Gadiid ay wateen Al-shabaab oo gantaal lagu dhuftay

by admin | Monday, Aug 17, 2015

Muqdisho : HN :–Wararka laga helayo degmada Masagawaa ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Xalay ay Diyaarado Dagaaal Duqeymo u geysteen Gaadiid ay wateen xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaare ka dhashay duqeyntaas.

Qof ku sugan  deegaanka oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay Duqeyntu ahayd mid xooggan ay arkeen gaadiid ay xoogag ka tirsan Al-shabaab wateen oo ay khasaare xooggan kasoo gaartay.

“Xalay degmada waxaa ka dhacay duqeyn culus oo dhulka oo dhan nala ruxday, kuwaasoo lala beegsaday afar gaari oo ay wateen Al-shabaab-Somaliaxubno ka tirsan Al-shabaab oo ka yimid deegaanka Galcad,” ayuu yiri Goobjooge magaciisa qariyay oo Qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan degmada Masagawaa.

Sidoo kale, Goobjoogaha ayaa sheegay in saddex ka mida ah gaadiidkaas ay isla goobta ku burbureen, mid kalena uu baxsaday, wuxuuna sheegay in aanay ogaan karin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

“Baabuurtii la duqeeyay saddex ka mid ah ayay khasaare xoogan soo gaaray, kii afaraadna wuu baxsaday. Xoogag ka mid ah Shabaab ayaa goobta oo dhan isku hareereeyay dadkana shacabkana waa loo diiday inay tagaan, lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay, balse waxaan maqlay in maydad iyo dhaawacyo meesha laga qaaday,” ayuu Goobjooguhu intaa ku daray.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in Gaadiidka Al-shabaab oo ka Ambabaxay fiidnimadii xalay Degmada oo ay shalay soo gaareen lagu duqeeyay deegaan Degmada u jira 2-km oo lagu magacaabo Baabuur-gadoon.

“Ma jirto cid sheegi karta cidda gaariga wadatay, waxaanse u maleynaynaa inay ahaayeen saraakiil, cid walba oo isku dayda inay aaddo tuulada xabbad ayaa lagu soo ridayaa… wax khasaare ah oo shacabka soo gaarayna ma jirto,” ayuu ku daray hadalkiisa Goobjoogahan magaciisa qariyay.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta xalay ka dhacday duleedka degmada Masagawaa ee Gobolka Galguduud, kuwaasoo la sheegay in gaadiid ay wateen xubno ka tirsan lala beegsaday.

Ugu dambeyn, Goobjoogaha ku sugan degmada Masagawaa ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u kacsan tahay, Xoogagga Al-shabaabna ay Gudaha Degmada buuxiyeen, iyagoo kala eryaya dhalliyarada meelaha qaarkood isugu imaanaya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!