Gabaygii Sagaalaad Sasabodiid ee Silsilada Sallaamaley

by admin | Saturday, Apr 14, 2012

Gabaygii Sagaalaad  Sasabodiid ee Silsilada Sallaamaley

Gabaygan (Sasabo Diid) waa kii sagaalaad ee silsilad suugaaneedda Sallaamalay. Waxan salamaya dhamaan Abwanada da’da yar ee somaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan Xassan Daacad oo ah ninka isagu daah furay silsiladan…. Waxaan bogaadinayaa sida hore loo sheegay in Aflagaadada qaawan, magacyada qabaa’ilka, Siyaasiyiinta inta nool iyo intii geeriyootayba iyo wixii la mid ah ay reebban tahay inkastoo rayi kala duwanaanshaha aan la diidayn sidaan filayo balse ay ka qayb qaadanayso farshaxanka hanaan socodka silsiladda.

Kollay bani-adam ayan ahay, waxan codsanayaa waxii gef ah ama qadaf ah in lay saxo.

 

Gabay Sasabo Diid.

 

1.    Saddex saniyo dheeraad markaan, gabay ka soonnaaday

2.    Ee aan ka seexdaa malaha, igu saluugteene

3.    Waar nin yahaw ma kaa suulay baa, la i su’aalaaye

4.    Balse  sahanka meeshaan u diray, waa dhur sugayaaye

5.    Waxaan saadiyaba maalin baan, subag ka tuujaaye

6.    Sibraarrada u hoos dhiga muddaad, iga sugayseene

7.    Subciyoo xifdiya waa tix aan, saaka daabacaye.

 

8.    Anigoo ka saahiday murtida, ereyga suugaanta

9.    Ayuun bay Sallaamalay ka timi, aradka Suudaane

10. Wax la yidhi silsilad baa JINNAW, socota maansoode

11. Adaa gabay sameeyoo innaba, hadal ku seegayne

12. Kaalay oo bal say wax u wadaan, nimankan saadaali.

 

13. Sabadaad lahayd baa la yidhi, waa la saanyadaye

14. Wax la yidhi sac gudhan baa maqaar, lagu sidkaayaaye

15. Labaatan iyo kaw sano halkaad, sarac ku beeraysay

16. Ee seben xumaadiyo abaar,  aad u saxariirtay

17. Ee wadhaf u soohdee shinbiri, ay sal dhigi wayday

18. Ee diiday saxar inuu ku dhaco, saxalna uu taabto

19. Ha samaato mooyee halkaad, silic ka dhawraysay

20. Sarajooga mooyee rugtaad, seexashada diiday

21. Dhexda suunka aad ugu xidhee, soor u cuni wayday

22. Dhididkana u saydhee cadceed, solatay guudkaaga

23. Ee barar la saafmeen caguhu, daalna soconwayday

24. Markii ay samaatee Ilaah,  kuu sakhiray taada

25. Sawtan culimo kuu soo gashiyo, socoto waayeeli

26. Sawkuwan abwaanadi dhamaan, hadallo soo saydhay

27. Saw kuwan Galayr iyo Khaliif, saamax nagu baaqay

28. Faradheere sawkaan Sirdoon, Samo ka faallooday

29. Waxaan sahashataba laygu yidhi, sarakac oo fiiri

30. Somaliweyn ereyedeed, haatufkaa sidaye (Gabaygii XassanBulxan)

 

31. Waxba hadalka yaan sogordihine, saafay oo qalaye

32. Wax la yidhi dad kala saydhmay, oo kala sureer gooyay,

33. Oo sagaashankii kala tegoo, soodin kala ootay

34. Iyadoon suldaan talinayiyo, odoyo loo saarin

35. Oo sari se maayee ogahay, saymaha i gaadhay

36. Oo dabeed sedkii aan lahaa, xaalna la i siinin

37. Ayaa sacabka loo tumanayaa, soo dhawayn kale e

38. Oo Soomaaliya iyo landtii baa, laysa sudhayaa!!

 

