Gadiid kuwa martida ah oo loogu deeqay dowladda Soomaaliya

by wadani | Wednesday, Dec 9, 2015

babur-1Nairobi : HN :–Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhiira gelinta Maal-gashiga dowladda Soomaaliya ayaa ka gudoontay wasaaradda arrimaha dibadda ee Koofur Kuuriya afar gaadiidka martida ah, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka guddoomay gawaarida mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriya, waxaana uu ka mahad celiyay gaadiidkan loogu deeqay.

Gaadiidkan ayaa la sheegay in ay wasaarradu u adeegsan doonto martida shisheeye ee dalka soo booqata , waxa ay qeyb ka noqon doonaan dadaalo balaaran oo Wasaaradda lagu qalabeyn doono , laguna tayeyn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale .

babur-4Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in is bedelada iyo horumarada la hiigsanayo ay yihiin kuwa loogu adeeganayo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, laguna ilaalinayo madax banaanida, qaranimada, midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay inay soo hagaagayaan xiriirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka, islam markaana safiiro badan dalka loo soo magacaabayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!