wada siiyay

56.Oo Suldaan Garaad iyo Imaan,Midigta leys saaray

57.Sarihii Hargeeysiyo Muqdisho,Seero u lagu oodin

58.SabaaxuuTogdheer soo maraa ,Taniyo Siigaale

59.Sadrigeeyga meeshaan larabay,Siin maka hikaadshay

 

60.Afar kaloon ku sii sahanayaa,Balaan Saliideeyo

61.Isi soorka Soomaali woow,Hidiyo sooyaale

62.Ninka yiri Saciimkeeni baa,Sarifka soo dhiibay

63.Oo sanuud Abaarihi udiray,Seegyay marinkiiye

64.Qof naftiisa siiyoo kalana,Saa umuu garane

65.Sikastooy ahaatana walaal,Weysi siiyaaye

66.Soow Abaarti Dabadheer ma’oga,Gurmadki suuyeelay

67.Dujuumiyo Sablaalihi ladhigay,Tacabna loo saaray

68.Waxaan kaa sugaayaa kabadan,Sed iyo taageero

69.Kii aad isiisiyo midkaan,Aniga kuu soocay

70.Sikastooy ahaataba anigu,Waa saburayaaye

71.Seey noqoto seey kula tihiyo,Sida aan yeeleeyno

72.Soo fadhiiso oo ilala samee,Waxaan sameeynaayo

 

Xaayoow=Maxamed Gacal Xaayoow

Xeyle Cumar=Axmed Wardheere Xeyle

Khadar  waa Abwaankii  tiriyey Sasabo diid

Khadar jini Gabaygii 9aad

Sabaax = Nissan Diesel  baabuur waqooyiga aad looga isticmaalo

 

Waa Qalinkii

Abwaan Axmed Xaayoow

xaayoow09@hotmail.com

 

FG. Fadlan  haddii aad doonayso inaad ka qayb qaadato ama talo iyo tusaale ka bixiso silsiladan  waxaan ku leeyahay  gacmo furan iyo qalbi furan,  waxaad kala xidhiidhi kartaa waxii macluumaad iyo  warbixin ee Silsiladan Sallaamaley ku saabsan  Magacyada hoos ku qoran  iyo Emailada:

 

Abwaan  Xasan Faarax Abiib(xasan daaci) E: daaci77@hotmail.com

Bashir Maxamed Xirsi(Diraac) E: brdiraac@hotmail.com

Cabdiraxiin Hilowle Galayr  E: galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!