Gadiid gargaar sidda oo gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

by admin | Friday, Jan 2, 2015

Buula-burte : HN :– Gadiid sidday gargaar raashin ah oo loogu talagalay dadka ku dhaqan degmooyinka Buula-bute iyo Maxaas, ayaa lagu waramayaa in ay gaareen degmada Buula-burte, kaddib mudo dheer oo ay gadiidka ku xayirnaayeen degmada Jalalaqsi.

Raashiinkan oo loogu talagalay dadka ku nool degmooyinka Buulo-Burde iyo Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ka mid ah magaalooyinka ay Al-shabaab go’doomiyeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gawaarida siday Raahiinkaasi u gelbiyayGargaarrashidnnn degmooyinka dowladda Soomaaliya ugu talagasahay iyadoo maanta raashiinkaasi la garsiiyay degmooyinka Buulo-Burde, waxaana raashiinka lagu wareejiyay maamulada degmooyin loogau talagay in laga qeybiyo.

Dadka ku dhaqan degmooyinkaasi ayaa baahi weyn u qaba in la soo gaarsiiyo raashiin maadaama wadooyinka soo gala halkaasi ay gooyeen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab kadib markii ciidanka xoogga dalka iyo AMISOM ay ka saareen degmooyinkaasi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!