Gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM oo lagu weeraray Shabeellaha hoose

by admin | Friday, Nov 28, 2014

Sh/hoose : HN :–Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in gadiid ay la socdeen ciidamada midowgga Africa AMISOM lagu qarax miino lagu weeraray deegaan lagu magacaabo Ambareesa oo aan wax badan ka fogeyn degmada Baraawe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaadiidka oo maraya waddada Baraawe iyo Ambareesa isku xirta lala beegsaday qarax miino, iyagoo sheegay inaysan ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo ahaa mid xooggan.

“Gadiidka waxaa lagu weeraray miino nooca dhulka lagu aaso ah, Qaraxu wuxuu ahaa mid aad u xoog badan, mana ogin khasaaraha ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta.

Inkastoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxan lagu bar-tilmaameedsaday ciidamada AMISOM ayaa hadda Al-shabaabAMISOM_OO_LUGEYNEYSA-620x330 waxay bogaga taageera ku qortay in qaraxaas ay ku burburiyeen mid ka mid ah booyadaha ciidamada AMISOM, ayna ku dileen askar.

Ma jiro hadal kasoo baxay taliska AMISOM oo ku saabsan qaraxa gaadiidka ay wateen ciidamadooda lagula beegsaday deegaanka Ambareesa, balse ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM lagu qariyo gobolkaas.

Degmada Baraawe ayay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu horraantii bishii hore kala wareegeen xoogagga Al-shabaab oo muddo lix sannadood ah ay u ahayd saldhig weyn oo ay gobolka Shabeellada Hoose ku leeyihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!