Gabaygii Shanaad ee Silsilada Sallaamaley Siinleeyda Cusub‏

by admin | Sunday, Apr 8, 2012

Gabaygii (Saara Calankeena )

Gabaygii Shanaad Ee Silsilada Siinleeyda Sallaamaley

 

Gabaygani waxuu mid yahay  Silsiladda siinleeyda ee Sallaamaleey Silsiladan oo  sidii hore Abwaanadii iyo Hal-abuurkii hore u qeexeen ku salaysan qadiyada Somalia iyo Somaliland labada gobol  ayaan anigu waxaan taaganahay in nahay isku mid lana gaaray waqtigii aan dhamayn lahayn  khilaafaadka yaryar ee na dhex yaala nabadana la hirgelin lahaa bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay  joogtana loo walaalayn lahaa .

Gabayadii hore aniga oo tixraacaya  su,aalana wata  ayaa waxaan anigoon nina  fekerkiisa mucaaradayn  eedna u soo jeedinayn ku soo bandhigayaa  halkan  dareenkayga shaqsi ahaaneed iyo sidda aan xalka u arko  sidii horeba loo sheegay Gabaygaygu maaha mid wata nacayb iyo xumaan balse waxuu ku salaysan yahay  keliya fekerkayga iyo sida aan jeclahay xalkana  uu arko , Haddaba  dhalinyarada Hal-abuurka ah ee noo daahfurtay silsilada iyo kuwa kale ee ka soo qayb geli doonaba  waxaan leeyahay gacmo furan  waa kan Gabaygii la magax baxay (Saara Calankeena )

 

1.   Sannadkoo sagaashana bishoo, Sodonki maalmooda

2.   Subax axada siddeediina tahay , Salowgi noo yeeray

3.   Illaa saakadaan waa socdaa, Sir iyo xaalkeede

4.   Alloo loo sabura waxaan aheyn, Sacabadoon taagno(so sax)

5.   Si kaloo la yeelaa majiro, Sugidna waa liide

6.   Haddaan leysku saacidin wanaag, Sariyo hoosoo dhan

7.   Ooy qaar ka seexdaan ma jiro, Cidaan sugeeynaaye

8.   Hadduu sebenku kuu dhalay adiga, Nabad ku soofaysid

9.   Nimanbaan sariitooda tegin, Saacad iyo leyle

 

10.Hadduu suluf abaareed ka dhaco, Sabada aad joogto

11.meeluu seeymo roobaad ku da’ay, Sahanku soo sheego

12.safkaagiina ay wada rartaan, lana socdaalaayo

13.Sabigaanan saqaafada lugtiyo , gaarin socodkaaga

14.Iyo soofka gurigaaga iyo sahayda kuu taalay

15.Haddii awrti aad saari layd, Bahalku sooryeysto

16.Ninki kaaga siibtiyo midkii, Saaxib kula jooga

17.Labadaa si beey kala yihiin, mana sinaadaane

18.Soomaalidaa koofureed ruux, ma saacidine

19. 

20.Sulufkiyo colaadihi lagalay, Sebenka dheeraaday

21.Inta saban abaareed dhacdiyo, Silici loo hoobtay

22.Inta uu sanweynuhu ku dilay, bii`em selelaaya

23.Inta eey sanduubtii qaleen, Suufi iyo waalid

24.Inta sacaba hoorsaday kufaar, Siiyay nabadiino

25.Inta saaqidiintii cuneen, Sebenki waarloorka

26.Inta baahi solatee magliga, suuxay dabadeedna

 

27.Waxeey saaka joogtaa inaan, Saarno calankiiye

28.Oon sare u taagnaa shantaan, Saami u laheyne

29.Sacabada inoo tuma dhammaan, Magaca Soomaali

30.Suuqyada Hargeeysiyo burcoo, Saara calankeena

31.Oo seylac howdiyo ka sura, Tan iyo Sooljoogto

32.Safafkana ha loo galo inaan, Suluto raacsiino

33.Soomaaliyeey toosa hees, Sarakacaay qaadno

34.Niyadana siyaabihi la maray, Saafi uga yeelno

35.Oon saliida noo soo baxda, Seeyladaha geeyno

36.Iyo salaaxa beeraha laqoday, saracu buuxdhaafo

37.Oo sibraarka caanaha ku jira , subagu heehaabo

38.Oo sicirki soo baxa sinnaan, Saami ku lahaano

39.Oo sidda Sucuudiga Gabdhuhu, Sicirku qaaloobo

40.Oo saliibiga madoow, Sabada noo xaaqo

41.Oon bidaaqad siinoo ladhoho, Sanadki soo doono

42.Oo seben barwaaqaad la halo, Sarakac aan guurin.

 

 

Waa qalinkii iyo Hal-abuurkii

 Abwaan Axmed Xaayoow

 xaayoow09@hotmail.com

 

Haddii aad doonayso inaad ka qayb qaadato Silsiladan  Sallaamaley  ka qayb qaadato Fadlan la soo xidhiidh   Cabdiraxiin Hilowle Galayr  galayr1977@hotmail.com  ama Ab Xasan Faarax Abiib (xasandaaci)

Daaci77@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!