Galmudug ma gaarin heer maamul gobolleed lagu qiimeeyo

by admin | Friday, Feb 6, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa meesha ka saaray ka qeyb-galka maamul gobolleedka Galmudug  shirka DF iyo madaxda maamul gobolleedyada ee ka socda Muqdisho, oo ay ka qeyb-gallayaan madaxda maamulada Puntland, Jubba iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.

Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid oo madaxweyne ka ah maamulka Galmudug, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabada uu qaaday madaxweyne Xassan Sheekh ee looga raabay in uu shirkaasi ka qeyb-gallo.

Hasse ahaatee dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada ayaa qaba ama aaminsan in sababta ugu weyn ee shirkaasqeybdiid1-310x197 loogu marti-qaaadi waayay maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb tahay iyaga oo wali gaarin heerkii lagu qiimeyn lahaa maamul gobolleed, maadama hadda uun gobollada dhexe lagu howlan yahay in maamul loo sameeyo.

Laakiin dhinaca maamulka Galmudug ayaa iyagu ku doodaya in dhismaha ahaan marka la eego kaba horeeyeen maamulada Jubba iyo Koonfur galbeed, qeybna ka ahaayeen saxiixayaashii Road-map ee lagu soo dhisay dowladda hadda jirta, siddaa daraadeed jirin sabab ay uga qeyb-galli waayaan shirka.

Laakiin doodaas oo idil waxaa dhagaha ka fureystay madaxweyn Xassan Sheekh oo kulan kula qaadanaya Muqdisho madaxweynayaasha Puntland, Jubba iyo Koonfur galbeed oo ay ka wadda hadllayaa hiigsiga 2016-ka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!