Gabaygii 18aad “Dib u saxa” ee Silsilada Sallaamaley‏

by Yahye | Tuesday, Jun 19, 2012

Gabaygan waxuu ka mid yahay silsiladda  cusub ee siinleeyda ee  Sallaamaley annigoo  gebi ahaan dacwad u qaba  ummada soomaaliyeed  maadaama aan nahay dhalinyaradii  , Dilka , dabka, dagaalka  ku dhex kortay  ee aan helin, Nabada iyo dowladnimada dhammaystiran  waxaan haddana ka sii baqayaa in  jiilka naga yaryari ay  ku dhacaan nasiib daradan oo kale  haddaba qaladkii dhacay  waxuu u baahan yahay in dib loo saxo oo  laga feejignaao,  laysu tanaasulo,  lasoo celiyo sumcadii ummada iyo  sharaftii aynu lahayn waa kan Gabaygii “Dib u saxa

 

1.    Daaciyow sa’dii gabay matirin, sababa awgoode

2.    Suugaan inaan suubiyoo, teedo sadarkeeda

3.    Sax iyo qaladba waan dhigay,  inaan seemo waayadane

4.    Sirgax baa ku dhacey gabayadii, saa’idka ahaaye

5.    Dab salooga  mooyee wanaag, saaxib laga waaye

6.    Sallaamaley markaad meerisaa, leygu soo degaye

7.    Iga  saamic  waa taan  in badan, saakitka ahaaye

8.      Ololkiyo risaastiyo sahwiga, salabkii qiiqaayey

 

9.    Sabi soo arkaan ahey waxaad, seefo tumateene

10. Anuun baa samraayoo lahaa, wey sammaan taniye

11. Soddon sano samaan eegayiyo, sacab la taagaaye

12. Saxansaxa ku joog baan lahaa, saani lagu waaye

13. Sakankaaga kaashaan lahaa, weyska saafiyiye

14. Xigaalkii silcoobaan lahaa, weysku soo siqiye

15. Walaalihii sirgaxadaan lahaa, weysi saacidiye

16. Qabiilkii sumeeyaan lahaa wey, ka saahidiye

17. Sokeeyihii dagaalaan lahaa weysa, saamixiye

18. Qaxootiga sabbeeyaan lahaa, wey saliilyoone

19. Colaadahey ka sayrbaan  lahaa, sabab la’aanteede

20. Marbey sadarka garan baan lahaa, kuwa sagootiyaye

21. Sammadoonna-doodaan lahaa, weysi saxayaane

22. Soomaalidu fir weyn bey laheyd , kalama suulaan ah

 

23. Sallaamaley  iney  xuma wadana, Xaasha maan sugine

24.  Seero meel quraatiyo haddaan, soohdin wada joogno

25. Sareeyuhu  siduu faray   haddaan, wada   sujuudeyno

26. Sunnadii rasuulkana  hadaan , wada samaynayno

27. Soomaalinimadiyo haddaan , magacu suulaynaynin

28. Sinji quraynu nahey sawracoo, soonne wada yaale

29. Subxaankee miyaan kala go’naa, sirasho waa ceebe?

30. Sida roon Rabbaa oge miyaan, kala setawnaaba?

31. Soddon gobol miyaan suubsannaa, saacaddaan joogno?

32. Sidey taheyba maandeeq miyaan ,cadaw ku sooryeeynay?

33. Callankeeni saarnaa miyaan , siibnay gebigiisba  ?

34. Sumcadeenii lahayniyo miyaan, saydhnay  sharaftiiba

35. Sadrigeyga kuma aanan qorin,  kala socdaalkeene

36. Soomaalidu mid weeye war hooy, saa hala ogaado

37. Ma suurtowdo waan diidnayee, sammo u soo jeesta

38. Salaadiinna  hala saara iyo  , guurti samadoona

 

39. Dib u saxa waxaan soo dhignee, salaf ahaan dhaafey

40. Haddii kale sidey tahey ku wada, aan sal-guurnaba’e

41. Sawaariikhda iyo suugga wada , Subax ku soo toosa

42. Dawarsada saboolnimo darteed, dunida soocnaada

43. Gumestuhuna waa suu rabee, heydin salabeeeyo

44. Sawaaxili amxaariyo israal, amar ka soo qaata

45. Ha sifeeeyo maankiina gaal , daba-saqleyn doorta

46. Seben baa la oran wey jireen, qoomka soomaale.

 

Waxaa tiriyey

Maxamed Cilmi Dhicisow

elmi_0@hotmail.com

Sharaxa  erayada

1.    Daaci  waa  Abwaan Xasan  Faarax Abiib(ab  xasandaaci)^

 

FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley”haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:

 

1.Xasan Faarax Abiib (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com

2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!