Gadiidka AMISOM ah oo sarkaal dowladda ka tirsan ku jiiray wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

by Somali | Thursday, Feb 21, 2013 | 1 views

1523Muqdisho : HN : Gadiid kolanyo ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay ku jiireen xili uu ku sugnaa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiil goob joog aheyd ayaa warbaahinta u sheegay in gadiid ay wateen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM ay si lama filaan ah u jireen mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobollka Sh/hoose.

‘’Deegaanka Calamada ee gobollka Sh/hoose ayeey si lama filaan ah ugu jiireen gadiidka ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwo Burundi sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray C/salaam Sheekh Maxamuud Hilowle (Baraxoow),” ayuu yiri Col. Hilowle Ciise oo la hadlay saxaafadda.

Waxaa uu sarkaalku intaa ku darray in ciidamadii iyo saraakiishii AMISOM ee la soctay gadiidka kolanyad ah ay meesha ka qaadeen meydka sarkaalka

‘’Iyaga ayaa horay u qaaday meydka sarkaalka, waxaana rabaa in aan halka ka cadeeyo in falkaas uusan aheyn mid si ula kac ah loo sameeyay, laakiin uu ahaa shil qornaa in uu dhaco,’’ ayuu yiri Col Hilowle Ciise.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay taliska AMISOM ka qaadan doonaan ciidamadii watay gaadiidka jiiray sarkaalka Soomaaliga ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM ay jiiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo dad shacab ah, iyadoo ciidamadii falalkaas horay u geystay qaarkood lagu xukumay xabsiyo kala duwan, lagana joojiyay shaqooyinkii ay hayeen.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!