Gabaygii Dharaar (Waa Gabay xigmad badan oo dhinacyo badan taabanaya)

by Yahye | Sunday, Feb 26, 2012

Gabay Dharaar

Gabaygani waxaan doonayaa inaan ugu caqli celiyo oo aan ku baraarujiyo bulshada soomaaliyeed iyo inaan sida dharaarta u cadeeyo waxyaabaha muruga keenaya ee laysku haysto iyo inaan sidoo kale ku falanqayn dooda dooda ku saabsan ” Muqdisho yaa leh ” oo baryahan danbe noqotay wax ay idaacadaha qaarkood Sida Telefishinka Universal ciwaan ka dhigteeniyo mawduuc ay dadka ku maaweeliyaan ciwaankan (Muqdisho yaa leh)dadka lagu mashquuliyo waxaan ku tilmaami karnaa waa warxuma tashiil.Xigmada soomaaliyeed ayaa tiraahda ” Si xun wax u sheeg sixir waa ka daran yahay” iyada waqtigan aynu dhihi karo waa laga haboonyahay in dad waaweyn hawl ka dhigtaan meel hebla yaa leh? iyo wax la mida waayo Barrin kasta iyo bogcad kasta cidna kama dahsoona cidda leh . In dood laga furo arimahaas waxaa ka wanaagsan in bulshada wax ka wanaagsan loo sheego ,marka waxan leeyahay cid waliba oo Soomaaliya oo wanaaga jeceli ha ogaato dhulka in sina loogu simanyahay haddana qof waliba uu ilaah deegaan gaar ah ku beeray marka Annigoo taa ka duulaya ayaan tixadan sameey tixdana magaceEda waxa la yiraahdaa ”Dharaar” tixdiina waa sidan ee ka bogasho wacan

 

Madhawaaqin waayadan murtida kummana dheeraane
Dhabadeeda waa taanan marin dhowr guyoo tagay

Waataan dhanbaalkiisa gabay dhaafay waa hore ,e

Waataan ka dhowrsaday sidii laygu soo dhacaye

Hayeeshee anoo dhigay ayaa dhiilo ii timide

Bal aan dhayo halkii dhaawacee dhiigu uga yaalo

Dhamaan noolahoo idil intii eebe uu dhaliyay
Midba midab ku dhiganbaa jiroo lagu dhugtaa jeere
Dhulkana meel ayuu kaga agyahay laguna dhowraaye
Dhugiyo kaneecadu kasimiman micida dheertaaye
Dheef qura ayeey wada cunaan dhiiga noolahaye
Dhuuracasadiyo jirac kasiman dhugasho muuqiiye
Dhulkana meel kamay wada galaan kumana dhuuntaane
Dhuunyaal iyo shiniba waa labada dhooba malabkiiye
Dhir quran kamay wada guraan ubaxa dhiinkiise
Dhabtii noolahoo idil kasiman labada dhaayoode
Dhan qurana kamay wada arkaan dhool ku soo dumaye

Labadii isla dhalataa ka simin dhaxalka reeroode

Mid waliba intii loo dhiguu dhinac la aadaaye

Hadiise uu mid dheeraad la tago dhacantay maantase

Kala dhimasho woow halis midkii dheefti aan heline

Sidaa waxaa kadhigana oon ka dhicn amase dhaafsiisan

Nin dhulkiise joogee mid kale dooni dhaqankiisa

Ee raba in uu kali dhargoon dhugan walaalkiiye

 

Waxse aan la dhaygagay amaan dhab ula sii yaabay

Dhiiranida damciyo xumaha laysku wada dheehay

Oon dhinacna loogaga tagayn dhagarya hoosaadka

Hadiise ay dhugmadu siisay oo dhowrsi laga jeestay

Nina innaanu dhaxalkii ka tagin yaa dhab ugu sheega

Hashii maalintay dhalatay aad dhuuga ka eryaysay

Nina in aanu caaneheed dhamayn yaa dhab ugu sheega

 

Dheemasha howdkiyo hashaad laanta dhabi siisay

Nina innaanu gaawaha u dhigan yaa dhab ugu sheega

Hashaad dhadada waagiyo qaboow dhacay u soo jeeday

Dharaar in aadan uga seexanayn yaa dhab ugu sheega

Hashii kuman iyo dhowr sano kabadan laysku wada dhaafay

Nina innaanu kaa dhici karayn yaa dhab ugu sheega

Intaasi waa madhaafanka iyo dhumucda suugaanta

Markana waa in aan kala dhigoon dheeli ka ilaasho

 

