Gabaygii Saamax (Gabaygii Saddexaad ee Silsilada Sallaamaley )

by Yahye | Wednesday, Apr 4, 2012

Silsiladii Sallaamaley

Gabaygani waa Gabaygii Saddexaad  magaciisuna waa (Saamax)ee Silsilada Siinleeyda cusub ee  Sallaamaley oo uu daahfuray Abwaan Xasan Faarax Abiib ( xasan daaci) Silsiladdan oo loogu talo galay inay Hal-buurka cusub ku soo bandhigaan  aqoontooda suugaaneed korna loogu qaado tayeynta iyo kor u qaadista hidaha iyo dhaqanka iyo  Suugaanta Soomaaliyeed silsiladan oo ah mid u dhaxaysaa  kuna saabsan dhexdhexaadinta Labada Gobol Somalia & Somaliland oo fekerkooda siyaasadeed maanta si aada u kala duwan yahay  balse dad ahaan isku midda , iyadana oo aan wax xumaato iyo aflagaado iyo nacaybtoona ku jirin  in hal-abuurku soo bandhigo qaabkii laysugu soo dhawayn lahaa ama loo dhexdhexaadin lahaa sidii horeba abwaanadii hore u sheegeen Xasan Faarax iyo Khaliif faarax maaha silsiladani (Guba) mana aha mid  loogu talo galay inay dhibaato iyo dhaqan xumo abuurto maaha silsilad qabyaaladeed ee waa silsilad ku salaysan dhaqankeenii asluubaysnaa ee suugaaneed waxaana  ku garnaqsanayaa hal-abuurka  afkaaraha kala duwan qaba Haddana Waa kan gabaygii saddexaad ee Saamax , Waxii  qalad ah waan ka cudur daaranayaa waana lay sixi karaa  bogasho  wanaagsan:

1.  Siinleeyda gabay waanigaan , saafin waayahane
2.  Waanigii ka saahiday murtidaan, saamigaw helaye
3.  Suuradaha quraankiyo digriga ,  galay safkoodiiye
4.  Waanigii  ka soomee ka tegay ,sadarradeediiye
5.  Sadrigayga waa taan ka jaray,  kala sifaynteede
6.  Suugaan gobeediyo ka hadhay, gabay samayntiise
7.  Soohdinteeda anigoo ka baxay, sababo awgooda
8.  Siinleyda xasan soo tirshaa,  saaqday dhimirkiiye
9.  Su`aalahan Sallaamaley siddaa, sababay awgoode
10.   Murti  seexatay toosiyeen, salashay goortaase
11.   Bal aan  sariyo hoosba u dayoon,  samaha faalleeyo
12.   Bal aan sugo samaankii dhiciyo, idilba sooyaalka

13.   Siduu yidhi abwaankii horee, dhigay sifaadkeeda
14.   Khaliif muusan seegine,  isagaa saafay idilkeede
15.   Subaxduu gumaysigu yimiyo, sabada soomaali
16.   Ee uu saldhigay ciidda iyo  ,  sin iyo baarkeeda
17.   Ummad aan wax kala soocinoo , jirin wax saameeya
18.   Oo suuradiyo muuq ka siman, sawdka hadalkooda
19.   Sinji iyo afkiyo sawraciyo, soohdin  qudhahaata
20.   Oo seere iyo kala lahayn,  xadadkan loo soocay
21.   Oo sayma keliyaata iyo, sabo midaynayso

