Gabdhihii Soomaalida ee lagu dilay Canada oo la aasay

by wadani | Monday, Dec 19, 2016

Ottawa : HN :- Saraakiisha Booliska dalka Canada ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Muscab C/raxmaan oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay dilka gabdho walaalihiis ah oo ka dhacay gurigooda uu ku yaalla Magaalada Ottowa.

Booliska ayaa sheegay in Muscab uu is adkeeyay markii ay ka qabanayeen meel u dhow gurigooda oo uu dilka ka geystay, waxayna intaa ku dareen inuu dhaawac yar soo gaaray lana dhigay isbitaalka.

Muscab ayaa shalay oo Axad ahayd diiday inuu tago Maxkamadda, waxaana isaga oo ka maqan ay Maxkamadda ku xukuntay xeerarka 1aad iyo 2aad ee dilka, kuwaasoo ay ka mid yihiin in Muscab lagu sameeyo baaritaan dhanka Maskaxda ah, iyadoo ay wararku sheegayaan in Muscab uu la’yahay dhimirka.

Asma C/raxmaan oo 29 jir aheyd & Nasiibo C/raxmaan oo 32 jir aheyd ayaa Meydadkooda laga helay gurigooda oo ku yaalla jidka McCarthy habeenkii Jimcaha, waxaana dilkooda loo adeegsaday Toorey.

Soomaalida ku nool magaalada Ottowa ee dalka Canada ayaa ka argagaxay dilkan wiilkan Soomaaliga ah uu kula kacay gabdhaha la dhashay.




Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!