39. Afartaa intaan siin ka deyay, maw cidiyo siibay

40. Siinkii aan ka qaadiyo miyaan, surinki waydaarshay

41. Saxarla’dii Hadraawiyo Aflaw, ma u sansaanyeelay

42. Salaan carabay  sifadii Qamaan,  ereyadii Saahid

43. Cabdilaahi Suldaan Timacadaan, cidi saluugayne

44. Dhoodaan sidiisii anigu, maw salaxay tayda

45. Sayidkii Taleex iyo sidii, raage ma u soohay

46. Sahal gabaygu iigama tagee, soodin ma u yeelay.

 

47. Waxaan leeyay soomaali waa, umad sokeeyaahe

48. Waa dad aanu saaxiibo nahoo, seesna wada naalle

49. Waa qoom sinjiyad ila ahoo, sumad wadaagnaaye

50. Waa dad aan ka simanahay dhamaan, magaca soomaale

51. Sawd iyo af kuma kala tegsanin, sadarka diineede

52. Sunni baanu wada sheeganna, diinta saalixa e

53. Saatirkaa i oge waan jecelahay, inay samataayee

54. Waxaan samada uga tuugayaa, seben barwaaqeede

55. Dadku se waxanu kala saari Karin, laba siyaaboode

56. Siyaasadiyo sinjiga dhalashaday , kala sifaynayne

57. Soomaali anigoo ah oo, saydhin dhaqankaygi

58. Anigoo sax iyo maan fekeray, saancadana yeelin

59. Hadalkaygu waa saafan yahay, waana sarayaaye

60. Waa saluugay Somaliyeey, saad wax leedahaye

61. Dawladaan sameeyee walaal, calanka guud saaray

62. Sadrigayga kama go’in inaan, sahal ku dhiibaaye

63. Saf walaala inagoo ah oo ,  xumo is yeelaynin

64. Oo guudka somalinimo, sumadda diidaynin

65. Soohdin inaynu kala yeelanoo, saamaxna ahaano

66. Sidaasaan jeclahay oo rabaa, inaan samaynaaye

67. Saamaxaad hadaa naga rabtaan, iyo samaan waarta

68. Siduu DAACI leeyahay, ”walal iisug calankayga”

 

69. Sinaba uma kala maarmayaan, labada soomaale

70. Seben hore wixii dhacay dhamaan, waa la saxayaaye

71. Soo dhaweeya somaliland, samir ha qaateene (Ereyadii bulxan)

72. Hadalada sidaa ahi marnaba, ima solaayaane

73. Suubaasalaax iga walluu, soconayn shiikhowe

74. Mar i sire subxaankaan baryaa, inuu suryeeyaaye

75. Mar labaad sidii yeelahaan, sawd u dirayaaye

76. Sawjadii dudaa lagu yidhaa, saamax iga hooye

77. Sebi iyo caruur oo kalaay,  ii sasabayaane

78. Waryaan aniga soo laabo, kale saaka lay Odhanin !!

 

Curintii iyo Qalinkii Khadar Hassan Aden (Khadar Jini)

xaad_xaad@hotmail.com

Vienna Austria.

 

FG

Faalo: baydka ama tuducda sodonaad waxaan ula jeedaa Gabaygii soomaaliweyn   Baydka  69aad ilaa 71aad waa  tuducyo ka mida Gabaygii  8aad ee Soomaali weyn ee Abwaan bulxan

 

Sharaxa Erayada : Jinnow = Naanaysteyda

Galayr  iyo Khaliif iyo Faradheere Waa abwaanadii  Silsilada ka qaybqaatay

Iyo Gabayada ay tiriyeen  waxii aan  ilduufnayna  waad isoo waydiin kartaan  mahadsanidiin

 

 

OGG: Fadlan hadaad u baahantahay inaad ka qayb qaadato Silsiladan waxaad la soo xidhiidhi kartaa Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com & Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!