Gabaygii Sibraar waa Gabaygii Afraad ee Silsilada Sallaamaley

by Yahye | Friday, Apr 6, 2012

Waa jawaab aan ka jawaabayo 2dii gabey ee labada abwaan iska daba mareen (Ab. Khaliif faarax xayir & Ab. C.raxiim Hilolwle Galayr ) kuwaas oo isku fikir ama isku dhinac kasoo wada jeedey , Aniguna  si habsami iyo hufnaan badan aad ka daalacan doontaan iney ku  dheehantahey ayaan u bayaamiyey aragtideyda ka duwan labada abwaan ee qadiyadda labada gobol kusaabsanaa ..
gabeygina wuxuu u dhignaa sidan :-

Sibraar qoyay !

1.              Khaliifow sallaamaley haddey ,saaqdey rubadkaaga
2.              Hadal waa sarbeeb iyo midkii, saafanee  qalane
3.              Qofkastana waxbuu suuradeyn , sawdka maansada’e
4.              Soomaali oo idil dhamaan , silica soo gaadhey
5.              Surma-seegtadiyo xaajadaa , loo sal-dhigi waayey
6.              Sal-babakha dadkeedii  ku dhacey , ee lakala-saydhmey
7.              Dawlad suga sidii loo lahaa , samirki dheeraadey

8.              Sabigiyo caruurtii la sidey , salalki uu gaadhey
9.              Siqiir iyo kabiir wada socdiyo , dumarki saamoobey
10.            Badda lagu sabbeeyiyo la marey , saxarahaa qaawan
11.            Waa mid laga sinnaadee , adaan kuu sawirayaaye
12.            Misna sadarkan maanseed  cabdow , saaka gabeygeygu
13.            Sooc wuxu uyahey xaajo aan, sugayey waa dheere
14.            Balaan saabka guudkiiisa iyo , saanta kala saaro
15.            Balaan siiyo saadaal la hubo , sogordoh waayeel dhe .

16.            Sallaamaley waxey sahan u tahey , reero saba yaalla
17.            Soohdin iyo xuduudana lehoo , seero qudha daaqa
18.            Sumad iyo calamado lehoo , soofna wada yeesha
19.            Saaciyo barwaaqada dagoo, saatir ku arsaaqo
20.            Haddey saban abaareed galaan , kala socdaaleynin
21.            Isku sira , iskuna saafiyoo, kala sagsaageynin
22.            Isku saami gooyoo mar qudha, aan sawaxan yeelan
23.            Dadka kale intay seef affeyn , nabadda saadaalin
24.            Dhibta lagu sameeyana liqoo , ceebta saru-qaadin
25.            Aargoosi aan sharaf ka sugin, oo sadriga xaadha.

26.            Siinley khaliifow haddaan, soohey xadhigeeda
27.            Adna aad sidoo kale jawaab, saxa kusaameeshey
28.            Suugaantu waa subag idaad , soor macaan badane
29.            Marna waa suniyo boog naflaha , saaqda oo madhine
30.            Waa seef afweynoo xumaha, saaciddoo korine
31.            Marna waa sareediyo bustaan, lagu dul seexdaaye
32.            Innagoo samaha kaashannoo, xuma kasoomeyna
33.            Saban waliba xaajuu wataa , sagal  ileyseede
34.            Dadka haw sinnaatee ha xidhin, suurka la afuufey
35.            Hayska salaqsatee seetadiyo, suunka ka ilaali
36.            Salllaamaley ayaan ula baxee , yaana laga siiban !

37.            Galayroow salaan iga guddoon , saaxiibnimo gaara
38.            Haddaan saafo suugaantaniyo , siigadaan kiciyey
39.            Silloon  iyo waxaan jirin ma  aha , sawracaan tabine
40.            Sahwi  iyo saqiifnimo ma aha , sabi hadaaqiiye
41.            Suubaa-salaaxiyo  ma aha , laab-la-sara-boode
42.            Sasab iyo baryana maaha xaajadani, iyo sabaaleyne
43.            Sandullana ma qaataan nafluhu , sidey ahaataaye
44.            Sagarooyinkaan Ootay iyo , sarabka aan teedey

45.            Sagan iyo waxaa dhaley  dakano, saban abaareede
46.            Saranseerka aan soo maraan , sakatinaayaaye
47.            Midnimadi saqiirtoo cabdow , calanki siigowye
48.            Sannad-guuradiiisiii dhacdoo , waa sibraar qoyaye
49.            Sakaraadkii mawdkaa hayoo , waan saluugsanaye
50.            Saan-cadaaale gaalkii markaan , siibney calankiisa
51.            Saylaan xornidoon markaan ,  wada saqaafeyney
52.            Safar dheer ayaan soo galnoo, abid la suureyne
53.            Anigoo sadkeygii heloo , dawladnimo seesey
54.            Safraddiyo kuleylkiyo dhibtii , gaajo  saxariirsan
55.            Sanduuq kuma xidhnaani markaan , sawdka koru qaadey
56.            Soomaali-waynbaan rabaa , saafi ugu baaqey
57.            Sanqadhiyo sawaxankii baxaa, soley nafteydiiye
58.            Soo dhaweynti aan sugayey iyo , waayey samihiiye
59.            Sadrigaan ka qoonmoo qalbigu , seexashana diidye
60.            San-ku-neefle aadmiyi markale , ima siraayaaane
61.            Balse saamax qaatoo walaal , saaka waa nabade
62.            Sidaydaa haddaan samo ka dayey , ii sug calankeyga !.

 

Sharraxaad:-
·         Sagan = dakano , Aano
·          Sakati= baqasho , kayr kayr
·         Saylaan = dhaqdhaqaaq , weedhaan
·         Saqaaf = socdaal

Curiye:- Ab. Xasan  Abiib  Faarax  (Xasandaaci)

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!