Gabaygii Sarreeye waa Gabaygii 7aad ee Silsiladii Sallaamaley‏

by admin | Monday, Apr 9, 2012

GABAYGA TODOBAAD SARREEYE WAA GABAY KA MIDA SILSILADA SALLAAMALEY

Gabaygani waa gabaygii 7aad oo ka mida Silsilada cusub ee dhawaan la daahfuray waxaana daahfuray Gudoomiyaha Golaha abwaaniinta Dalka suudaan Xasan Faarax Abiib (Xasandaaci) Abwaankan oo ah abwaanka suugaanta iyo dhaqanka xijinka u haya ardayda suudaan jaamacadaha ka baratayaa ayaa waxaa Sallaamaley Bilaabay waxaana kala qayb Galay Saaxiibadiisa Kala Ah, Khaliif Faarax Xayir iyo Cabdiraxiin Hilowle Galayr Markaan arkay halka xaal marayo ayaan go`aan ku gaadhay inaan anigu wax ka idhaahdo kolay bani aadamku waa kala feker duwan yahay laakiin layskuma colaysto kala feker duwanaanshaha, Silsiladan sida Gabayada Hore, Sallaamaley, Samadoon, Saamax ku qeexan, Maaha Silsilada Abuuraysa Xasilooni daro ee waa Silsilad xal iyo xaq raadis ah shaqsi kastaana wuu u soo ku gudbisan karaa afkaartiisa iyo aaraahdiisa Bogasho wacan Gabaygii Sareeye

1. Xasanow sallaamaley haday noqotey, suur yeedhey

2. Saxaabkiyo daruuraha haday, samada sii dhaaftay

3. Saraakiil abwaanna ah hadaad, siidhi ugu yeedhey

4. Anigana salaan iga gudoon, saaxiib waa nabade

5. Sarbeeb iyo sireysiba anoon, hadalka daah saarin

6. Aan ka siibo saabkuu lahaa, waa sutuxantiiye

7. Aan sifeeyo sogordooyinkaad, siinley ugu yeedhey

8. Gabaygaaga aad soocdayee, soohday mirihiisa

9. Ragbow saray jirkoodii Abwaan, seedda hilibkiiye

10. Seef iyo ableey baad rag badan, saartay gibil koode

 

11. Ragbuu saaqay soowdkaad tidhoo, dhimirku suuraaye

12. Ragbaa sugaya sey noqoto uun, saacad iyo layle

13. Adna sheegtay sey kula tahoo, reero kala saartey

14. Sokeeyaha dadkeenaa ahee, kalaba sooc meynin

15. Sinjigiyo afkooduna mid yahay, sugaya towxiidka

16. Soohdin iyo xuduudiyo, hadaad seero kala siisay

17. Sirwadaag dadkeenii ahaa, kala sifeyneysid

18. Sumaddii gumaystaha hadaad, dib ugu saameeshey

19. Anoo gabayga seetana kuxidhin, suunna kaba dhaafey

20.Ma waan sixin ujeedkey leheyd, salawga heestaadu?

 

21. Ma waan sarin Sallaamaley murtida, seeska uga duugan?

22.Saaxiib khaliif iyo galayr, suge jawaabtiiye

23. Surinkiyo dariiqii rumaad, saare taladiiye

24. Anna saa’id kuma aanan darin, sadarradoodiiye

25. Nin sabraa sedkiisuu helaa, soorta calafkiiye

26.Inta sulubka eebada ladhigo, waranna-soofeyta

27. Odayaal sawaabkiyo yaqaan, saami-kala-siinta

28.Wefdi sare suldaan iyo malaaq, boqorro maa saarno

29.Tubihii sabaan hore lamarey, amase sooyaalka

30. Ma saxnaa wixii dhacay Abwaan, sababay seegseega?

 

31. Ma nidhaah cafiyo saamaxnaa, oo sadriga maydhno ?

32. Suuqyada hargeeysiyo ilaa, saraha xeebteeda

33. Ma-sudhnaa sarreeyaha qurxoon, guudka samadeena?!

 

Waxaa Tiriyey

Abwaan Cabdalla maxamad shekh( Abwaan BBC)

FG: Fadlan hadaad doonaysid inaad ka qayb qaadato ama waxii talo iyo tusaale ah eek u saabsan hanaanka silsilada Sallaamaley waxaad noogu soo hagaajisaa Emailaydan galayr1977@hotmail.com iyo daaci77@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!