Galmudug oo soo dhameystirtay xubnaha aqalka sare uga mid noqonaya

by wadani | Sunday, Oct 16, 2016

Cadaado : HN :- Maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay soo gudbiya liiska xubnaha Aqalka sare u matalaya, kaddib markii shalay iyo maanta ay ka dhacday Cadaado doorashada Musharaxiinta ku loolamaya kuraasta aqalka sare ee beelaha dega Galmudug.

Doorashada oo aheyd mid aad u xiiso badan, isla markaana si aad ah isha loogu haayay xubno qaar ee ku tartamayay kuraasta Aqalka sare oo loolan u dhaxeeyay.

Xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka sare ayaa ka kooban 8 xubnood, iyadoo maalintii shalay la doortay shan xubnood, halka maanta la doortay saddex.

Labo Haween ayaa ka mid ah Liiska xubnaha Aqalka sare ee matalaya Galmudug, kuwaasoo ka guuleystay Siyaasiyiin caan ahaa oo ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa muuqata in badankood xubnaha la doortay ee Aqalka sare ee matalaya Galmudug ayaa waxay u janjeeraan dhinaca Madaxweynaha oo dadaal ugu jira sidii labada aqal ee Baarlamaanka uga soo muuqan lahaayeen xildhibaano isaga taageersan, si ay mar kale u doortaan.

Senator-kii ugu horeeyay ee loo doorta Kursiga Aqalka sare ayaa noqday Abshir Maxamed Axmed oo loo yaqaano Abshir Bukhaari, kaasoo horay Agaasime uga soo noqday Xarunta Madaxtooyada, ahna xilligan Milkiilaha Warbaahin dhowr ah oo ku taala Muqdisho, sida Idaacada Goobjoog.

Hadaba waxaa halkan idinku soo gudbineyna magacyada xubnaha Aqalka sare ee Galmudug matalaya iyo beelaha ay ka soo jeedaan:-

1- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir

2- Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade

4-Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble

5- Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle

6- Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir

7- C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan.

8- Abuukar Axmed Xaashi — Beesha Dir.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!