22.   Safka reer jabuutiyo ilaa, saylac udubkeeda
23.   Sabarada  hargaysiyo ilaa, soofka harar gaadho
24.   Silsiladdeena golis iyo ilaa,  sool badhtamaheeda
25.   Sanaag iyo dhul bari iyo ilaa, saaxil guradeeda
26.   Salka mudug tan xeeb sariyo,  sabada ceelbuura
27.   Hiiraan so’deediyo ilaa, jowhar sararteeda
28.   Baydhabo sinteediyo  ilaa, sadhayga baardheere
29.   Sarta xamar sablaaliyo ilaa, suufka laga gaadho
30.   Soomaaliyoo mida raggii, soohdimaha keenay
31.   Haddii saban xumaad uu dhaciyo, suluf colaadeedku
32.   Isa-seeg yimaadiyo  dagaal, laysku saranseersho
33.   Sama iyo  dulqaadbaa walaal, lagu sargooyaaye
34.   Saamaxaa la qaataa walaal, guusha sahalkeede
35.   Ha saboorin  sida ay rabaan, saancadaaluhuye

36.   Abwaanoow adaa siinka furay, iyo sallaamleeye
37.   Su’aalaha  adaa soo diroo,  sugay  jawaabtoode
38.   Saxal sheegtayaa  iyo mar kale, sabab u yeeshaaba
39.   Sin u dadabtayaa  iyo mar kale, soodha kicisaaba
40.   Sooyaal qortaa iyo si kale,  wax ugu seertaaba
41.   Magac suubsataa iyo sumado, adiga kuu gaara
42.   Soomaaliweyntaan ahayn,  iyo sinaanteena
43.   Safkii aan lahayn iyo walaal, sawdkii keliyaata
44.   Salabkiyo awooddii shalay, cadow ku saydhaynay
45.   Wax ka suubban garan maayo oo, saaka aragnaaye!

46.   Sabigii la dilay iyo dadkii, xumuhu saameeyay
47.   Sarihii la gubay iyo dhulkii, sumucu naafeeyay
48.   Soodhkii  dalaandalay  raggee, jarayey seeddooda
49.   Safkaagii xumaan lagu simee, seefta lagu boobay
50.   Sabankii dhaciyo saymihii, ina siyaad geeystay
51.   Sedbursiga dalkani soo mariyo,  silica soo gaadhay
52.   Siyaasad xummadii bulshada siibtay xididkeeda
53.   Saqda dhexe waxii sallow dhacay ,uunka wada saaqay
54.   Sarkaal iyo aqoonyahan wixii,  gumucu saameeley
55.   Sodohdii wacnaydiyo gabdhaha, lagu safaadaayey

56.   Suldaamadiyo guurtida wixii , lagu surgooynaayey
57.   Safka culumadeenii wuxuu, sabab la`aan dooxay
58.   Sababteeda nimmankii lahaa, iyo sargooynteeda
59.   Subaxbay  socdaal kaga  baxeen, sabada soomaale
60.   Siyaadiyo  xertiisii sulleey, innaga guureene
61.   Sokeeyaha is nacay iyo gacmaha, laysku saydhaayo
62.   Samahaan xummaha loo rogiyo , saxalkan  guuraya
63.   Isa seega nagu soo socdiyo, kala sawaaraynta
64.   Dunidaa sidaasoo marnaba, abidka suulayne

65.   Waa siraad la marayoon lahayn,  sahan  ogaadaaye
66.   Saban waa barwaaqoo,  nabadda loo sedburiyaye
67.   Saban waa abaaroo , dhibkaa laga sinnaadaaye
68.   Saban waa colaadoo, dabkaa laysku sababaaye
69.   Qadarta sax iyo khalad lahayd, subaxba waageede
70.   Ha saluugin waayaha dhaciyo, tubaha sooyaalka
71.   Haddii saamaxnaa aad tidhaa, godobna ay suusho
72.   Sida aad rabtiyo  saami wacan, wada saxeexayno
73.   Suldaamada garta u dhiibaniyo, duubka samaheena
74.   Soomaaliyoo dhami hadday, sacabka soo taagto
75.   Samo iyo walaalnimo haddaan, kugu salaamaayo
76.   Sinnaba uma kala maaranne, sow aqbali maysid?!

Sharax: Xasan :Waa Xasan faarax abiib ( Abwaan xasan daaci)
Khaliif :waa Khaliif Faarax xayir:( Abwaan Khaliif)

Waa Hal-abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galay
Galayr 1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!