Taariikda dheer iyo hadaan dhigan u soo laabto

Ma dhamaato aasaartu waa dhaqan ma guurtaaye

Waa dheeha muuqdee umadi dhaad u leedahaye

Waa geed dhex wayn oon marnaba dhigin cagaarkiiye

Dhulkan way ku taalaa hadaad dhab uga eegtaaye

Hadiise laysku dhaarsado oo dhaawac lala doono

 

Waa dhagax masaar lala dhaceen dhinacna soo goyne

Aloow yaa ka dhowrsada xumaha kuma dhaqaajaane

Dhilowyahanka geedkaa ka baxa laammo dhaladoode

Dhana uma ekee waa amuur eebe uu dhigaye

Hadiise ruux ilaahay dhisee dheele ka ilaalshay

Ee dheega muuqiyo xubnaha dhaawac laga reebay

Dhulkana meel u gaariyo halkuu dhawrto laga siiyay

 

Uu sida dhigaa jecel yahuu dooni dhalankiisa

Waa dhabano hays iyo layaab aan is wada dhaamin

Wuxuu ugu dhutiyey sow ma ahan dhalan rog qaabaysan

Ninkase geedka loo dhaarsanyiyo miraha dhoodhoobay

Iyo kii in uu dhuuqa raba sow makala dheera?

Iyadoo dhir geedo ah ninkii beer ka dhiganaayay-

iyo kii u soo dhoofi jiray sow makala dheera

 

Ninka dhiisha caaniyo qoryaha dhilaya soo qaada-

iyo kii dhismaha uun layimid sow ma kala dheera

Ninka dhigan walaalkii u shubay dhiito iyo caano-

Isaguna dhibaatada la rabo sow ma kala dheera?

Ninka gogosha dhigay ee martida dhab ugu sheekeeya-

iyo kii in uu dhaco u yimid sow ma kala dheera

 

dhabadoo mugdiya kaad dartiis dheelmad ugu jiiday-

isaguna dharaar kaaga tagay sow ma kala dheera

dhagta waaga ruuxii hurdada dhab uga soo toosay

iyo dhagarta kii ula tagaa sow ma kaladheera

dhalan dhool ninkii aad dartiis dhadida sii jidhay-

Isna dhededa aan kuugu iman sow ma kala dheera

Dhabtii aad fadhiday kii aad tiri dhinac kasoo jiifo

 

Isaguna dhulkii kaaga tagay sow ma kala dheera

Ninkaad dhaanki awrtaada tiri dhanac ka heryeeyso

Isaguna dhanqalan kaaga tagay sow ma kaladheera

Dheelmadkii habeenimo ninkaad bahal kadhowraysay

Isaguna dhankaaga uun larabo sow ma kala dheera

Dharbaaxad cadaawaha ninkaad dhinici taagnaatay

Isaguna ku dhaawacaya uun sow ma kala dheera

 

dharaartay xumaataba ninkaad dheeliga u diiday

Isaguna dhibtaadii ka talin sow ma kala dheera

Intaas oo dhan sida dhaanka owr dheega ma u saaray

Dhab ha loo hadlee sida dhalaal dheeh ma uga qaaday

Dhuuxeeda suugaanta iyo dhumucda mow sheegay

Dhedo roob ma noqotee sidii dhibicda mow hooray

Dhega taag sidiisii murtida dhidibka mow aasay

Xayliyo dhigiisii tixdii ma ugu dheeraaday

 

Dhirta geedahoo kale murtida ma isu dhaadhaafshay

Dharkaynkiyo cadaadkiyo sidii dhirindhir caanoodka

Ama qurac dhidhiban iyo maray qodaxdu dheeraatay

Dhuunkaalkiyo mareer iyo sarmaan amase dhiigtaarka

Dhamaan geedahoo idil intii xabagta soo dhiinsha

Ama miraha dhala ee dhulkii lagula noolaado

Dhilowyahanka jeer ay kutahay dhaaf ismaan orane

Ma dhameeyay hadalkaan wax badan dhararay sheegiisa

Maku dhaabay meeshii inbadan lagala dheeraaday

Dhoonyaha sidoodii xargaha ma ugu dheeraarshay

Dhafar iyo hogaan ma uga dhigay awrka dhaladiisa

Dhigihiyo aglooshii udbaha dhinaca mow saaray

Nikii dhowrayoow hadalku waa kaan wax kuu dhimine

Dhug uyeelo maansada aday kugu dhacaysaaye

 

Sharaxa erayga ” Xayle” = SuldaanAxmedWardheereXayle

” Dhegataag”Waa Abwaan JimcaaleDhegataag

 

Waa  Hal abuurkii

Yaxye Xaashi MaxamEd

asad75love@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!