Galmudug oo ku baaqday in labadalo guddoomiyaha guddiga doorashada heer gobol

by wadani | Sunday, Nov 27, 2016

Cadaado : HN :- Maamulka gobolleedka Galmudug ayaa qoraal ka soo baxay maanta waxaa ay ku dalbadeen in la badallo guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka heer dowlad gobolleedka ee Galmudug.

Warka Galmudug ka soo baxay ayaa siddan u dhignaa :
Annagoo ka amba qaadeyna habsami usocodka geedi socodka doorashooyinka iyo in doorashooyinku ay ku dhammaadaan si nabad ah oo xasilloon ayaa Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu dacwad liddi ku ah Madaxa Wakiilada Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee ku sugan Galmudug u gudbiyey Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.Kadib markii maamulku uu arkay in xubintaas wakiilka ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku dhaqaaqday arrimo kabaxsan waajibaadkii shaqo, kuwaas oo qas iyo iska hor imaad ku abuuray bulshada, caqabado iyo turaan turooyinna ku ah habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.

Hadaba, annagoo ka duulayna arrimahaas waxaan Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ka codsaney inuu nalagala laabto xubintaas nooguna soo badalo dad aan wada shaqeyn karno.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa, in ay diyaar u tahay in ay iskaashi buuxda layeelaneyso dhammaan Guddiyada loo igmaday doorashooyinka gaar ahaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxayna guddiyadaas ka rajeyneysaa in ay dhawraan kuna shaqeeyaan waajibaadka shaqo ee loo xilsaaray.

Dhamaad

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!