Gabaygii Labaad ee Silsilada Sallaamaley iyo Siinleeyda Cusub‏

by Yahye | Sunday, Apr 1, 2012

JAWAABTII  SALLAAMALEY  IYO

ABWAAN KHALIIF FAARAX XAYIR

 

Gabaygan oo ah Gabaygii Labaad  ee Silsilada siinleeyda cusub ee  Sallaamaley  magaciisa waxaa la yidhaahdaa  Samadoon  Gabaygan oo jawaab u ah gabaygii hore ee Sallaamaley uu soo tiriyey saaxiibkay (Xasan Abiib Faarax) oo ka hadlayay  Hanaanka iyo horumarka  iyo dhibaatooyinka  si guud iyo si gaaraba  Labada Gobol ee Somalia iyo Somaliland ayaa  waxaan jeclaystay inaan si dhexdhexaadnimado ah inaan  uga jawaabo  sida aniga aan u arko inay  saxantahay  ama  ila qurux badan.  marka kale silsiladani maaha mid  bello abuura,  maaha mid  xuma raadis ah, waxaa loola jeedaa  in  dhalinta soomaliyeed ku soo gudbiyaan dareenkooda Hal- abuur iyo  suugaantooda cusub iyo inay noqotay albaabka wada hadalka iyo is fahanka,  Dadka ku hadla af soomaaliga  Silsiladani maaha (Guba)  waxaa ka mamnuuca magac beeleedka  iyo aflagaadada  qaawan ee shaqsiyaadka iyo maamulada balse  maamulada  jira  haddii ay jirto dhaliil dhab ah waa loo soo jeedin karaa  waana laga doodi karaa mahadsanidiin  waana kan Gabaygii Samadoon :-

 

SAMADOON:-

Xassanoow salaan wacan guddoon, sooryo iyo deeqba
Suugaanta waad tirin taqaan, sadarka maanseede
Anigoon siyaadana ku darin, sadarna aan dhaafin
Siinlaydii aad nagu xidhaan, saaka furayaaye
Su´aalahaad na waydiisay baan, saafayaa idile

Jawaabaha hadaan seeginoo, siiyo marinkooda
oon saxo waxaan sugayo waa, sooryadaad tidhiye
Salli iyo dermiyo waa kalgacal, sacab tumkaagiiye
Waxaan sugayo waa sacab mashxarad, ubaxyo saarkiiye
Sallaamalay jawaabteedii hoo, waanigan sida´e.

Sooyaalka taariikhdu waa, noo silsilad dheere
Saban hore waxay soo mareen, idilba soomaali
Usifaysay ruux waliba, suu doonayee rabo .


Hayeeshee masoo gaadhin ani, bari samaadkiiye
Sebi baan ahaa hooyadii, dhabarka saartaaye
Sintay igu sidaye ma anigaa, joogay silicaaba
Saxariirta aad sheegtay iyo, saban abaareedka
Markuu saancadaaluhu bulshada, saafay hilibkooda
Siday wax udhaceen iyo sidii, shacabka loo laayay
Sooyaalka waan ka akhriyoo, heley sirteedii
Soomaalidii gumeysiga rabtaa, Sababay ciilkaase
Haddii aan saf noqon layn marnaba, nama dul seexeen
Inta uu na kala soocay buu, soohdin noo dhigaye
Dhulkuu saatir nagu beerey buu, yeelay suu rabaye
Sideetaniyo Sanad gaw ah baan, silic kunoolayn
Indhihiisa sebi baan xornimo, saarin waligiise
Gumaysiga markaan saarnay ee, siibnay calankiisa
Sida kuma samrine surin ayuu, noogu soo jiraye
Soomaali laba gobola baa, heley sedkoodiiyee
Seddexdii maqnaa soo ceshaan, sugaynay maantaase
Hayeeshee sidaa maysan dhicin, mana ay suuroobin
Saadaashii aan maaganayn, seegnay idilkeen

Siduu doono yeelaan marnaba, abid wax seegeyn
Soortaan cunayniyo hadday, tahay sidaad doonto
Waxaan samada laga yeelinoo, laga saxiixaynin
Sahal laguma helo xaajadaan, saatir laga tuugin

Markii uu siraadkii midnimo ,gaadhay samadoo dhan
Sareedada markaan gaadhnaye, saracu noo beermay
Soomaaliyeey toos markuu, qaybay sebigeenu
Waa tii belada lagu saliday, idilba soomaali
Waatii sokeeyuhu is dilay, seedi xididkiise
Waxaan naga sal  guurayn qabiil, soo jiroo dhicine
Saami qaybsi beeleed haddi, laguba suureeyo
Siyaasadi xumata marnaba, waanay soconayn

Somaliland horumarkiyo, samaha guusheeda
Socodkay dhaqaaqdiyo sidii, nabada loo seesey
Soomaali magaceedii bay, sare u qaadeenee
Waan soo dhowaynoo waxaan, saaray madaxaase
Hayeeshee sinjiga aan nahiyo, magaca soomaali
In siyaasad xumidii la saxo, waa sidaan rabo´e

Oo aan saf noqonoo is cafino, waa sidaan rabo´e
Sadrigoo la  xaadhaa runtii , waa sidaan rabo´e
Sokeeyaha midowgiis runtii, waa sidaan rabo´e
Isku soo noqdoo wadajiraan saaxiib leeyahaye
Su´aashaadi ma uheley jawaab, oo ma saxay saaka
Mise seegeyoo anigu waan, dhaafay samaheeda .

Waxaa  tiriyey

Khaliif Faarax Xayir

sarahaye@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!