Galmudug oo eedeysay Puntland iyo jawaab arintaa Puntland ka bixisay

by admin | Tuesday, Aug 18, 2015

Cadaado : HN :–Maamulka KMG ah ee Galmudug ayaa Maanta ku eedeeyay Puntland inay Qal-qal-gelinta Ammaanka ayna Hurinayso Colaaddo ka dhan ah Maamulkooda, iyadoo Maamulka Puntland ay iyaguna ka Jawaabeen Eedeymaha loo soo jeediyay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Carrabeey oo Wareysi siiyay VOA-da ayaa ku eedeyey Puntland inay Taageeraan Kooxda Ahlusunna oo Haysata Deegaanno ka mid ah kuwa uu ka taliyo Maamulkooda.

Sidoo kale, Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay colaad ka hurineyso deegaanno ka mid ah Gobolka aynaGalmudug_iyo_Puntland_660 maleeshiyaad u ururineyso si ay dagaallo u qarxaan.

“Waxaan ka Digaynaa Puntland oo Dhaq-dhaqaaqyo ka wadda deegaanno ka mid ah kuwa Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo ku Saleysan Siyaasad, sidoo kalena Waxaan Caalamka Ogeysiinaynaa inay Arrimahaas ka Digtoonaadaan oo ay ka doortaan nabadgalyo iyo inaan Darisnimo ku Wada-noolaanno,” ayuu yiri Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo VOA-da la hadlay.

Mar la Weydiiyay Carrabeey waxyaabaha ay ku eedeynayaan ayuu ku sheegay inay ka mid yihiin; inay Taageero dhaqaale iyo mid Ciidan u fidinayaan Ahlusunna, inay Deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug inay dhaqdhaqaaqyo ciidan kawadaan, waxaana arrimahaas oo dhan kasoo dacwoonaya shacabka Galmudug oo ku nool deegaannadaas.

Su’aal la weydiiyay Max’ed Xaashi inay caddeyn u hayaan eedeymahan ayuu ku Jawaabay; “Runtii waan haynnaa markii loo baahdana ayaana soo Ban-dhigaynaa. Haddii Wadahadal ay ogolaaddanna Waxaan diyaar u nahay inaan u soo bandhigno caddeymaha.”

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa beeniyay inay Fara-glin ku hayaan Maamulka Gal-mudug oo ay taageerayaan urur mucaarad ah oo ay ka mid yihiin Ahlusunna Waljameeca.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxmuud Xasan Soo-cadde oo VOA-da la hadlay maanta ayaa isna sheegay inaysan jirin eedeymaha Galmudug ay soo jeedisay, wuxuuna xusay in Puntland aysan wax xiriir ah la lahayn Ururka Ahlusunna.

“Ma jiro maamul Galmudug la yiraahdo oo aanu Aqoonsanahay, waayo waa maamul lagu dhisay hal Gobol oo ah Galguduud. Haddiise aan dib u jalleeco eedeymaha ruuxa hadlay, waxaan leenahay eedeymahaas ma aha kuwo jira,” ayuu yiri Wasiir Soo-cadde.

Isagoo sii hadlaya Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay inaysan dhibaato rabin, cid ay ku yiraadeen nabad idin kulama noolaanayno ma jirto. Waxaana cod dheer ku leennahay in innagu Cid walba oo Dariskeenna ah oo aan dhibaato nagu hayn Haddii ay noqon lahayd dhinaca dadkeenna iyo xuduudaheenna inaan kula noolaanno nabad.

Ugu dambeyn, Wasiir Soo-cadde ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid aan ku dhisnayn qaab dastuuri ah, mana aqoonsanayno. Waayo buu yiri dadka xilalka ka haya maamulkaas waa kuwo laga keenay Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee, xiisadda ka dhexeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa Salka ku haysa Gobolka Mudug oo labada maamul ay isku haystaan. Welina ma jirto wax xal ah oo laga gaaray khilaafkaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!