Gabaygii Lixaad ee Silsilada Sallaamaley Sirdoon‏

by admin | Sunday, Apr 8, 2012

Gabaygii lixaad sirdoon ee silsilada sallaamaley

Gabaygii sirdoon ee silsiladda siinleyda cusub oo la magacbaxday “sallamaley” ayaan ayadana ku magacaabay “sirdoon” waxa waxa ey ka hadlee inta badan waa wax sir ahaan u dhacaa, marka kolley silsiladdani waxa ey tahay iyo waxa loola jeedo kulli waxaa horay uga hadlay abwaanada marka waxba yaanan ku dheeraan waa maansadii sirdoon ka bogasho wacan: fg: haddaba aniga waxaan ahay qof bin adam ah waana qaldami karaa waxaa qalad ah oo ku jira maansada waa la iga saxi karaa. intaa kadib waxa aan ka afeefana in gabayga micnihiisa aan si kale loo fahmin siiba marka uu wax sifeynayo haddabba si aan taa uga fogaado waxaan sii sheegaa gabayga dhexdiisa cidda lagu sifeynaya, haddaba cidda uu gabayga badankiisa sifeynayaa waa dhaqamada ey somalida kula dhaqmaan waxa loogu yeero “beesha caalamka”, waa hadda iyo bogasho wacan.

1. Sa,da gabayga malmahan ma curin, waan ka saahidaye

2. Surun aan u maro baan la aa, sowtka maansada e

3. Siinleyda nimankii furoow, iga salaan hooda,

4. Anigoo sidkaha maalayoo, jooga sabadeyda

5. Anigoon sameyn maanso iyo, sadar qoraal toona

6. Sadexleyda anigoo iska suray, siidka gurigeyga,

7. Sallamaley markii ley furaan, saaqmay idilkeeye

8. Samadoon markaan sii aqriyay, waanba salalaaye

9. Saamax goortaan soo gaaraybaan, soohay mireheyga,

10.Sikastoo bulshada loo sardhabay, kala samaan weyse

 

11.Saxariirta taallana indhaha, siiyi karin meysid

12. Qalbiguna suaal buu qabaa, uu la salalaahe,

13.Dhaqankeennu saan maahinoo, wuu sarreyaahe

14.Diintuna kasii saaidoo , saatan oran meeyse

15.Wax unbaa nakala soocayoo saatan noo dhigaye,

16.Sidigtaada maandeeq haddey, suulka kugu tuurto

17.Ood seef usoo qaadatood, sibirta aad gooyso

18. Sax miyaa middaan waa suaal, igu sal dheereede?

19.Sikastaba ahaatee markii, samihi aafoobay

20.Ooy sii socdeenooy tageen, kuwii sidaa yeelay

 

21.Sifihii kasoo baxay ayaan, kuu sawirayaahe,

22.Wax dhanbaan sidii soof anbaday, soconnay duurkaase

23.Wax dhanbaan sidii sabi qandhaday, sillic ilmeyneynay

24. Wax dhanbaan sidii siigo bidi, kala sabbeyneynay,

25.Wax dhanbaan sidii neef la solay, dheraga saarneyne

26.Wax dhanbaan sidii sidig irmaan, samo u ololeynay

27. Wax dhanbaan sidii suuq xagaay, kala saloogneyne,

28.Wax dhanbaan sidii seeri dhacay, kala socdaaleynay

29.Wax dhanbaan sidii saxal la maray, samaha diideynay

30.Wax dhanbaan sidii labo saf cadow, seefa tumaneynay,

 

31.Wax dhanbaa sidii soof cideed, nala sakeynaaye

32.Wax dhanbaa sidii ari sanbabay, sabada naalnaalay

33. Wax dhanbaa sidii soor la tumay, nala sankeynaaye,

34.Wax dhanbaa sidii deeradii, siriq naloo aasay

35.Wax dhanbaa sidii seymo roob, nalaku soofaaye

36.Wax dhanbaa sidii saca lo,aad, suuqa nala geeyay,

37.Wax dhanbey samaan doonayaa, nagu siraayeene

38.Wax dhanbey sun noosoo dhigeen, xeebta sarraceeda

39.Wax dhanbey saxiimado dhigteen, saaxil badeheenna,

40.Wax dhanbey adaan kula socdaa, nagu sabaayeene

 

41.Wax dhanbey saciim been ah iyo, golo sameeyeene

42.Wax dhanbey sarqaanbey qabaan, nagu saxxiixeene,

43.Wax dhanbey sidii beer la solay, nagu saxxuurteene

44.Wax dhanbey sarbida nala dheceen, sumac la aaneede

45.Wax dhanbey sujuud nagu dileen, saahi ma aheyne,

46.Wax dhanbey sidii saxarihii, nagu socdaaleene

47.Wax dhanbey sidey doonayaan, naga sameeyeene

48.Wax dhanbey samaha muujiyeen, sixirna aaseene,

49.Sadex igu wallaahiye iney, samehen dooneyne

50.Si bal aad u fahantaan micnaha, hadalku waa siiqe

 

51. Si yar iila eeg sadarradaan, soo socdaa furiye,

52.Somaliland sidan ognahay, waa dal saafiyehe

53.Sanadabey sugaayeen iney, suginta qaataane

54. Aqoonsigaan sugaynay mudada , wali ma suurtoobin,

55.In safkeenna laga jeedo waa, haddal saluuglaahe

56.Suudaantii doorraad siibatey, hora ka siiyeene

57.Maxaa sababay soomaalidaan, samaha loo diiday?

58.Mar haddeyba saa noqotayoo, siba naloo diiday

59.Safkii kalana socon waayayoo, sixirkii saameyey

60.Sow inaan innagu dib u saxnoon, wada sugnaa maaha?

 

Waxaa Tiriyey

Abwaan Cilmi Axmed Faradheere

FG : Fadlan waxii Tafaasiil ah iyo warbixin ee ku saabsan Silsiladan waxaad kala soo xidiidhi kartaa haddii aad doonayso inaad ka soo qayb gasho ama u baahantahay inaad hesho Gabayadeeda Ab Xasan Faarax Abiib(xasandaaci) daaci77@hotmail.com Ama Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr 1977@hotmail.com Mahadsanidiin dhamaan

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!